Saacadda Hadda
Salaadda Subax - Prime
Waxaan u mahadnaqaynaa Ilaah habeenkii, annagoo ka baryayna inuu iftiimiyo maalinta cusub iftiinka sarakicidda Masiixa.
Hordhaca Saacaddii Kasta
Magaca Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuska ah
Ilaaha Keliya, Aamiin.
Sayidow naxariiso. Sayidow naxariiso. Sayidow barakee. Aamiin.
Ammaan Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuska ah, hadda iyo waqti kasta iyo ilaa weliga weligiis, Aamiin.
AABBAHAYAGA
¶ Haddaba sidatan u tukada, Aabbahayaga jannada ku jirow, magacaagu quduus ha ahaado.
Boqortooyadaadu ha timaado, doonistaada dhulka ha lagu yeelo sida jannada loogu yeelo.
Kibis maalin nagu filan, maanta na sii.
Oo naga cafi qaamahayaga sidaannu u cafinnay kuwa noo qaamaysan.
Oo jirrabaadda ha noo kaxayn, laakiin sharka naga du. Waayo, boqortooyada iyo xoogga iyo ammaanta adigaa leh weligaa. Aamiin.
Salaadda Shukriga
Aan ku mahadnaqno Ilaaha naxariista badan, Sameeyaha wanaagga, Aabbaha Rabbigeenna iyo Ilaaheenna iyo Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, waayo Isagu wuu nagu asturay oo wuu nagu kaalmeeyey, wuu na dhowray, wuuna ina aqbalay, wuuna na u naxariistay, wuu na xoojiyey, wuuna ina keenay saacaddan. Isagana waxaan ka baryeynaa in uu nagu hayo maalintan quduuska ah iyo dhammaan maalmaha nolosheena nabad buuxda. Sayidka Ilaaheenna Qaadirka wax walba.
Sayidow Ilaahow, Qaadirka wax walba, Aabbaha Rabbigeenna iyo Ilaaheenna iyo Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, annagu waxaan kugu mahadnaqaynaa xaalad kasta, iyo sabab kasta, iyo xilli kasta; waayo adigu waad nagu asturtay, waad nagu kaalmaysay, waad na haysay, waad na aqbashay, waad na u naxariistay, waad na xoojisay, waadna ina keentay saacaddan.
Sidaa darteed waxaan ka weydiisanaynaa, oo ka baryaynaa wanaaggaaga, Sayidow Jecel dadka, in aad nagu deeqdo in aan ku dhamayno maalintan quduuska ah iyo dhammaan maalmaha nolosheena nabad iyo cabsidaada la jirta. Xaasidnimo kasta, iyo jirrab kastaa, iyo fal kasta oo shaydaan, iyo khiyaamada dadka sharka leh, iyo kacdoonka cadowga qarsoon iyo kan muuqda, naga fogee annaga iyo dadkaaga oo dhan, iyo meeshan quduuska ah. Waxa wanaagga iyo waxyaalaha waxtarka lehna na siisii. Waayo adigu waxaad na siisay amar aan ku tumanno abeesooyinka iyo qoolleyda iyo xoog kasta oo cadowga ah. Oo ha noo gelin jirrab, laakiin naga badbaadi kan sharka leh.
Naxariista iyo raxmadda iyo jeclaanta dadka ee Wiilkaaga Keliya, Rabbigeenna iyo Ilaaheenna iyo Badbaadiyeheenna Ciise Masiix; isaga oo ay iyaga kugu habboon yihiin ammaanta iyo sharafta iyo weynaanta iyo sujuuddu, adiga iyo Ruuxa Quduuska ah ee wax-noolaynta, ee kugu sinnayn, hadda iyo weligeed iyo ilaa weliga weligiis, Aamiin.
SABUUR 50
Ilaah, oo ah Ilaaha Rabbiga ah ayaa hadlay, Oo qorrax-soo-baxa ilaa qorraxdhaca dhulkuu u yeedhay.
Siyoon oo ah meesha quruxda kaamilka ah Ayaa Ilaah ka soo iftiimay.
Ilaaheen wuu iman doonaa, iskamana aamusi doono, Hortiisa ayaa dab wax baabbi'in doonaa, Hareerihiisana waxaa jiri doona duufaan weyn.
Isagu wuxuu u yeedhi doonaa samooyinka sare, Iyo dhulkaba, inuu dadkiisa xukumo aawadeed.
Oo wuxuu odhan doonaa, Quduusiintayda ii soo wada ururiya, Kuwii axdi igula dhigtay allabari.
Oo samooyinka ayaa xaqnimadiisa sheegi doona, Waayo, Ilaah qudhiisu waa xaakin. (Selaah)
Dadkaygiiyow, i maqla, oo anna waan hadli doonaa, Israa'iilow, i maqal oo anna waan kuu markhaati furi doonaa, Anigu waxaan ahay Ilaah, oo ah Ilaahaaga.
Anigu kugu canaanan maayo allabaryadaada, Oo qurbaannadaada gubanu had iyo goorba hortayday yaalliin.
Reerkaaga dibi ka qaadan maayo, Xerooyinkaagana orgi kala bixi maayo.
Waayo, xayawaanka duudda jooga oo dhan anigaa iska leh, Iyo xataa xoolaha kunka buurood jooga oo dhan.
Waan wada aqaan haadda buuraha joogta oo dhan, Oo dugaagga duurka jooga oo dhanna anigaa iska leh.
Haddaan gaajaysnahay, kuuma aan sheegeen, Waayo, dunida iyo waxa ka buuxaba anigaa iska leh.
Miyaan cuni doonaa hilibka dibida, Miyaanse cabbi doonaa dhiigga riyaha?
Ilaah u bixi allabariga mahadnaqiddaa, Oo Ilaaha ugu sarreeyana nidarradaadii u oofi,
Oo i bari maalinta dhibi jirto, Oo anna waan ku samatabbixin doonaa, kolkaasaad i ammaani doontaa.
Laakiinse Ilaah wuxuu kan sharka leh ku yidhaahdaa, Maxaad qaynuunnadayda u sheegaysaa, Oo aad axdigayga afkaaga ugu soo qaadaysaa?
Adigoo tacliinta neceb, Oo weliba erayadaydana dabadaada ku tuura.
Markaad tuug aragtay waad oggolaatay, Oo waxaad la qayb qaadatay dhillayo.
Afkaaga waxaad u daysaa inuu shar ku hadlo, Oo carrabkaaguna wuxuu hindisaa khiyaano.
Waad fadhiisataa oo wax ka sheegtaa walaalkaa, Oo weliba waxaad xamataa inahooyadaa.
Waxyaalahaas baad samaysay, oo anna waan iska aamusay, Waxaad moodday inaan ahay mid kula mid ah, Laakiinse waan ku canaanan doonaa, oo iyaga ayaan indhahaaga hortooda ku hagaajin doonaa.
Kuwiinna Ilaah illoobayow, bal waxan ka fiirsada, Waaba intaasoo aan cadcad idiin jeexjeexaaye, oo aad wax idin samatabbixiya weydaane,
Ku alla kii allabariga mahadnaqidda bixiyaa waa i ammaanaa, Oo kii socodkiisa si qumman u hagaajiyana Waxaan tusi doonaa badbaadinta Ilaah.
Bilowga Salaadda (Kaalay aan sujuudno - Buullus - Iimaanka Kaniisadda):-
Kaalay aan sujuudno: Kaalay aan sujuudno, kaalay aan baryo Masiixa Ilaaheenna. Kaalay aan sujuudno, kaalay aan ka codsanno Masiixa Boqorkeenna. Kaalay aan sujuudno, kaalay aan ka tukanno Masiixa Badbaadiyeheenna. Rabbigeenna Ciise Masiix, Kalimadda Ilaah, Ilaaheenna, shafaatada Quduusadda Maryan iyo dhammaan quduusiintaada, na ilaali oo nagu bilaabi bilow wanaagsan. Naxariiso nagu yeel sida doonistaada weligeed. Habeenkii wuu dhammaaday, waannu kugu mahadnaqaynaa Sayidow, waxaanna kaa baryeynaa in aad nagu ilaaliso maalintan adigoon dembi na gelin, oo naga badbaadi.
البولس من رسالة أفسس (4: 1-5) أسألكم أنا الأسير في الرب أن تسلكوا كما يحق للدعوة التي دعيتم إليها، بكل تواضع القلب والوداعة وطول الأناة، محتملين بعضكم بعضا بالمحبة، مسرعين إلى حفظ وحدانية الروح برباط الصلح الكامل لكي تكونوا جسدًا واحدًا وروحًا واحدا، كما دعيتم في رجاء دعوتكم الواحد. ربٍّ واحد. وإيمان واحد. ومعمودية واحدة.
Ka mid ah Iimaanka Kaniisadda: Ilaah waa mid keliya, Aabbaha dadka oo dhan. Wiilkiisuna waa mid keliya, Ciise Masiix Kalimadda, kan jidh qaatay, oo dhintay, oo ka soo sara kacay kuwii dhintay maalintii saddexaad, oo ina kiciyey annagana; Ruuxa Quduuska ahna waa mid keliya, Muuiyiha, oo Qofkiisu keli yahay, ka ka soo baxa Aabbaha, oo nadiifiya adduunka oo dhan. Waxa uu na baraa in aynu u sujuudno Saddexmidnimada Quduuska ah ee Ilaahnimo keliya iyo Dabeecad keliya, oo aynu ammaanno oo barakaynno weligeed. Aamiin.
WARQADII BAWLOS (Efesos 4:1-5)
¶ Haddaba sidaas daraaddeed anigoo maxbuus ku ah Rabbiga, waxaan idinka baryayaa inaad yeedhistii laydiinku yeedhay ugu socotaan si istaahil ah,
idinkoo leh is-hoosaysiin iyo qalbiqaboobaan oo dhan iyo samir, oo midkiinba midka kale jacayl ugu dulqaadanayo.
Ku dadaala inaad midownimada xagga Ruuxa ku xajisaan xidhiidhka nabadda.
Haddaba waxaa jira jidh keliya iyo Ruux keliya, xataa sida idinka laydiinkugu yeedhay rajo keliya xagga yeedhistiinnii.
Oo waxaa jira Rabbi keliya iyo iimaan keliya iyo baabtiis keliya,
Salaadda Saacadda Barra ee maalintan barakaysan, waxaan u keenayaa Masiixa Boqorkaygii iyo Ilaahkaygii, waxaana ka baryayaa in uu ii cafiyo dembiyadayda.
Ka mid ah Sabuurradii aabbahayo Daa’uud nebiga — barakadiisu korkayaga ha ahaato, Aamiin.
Salaadda Subax ee maalinta barakaysan,
Waxaa barakaysan ninkii aan ku socon talada kuwa sharka leh, Oo aan istaagin jidka dembilayaasha, Oo aan ku fadhiisan kursiga kuwa wax quudhsada.
Laakiinse waxaa isaga ka farxiya sharciga Rabbiga, Oo habeen iyo maalinba sharcigiisuu ka fikiraa.
Oo wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray durdurrada biyaha agtooda, Oo midhihiisa dhala xilligooda, Oo aan caleentiisuna engegin. Oo wax alla wuxuu sameeyoba wuu ku liibaani doonaa.
Laakiinse kuwa sharka lahu sidaas ma aha, Iyaguse waxay la mid yihiin buunshaha dabayshu kaxayso.
Sidaas daraaddeed kuwa sharka lahu isma dhex taagi doonaan xukunka, Dembilayaashuna sooma dhex geli doonaan kuwa xaqa ah ururkooda.
Waayo, Rabbigu waa yaqaan kuwa xaqa ah jidkooda, Laakiinse kuwa sharka ah jidkoodu waa baabbi'i doonaa.
Ka mid ah Sabuurradii aabbahayaga Daa'uud nebiga iyo boqorka,
Bal quruumuhu maxay u cadhoodaan, Dadkuna maxay ugu fikiraan wax aan waxba ahayn?
Boqorrada dhulku col bay u taagan yihiin, Taliyayaashuna waxay u wada tashadaan Rabbiga iyo Masiixiisa, iyagoo leh,
Silsiladahooda aan gooyno Oo xadhkahoodana aan iska fogayno.
Kan samada fadhiyaa wuu qosli doonaa, Oo Sayidku iyaga wuu ku majaajiloon doonaa.
Markaasuu isagoo cadhaysan iyaga la hadli doonaa, Oo wuxuu iyaga ku dhibi doonaa dhirifkiisa isagoo leh,
Anigu boqorkaygii waxaan fadhiisiyey Buurtayda quduuska ah oo Siyoon.
Amarkii ayaan wax ka sheegi doonaa, Rabbigu wuxuu igu yidhi, Adigu waxaad tahay wiilkayga, Maantaan ku dhalay.
I bari oo waxaan dhaxal ahaan kuu siin doonaa quruumaha, Oo dunida meelaha ugu fogfogna hanti ahaan baan kuu siin doonaa.
Waxaad iyaga ku jejebin doontaa ul bir ah, Oo waxaad u burburin doontaa sida weelka dheryasameeyaha.
Haddaba sidaas daraaddeed, Boqorradow, caqli yeesha, Oo xaakinnada dhulkow, edeb yeesha.
Rabbiga cabsi ugu adeega, Oo reyreeya idinkoo gariiraya.
Wiilka dhunkada, waaba intaasoo uu idiin cadhoodaa oo aad jidka ku baabba'daane. Waayo, cadhadiisu haddiiba way kululaan doontaa. Waxaa barakaysan kuwa isaga isku halleeya oo dhan.
SABUUR 1
Waxaa barakaysan ninkii aan ku socon talada kuwa sharka leh, Oo aan istaagin jidka dembilayaasha, Oo aan ku fadhiisan kursiga kuwa wax quudhsada.
Laakiinse waxaa isaga ka farxiya sharciga Rabbiga, Oo habeen iyo maalinba sharcigiisuu ka fikiraa.
Oo wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray durdurrada biyaha agtooda, Oo midhihiisa dhala xilligooda, Oo aan caleentiisuna engegin. Oo wax alla wuxuu sameeyoba wuu ku liibaani doonaa.
Laakiinse kuwa sharka lahu sidaas ma aha, Iyaguse waxay la mid yihiin buunshaha dabayshu kaxayso.
Sidaas daraaddeed kuwa sharka lahu isma dhex taagi doonaan xukunka, Dembilayaashuna sooma dhex geli doonaan kuwa xaqa ah ururkooda.
Waayo, Rabbigu waa yaqaan kuwa xaqa ah jidkooda, Laakiinse kuwa sharka ah jidkoodu waa baabbi'i doonaa.
SABUUR 2
Bal quruumuhu maxay u cadhoodaan, Dadkuna maxay ugu fikiraan wax aan waxba ahayn?
Boqorrada dhulku col bay u taagan yihiin, Taliyayaashuna waxay u wada tashadaan Rabbiga iyo Masiixiisa, iyagoo leh,
Silsiladahooda aan gooyno Oo xadhkahoodana aan iska fogayno.
Kan samada fadhiyaa wuu qosli doonaa, Oo Sayidku iyaga wuu ku majaajiloon doonaa.
Markaasuu isagoo cadhaysan iyaga la hadli doonaa, Oo wuxuu iyaga ku dhibi doonaa dhirifkiisa isagoo leh,
Anigu boqorkaygii waxaan fadhiisiyey Buurtayda quduuska ah oo Siyoon.
Amarkii ayaan wax ka sheegi doonaa, Rabbigu wuxuu igu yidhi, Adigu waxaad tahay wiilkayga, Maantaan ku dhalay.
I bari oo waxaan dhaxal ahaan kuu siin doonaa quruumaha, Oo dunida meelaha ugu fogfogna hanti ahaan baan kuu siin doonaa.
Waxaad iyaga ku jejebin doontaa ul bir ah, Oo waxaad u burburin doontaa sida weelka dheryasameeyaha.
Haddaba sidaas daraaddeed, Boqorradow, caqli yeesha, Oo xaakinnada dhulkow, edeb yeesha.
Rabbiga cabsi ugu adeega, Oo reyreeya idinkoo gariiraya.
Wiilka dhunkada, waaba intaasoo uu idiin cadhoodaa oo aad jidka ku baabba'daane. Waayo, cadhadiisu haddiiba way kululaan doontaa. Waxaa barakaysan kuwa isaga isku halleeya oo dhan.
SABUUR 3
Rabbiyow, cadaawayaashaydu fara badanaa! Kuwa igu kacaa aad bay u badan yihiin.
Way badan yihiin kuwa naftayda wax ka sheegaa, iyagoo leh, Ilaah isaga caawin maayo. (Selaah)
Laakiinse, Rabbiyow, adigu waxaad tahay gaashaan igu wareegsan, Iyo sharaftayda, iyo kan madaxayga kor u qaada.
Codkayga ayaan Rabbiga ugu qayliyaa, Oo isaguna wuxuu iiga jawaabaa buurtiisa quduuska ah. (Selaah)
Anigu waan jiifsaday oo waan iska seexday, Oo haddana waan soo toosay, waayo, Rabbiga ayaa i xannaaneeya.
Ka baqi maayo dadka kumanyaalkaa, Oo gees kasta iga hareereeyey.
Kac, Rabbiyow, oo i badbaadi, Ilaahayow, Waayo, cadaawayaashaydii oo dhan waxaad ku dhufatay dhabanka, Oo kuwa sharka leh ilkahoodiina waad jejebisay.
Badbaado waxaa leh Rabbiga, Barakadaadu dadkaaga ha ku soo degto. (Selaah)
SABUUR 4
Ilaaha xaqnimadaydow, markii aan ku baryo i maqal, Markii aan cidhiidhi ku jirayba meel baad ii bannaysay, Ii naxariiso oo baryadayda maqal.
Binu-aadmigow, ilaa goormaa sharaftaydu sharafjab u rogmanaysaa? Ilaa goormaad wax aan micne lahayn jeclaanaysaan? Oo ilaa goormaad been doondoonaysaan? (Selaah)
Laakiinse ogaada in Rabbigu gooni ahaan isugu soocay kii cibaado leh, Rabbigu wuu maqli doonaa markii aan u yeedho isaga.
Cadhooda oo ha dembaabina, Qalbigiinna la hadla markii aad sariirtiinna ku jiiftaan, oo aamusa. (Selaah)
Bixiya allabaryadii xaqnimada, Oo Rabbiga isku halleeya.
Waxaa jira kuwo badan oo yidhaahda, Bal yaa wanaag na tusaya? Rabbiyow, iftiinka wejigaaga nagu ifi.
Waxaad qalbigayga gelisay farxad Ka sii badan tan ay helaan markii hadhuudhkooda iyo khamrigoodu ay kordhaan.
Nabad baan ku jiifsanayaa oo aan ku seexanayaa, Waayo, Rabbiyow, adigoo keliya ayaa ammaan igu bariiya.
SABUUR 5
Rabbiyow, bal hadalladayda dhegta u dhig, Oo ka fiirso fikirradayda.
Boqorkayga iyo Ilaahaygow, bal maqal codka baryadayda, Waayo, adigaan kuu tukanayaa.
Rabbiyow, codkayga aroorta baad maqli doontaa, Oo aroorta ayaan tukashadayda kugu soo hagaajin doonaa, oo waan soo jeedi doonaa.
Waayo, adigu ma ihid Ilaah xumaanta ku farxa, Oo shar adiga kula jiri maayo.
Kan ismadax-weyneeya hortaada soo istaagi maayo, Oo waxaad neceb tahay xumaanfalayaasha oo dhan.
Waad wada baabbi'in doontaa kuwa beenta ku hadla, Rabbigu aad buu u karhaa kan dhiigyacabka ah iyo khaa'inkaba.
Laakiinse anigu kalgacaylkaaga badan ayaan gurigaaga ku soo gelayaa, Oo anigoo kaa cabsanaya ayaan xagga macbudkaaga quduuska ah u soo tukan doonaa.
Rabbiyow, cadaawayaashayda daraaddood xaqnimadaada igu hoggaami, Oo jidkaaga hortayda ku toosi.
Waayo, afkooda daacadnimo kuma jirto, Oo uurkooda hoosena waa xumaan miidhan, Hungurigooduna waa qabri af bannaan, Oo carrabkooduna waa sasabasho miidhan.
Ilaahow, iyaga kuwo eed leh ku tiri, Oo iyagu taladooda ha ku baabbe'een, Oo xadgudubkooda batay daraaddiis u tuur iyaga, Waayo, way kugu caasiyoobeen.
Laakiinse kuwa adiga isku kaa halleeya oo dhammu ha reyreeyeen, Oo farxad ha ku qayliyeen weligoodba, maxaa yeelay, adigaa daafaca iyaga, Kuwa magacaaga jeceluna adiga ha kugu farxeen.
Waayo, Rabbiyow, kii xaq ah waad barakayn doontaa, Oo waxaad hareerihiisa ku wareejinaysaa raallinimo sidii gaashaan oo kale.
SABUUR 6
Rabbiyow, cadhadaada ha igu canaanan, Oo dhirifkaaga kululna ha igu edbin.
Rabbiyow, ii naxariiso, waayo, anigu waan taagdaranahay, Rabbiyow, i bogsii, waayo, lafahaygu way dhib qabaan.
Oo weliba naftayduna aad iyo aad bay u dhibaataysan tahay, Adiguse, Rabbiyow, ilaa goormaad sugaysaa?
Rabbiyow, soo noqo oo naftayda samatabbixi, Oo igu badbaadi raxmaddaada daraaddeed.
Waayo, geeridu ma leh xusuus adiga lagugu xusuusto, Bal yaase She'ool kaaga mahadnaqi doona?
Waxaan la daalay jibaadkayga, Habeen kasta sariirtayda oohin baan ku qoyaa. Gogoshaydana waxaan ku qoyaa ilmadayda.
Ishaydu waxay la gudhaysaa tiiraanyo, Oo cadaawayaashayda daraaddood ayay la gabowdaa.
Iga taga, kuwiinna xaqdarrada ka shaqeeya oo dhammow, Waayo, Rabbigu waa maqlay codkii oohintayda.
Rabbigu waa maqlay baryootankaygii, Oo Rabbigu waa aqbalayaa tukashadayda.
Cadaawayaashayda oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, oo aad iyo aad bay u dhibtoon doonaan, Dib bay u noqon doonaan, oo si kediso ah ayay u ceeboobi doonaan.
SABUUR 8
Rabbiyow, Sayidkayagiiyow, Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa! Waayo, sharaftaadii waxaad ka sarraysiisay samooyinka.
Waxaad xoog u yeeshay afka ilmaha yaryar iyo caanonuugga, Waana cadaawayaashaada daraaddood, Si aad u aamusiisid cadowga iyo aardoonka.
Markaan ka fiirsado samooyinka farahaaga lagu sameeyey, Iyo dayaxa iyo xiddigaha aad amartay,
Bal waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga? Iyo wiilka aadanaha oo aad u soo booqataa?
Waayo, waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa'igaha, Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad.
Oo waxaad isaga ka dhigtay inuu u taliyo shuqullada gacmahaaga, Oo wax walbana cagihiisaad ka hoosaysiisay,
Idaha iyo lo'da oo dhan, Iyo xayawaanka duurka joogaba,
Iyo haadka hawada, iyo kalluunka badda, Iyo wax alla waxa ku dhex socda waddooyinka badaha.
Rabbiyow, Sayidkayagiiyow, Magacaagu dunida oo dhan ku fiicanaa!
SABUUR 11
Anigu Rabbigaan isku halleeyaa, Haddaba idinku sidee baad naftayda ugu tidhaahdaan, Sida shimbir oo kale buurtiinnii ku carara?
Waayo, bal eega, kuwa sharka lahu waxay xoodaan qaansada, Fallaadhoodana waxay ku diyaariyaan xadhigga, Inay kan qalbiga ka qumman goor gudcur ah ku ganaan.
Haddii aasaaska la dumiyo, Kan xaqa ahu bal muxuu samayn karaa?
Rabbigu wuxuu ku jiraa macbudkiisa quduuska ah, Rabbiga carshigiisu wuxuu yaal samada, Indhihiisu way eegaan, oo indhihiisa daboolkooduna way imtixaamaan binu-aadmiga.
Rabbigu waa tijaabiyaa kii xaq ah, Laakiinse kii shar leh iyo kii dulmi jecelba naftiisu way neceb tahay.
Kuwa shar leh wuxuu ku soo kor daadin doonaa dabinno, Oo qaybta koobkooduna waxaa weeye dab iyo baaruud iyo dabayl hanfi ah.
Waayo, Rabbigu waa xaq, oo isagu xaqnimaduu jecel yahay, Kuwa qummanuna wejigiisay arki doonaan.
SABUUR 12
Rabbiyow, dadkaaga caawi, waayo, nin cibaado leh waa la waayayaa, Waayo, binu-aadmiga intii aaminka ahayd way ka dhammaadeen.
Mid walba deriskiisa wuxuu kula hadlaa been, Oo waxay ku hadlaan bushimo sasabasho miidhan ah iyo laba qalbi.
Rabbigu wuxuu wada baabbi'in doonaa bushimaha sasabashada badan oo dhan, Iyo carrabka waxyaalaha waaweyn ku hadlaba.
Kuwaasu waxay yidhaahdeen, Annagu waxaan ku adkaan doonnaa carrabkayaga, Oo bushimahayagana annagaa iska leh. Haddaba bal yaa annaga sayid noo ah?
Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu haatan waxaan u kacayaa Masaakiinta la dhacayo, iyo kuwa baahan taahiddooda daraaddood, Oo kan ay fudaydsanayaanna waan ammaan gelinayaa.
Rabbiga erayadiisu waa erayo daahir ah, Oo waa sida lacag foorno kulul oo dhulka ku taal lagu kala miiray, Oo toddoba jeer la safeeyey.
Rabbiyow, waad dhawri doontaa, Oo qarnigan ayaad iyaga ka xannaanayn doontaa weligood.
Markii nijaasta binu-aadmiga dhexdiisa lagu jecel yahay, Kuwa sharka lahu waxay ku socdaan dhinac kasta.
SABUUR 14
Nacasku wuxuu qalbigiisa iska yidhaahdaa, Ilaah ma jiro. Iyagu way kharriban yihiin, oo waxay sameeyeen shuqullo karaahiyo ah, Ma jiro mid wanaag sameeya.
Rabbigu samaduu ka soo fiiriyey binu-aadmiga, Inuu arko haddii ay jiraan kuwo wax garanaya, Oo Ilaah doondoona.
Dhammaantood gees bay u wada leexdeen, oo way wada nijaasoobeen, Mid wanaag falaa ma jiro, midnaba.
Xumaanfalayaasha oo dhammu miyaanay aqoon lahayn? Iyagoo dadkayga cuna, siday kibista u cunaan, Mana ay baryaan Rabbiga.
Halkaasay aad ugu cabsadeen, Maxaa yeelay, Ilaah wuxuu la jiraa qarniga xaqa ah.
Idinku waxaad ceebaysaan talada miskiinka, Laakiin Rabbigu waa magangalkiisa.
Badbaadada reer binu Israa'iil bal may Siyoon ka timaado! Marka Rabbigu dadkiisa maxaabiisnimada ka soo celiyo, Ayaa reer Yacquub rayrayn doonaa, oo reer binu Israa'iilna farxi doonaa.
SABUUR 15
Rabbiyow, bal yaa taambuuggaaga ku fadhiyaya? Oo bal yaa buurtaada quduuska ah degganaanaya?
Waa kii si qumman u socda, oo xaqnimo sameeya, Oo qalbigiisa run kaga hadla.
Waana kii aan carrabkiisa wax ku xaman, Ama aan saaxiibkiis xumaan ku samayn, Ama aan deriskiisa cay ku soo hadal qaadin,
Kii indhihiisu ay nejiska quudhsadaan, Oo isagu murweeya kuwa Rabbiga ka cabsada, Kii hadduu dhaarto oo ay waxyeello ku tahay, aan isbeddelin,
Kii aan lacagtiisa u soo bixin korsocod, Ama aan laaluush u qaadan inuu wax yeelo kuwa aan xaqa qabin. Kii waxyaalahaas sameeya weligiis lama dhaqaajin doono.
SABUUR 18
Rabbiyow, xooggaygiiyow, anigu waan ku jeclahay.
Rabbigu waa dhagax weyn oo ii gabbaad ah iyo qalcaddayda, iyo samatabbixiyahayga, Iyo Ilaahay, iyo gabbaadkayga adag, oo isagaan isku hallayn doonaa, Isagu waa gaashaankayga, iyo geeska badbaadadayda, iyo munaaraddayda dheer.
Waxaan baryayaa Rabbiga istaahila in la ammaano, Oo sidaasaan cadaawayaashayda kaga badbaadi doonaa.
Waxaa i hareereeyey xadhkihii dhimashada, Oo waxaa i cabsiiyey daadkii cibaadala'aanta.
Waxaa igu wareegsanaa xadhkihii She'ool, Oo waxaa i qabsaday dabinnadii dhimashada.
Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga baryay, Oo waxaan u qayshaday Ilaahay, Isna codkayguu macbudkiisa ka maqlay, Oo qayladayda hortiisa ka yeedhaysaana dhegihiisay gashay.
Markaasaa dhulku ruxmay oo gariiray, Oo buuraha aasaaskoodiina wuu dhaqdhaqaaqay, Oo wuu ruxmay, maxaa yeelay, Ilaah waa cadhaysnaa.
Dulalka sankiisa waxaa ka soo baxay qiiq, Afkiisana waxaa ka soo baxay dab wax gubaya, oo dhuxulaa ka shidmay isaga.
Oo weliba samooyinka wuu soo foorarshay, oo hoos buu u soo degay, Oo cagihiisana waxaa hoos yiil gudcur weyn.
Oo wuxuu fuulay keruub, wuuna duulay, Haah, oo wuxuu si dheeraysa ugu duulay oo fuulay dabaysha baalasheeda.
Wuxuu gudcurka ka dhigtay meeshiisii dhuumashada, iyo taambuuggiisa hareerihiisa ku wareegsan, Iyo biyo gudcur ah, iyo daruuraha qarada waaweyn oo cirka.
Nuurkii hortiisa yiil aawadiis ayay daruurihii qarada waaweynaa tageen, Roobkii dhagaxyada lahaa iyo dhuxulihii dabka ahaana way carareen.
Rabbiguna wuxuu ka onkoday samooyinka, Sarreeyuhuna wuxuu ku hadlay codkiisii, Oo soo daayay roob dhagaxyaale iyo dhuxulo dab ah.
Markaasuu fallaadhihiisii soo ganay oo kala firdhiyey iyagii, Haah, oo wuxuu u soo diray hillaac badan, wuuna baabbi'iyey iyagii.
Rabbiyow, canaantaadii aawadeed iyo dulalka sankaaga neefta ka soo baxaysa aawadeed Ayaa durdurradii biyuhu la muuqdeen, Oo aasaaskii duniduna wuu soo bannaan baxay.
Xagga sare ayuu cid ka soo diray, oo wuu i qaaday, Oo wuxuu iga soo dhex bixiyey biyo badan.
Wuxuu iga samatabbixiyey cadowgaygii xoogga badnaa, Iyo kuwii i necbaaba, waayo, iyagu way iga xoog badnaayeen.
Waxay igu soo kediyeen maalintii aan belaayaysnaa, Laakiinse Rabbigu wuxuu ii ahaa tiir.
Oo weliba wuxuu i keenay meel ballaadhan, Wuu i soo samatabbixiyey, maxaa yeelay, wuu igu farxay.
Rabbigu wuxuu iigu abaalguday sidii ay xaqnimadaydii ahayd, Oo sidii ay nadiifsanaantii gacmahaygu ahayd ayuu iigu abaalguday.
Waayo, anigu waan xajiyey jidadkii Rabbiga, Oo Ilaahayna si caasinimo ah ugama tegin.
Waayo, xukummadiisii oo dhammu hortayday yiilleen, Oo qaynuunnadiisiina anigu iskama tuurin.
Oo weliba xaggiisana waan ku qummanaa, Oo waan iska dhawray xumaantaydii.
Sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu iigu abaalguday sidii ay xaqnimadaydii ahayd, Iyo sidii nadiifsanaanta gacmahaygu ay ku ahayd indhihiisa hortooda.
Kii naxariis leh waad u naxariisanaysaa, Oo ninkii qummanna waad u qummanaanaysaa.
Kii daahir ahna daahir baad u ahaanaysaa, Oo kii qalloocanna mid maroorsan baad u ahaanaysaa.
Waayo, waxaad badbaadinaysaa dadka dhibaataysan, Laakiinse indhaha kibirsan waad soo dejinaysaa.
Waayo, waxaad daaraysaa laambaddayda, Rabbiga Ilaahayga ah ayaa gudcurkayga iftiiminaya.
Waayo, adaan col kuugu dhex ordaa, Oo Ilaahay caawimaaddiisa ayaan derbi kaga boodaa.
Ilaah jidkiisu waa qumman yahay, Rabbiga eraygiisuna waa mid la tijaabiyey, Isagu wuxuu gaashaan u yahay kuwa isaga isku halleeya oo dhan.
Waayo, bal yaa Ilaah ah, Rabbiga mooyaane? Oo bal yaa dhagax weyn ah, Ilaahayaga mooyaane?
Kaasoo ah Ilaaha ii guntiya xoog, Jidkaygana qummaatiya.
Isagu cagahayga wuxuu ka dhigaa sida cagaha deerada, Oo wuxuu igu fadhiisiyaa meelahayga sare.
Gacmahaygana wuxuu baraa dagaalka, Oo sidaas daraaddeed gacmahaygu waxay xoodaan qaanso naxaas ah.
Weliba waxaad kaloo i siisay gaashaankii badbaadintaada, Oo waxaa kor ii qaadday gacantaada midig, Oo roonaantaada ayaa i weynaysay.
Adigu tallaabooyinkayga waxaad ku ballaadhisay hoostayda, Oo cagahayguna ma ay simbiriirixan.
Anigu waxaan eryan doonaa cadaawayaashayda, oo waan gaadhi doonaa, Oo jeeray wada baabba'aanna dib uga soo noqon maayo.
Waan wada layn doonaa si aanay mar dambe u awoodin inay kacaan, Oo cagahaygay ku soo hoos dhici doonaan.
Waayo, xoog baad iigu guntisay dagaalka aawadiis, Oo kuwii igu kacayna hoostaydaad ku soo tuurtay.
Oo weliba cadaawayaashaydii waxaad ka dhigtay inay dhabarka ii jeediyaan, Si aan u kala gooyo kuwa i neceb.
Iyagu way qayshadeen, laakiinse way waayeen mid iyaga badbaadiya, Oo xataa Rabbiga way baryeen, laakiinse uma uu jawaabin.
Markaasaan iyagii u duqeeyey sida boodhka dabaysha hor kaca, Oo waxaan iyagii dibadda ugu tuuray sidii dhoobada jidadka taal oo kale.
Waxaad iga samatabbixisay murankii dadka, Oo waxaad iga dhigtay quruumaha madaxdoodii, Oo dad aanan aqoon ayaa ii adeegi doona.
Oo mar alla markii ay warkayga maqlaan way i addeeci doonaan, Oo shisheeyayaashuna way isu kay dhiibi doonaan,
Shisheeyayaashu way libdhi doonaan, Oo iyagoo gariiraya ayay qolalkooda ka soo bixi doonaan.
Rabbigu waa nool yahay, oo mahad waxaa leh dhagaxayga weyn, Oo Ilaaha i badbaadiyeyna ha sarreeyo,
Kaasoo ah Ilaaha aniga ii aarguda, Oo dadkana hoostayda ku soo tuura.
Isagu wuxuu iga badbaadiyaa cadaawayaashayda, Haah, oo adigu waxaad iga sara marisaa kuwa igu kaca, Oo waxaad iga samatabbixisaa ninka dulmiga badan.
Sidaas daraaddeed, Rabbiyow, anigu waxaan kuugu mahadnaqi doonaa quruumaha dhexdooda, Oo magacaaga ammaan baan ugu gabyi doonaa.
Rabbigu si weyn buu boqorkiisa u samatabbixiyaa, Oo wuxuu weligiis raxmad u sameeyaa kii uu subkaday, Kaasoo ah Daa'uud, iyo farcankiisaba weligiis iyo weligiis.
SABUUR 24
Rabbigaa iska leh dhulka iyo waxa ka buuxa oo dhan, Iyo dunida iyo kuwa degganba.
Waayo, isagaa badaha dushooda ka aasaasay, Oo wuxuu ka dul dhisay webiyaasha.
Bal yaa fuuli doona Rabbiga buurtiisa? Oo bal yaa dhex istaagi doona meeshiisa quduuska ah?
Waa kii gacmihiisu nadiifsan yihiin, oo qalbigiisu daahir yahay, Oo aan naftiisa hawo been ah kor ugu qaadin, Oo aan si khiyaano leh u dhaaran.
Kaasu wuxuu Rabbiga ka heli doonaa barako, Ilaaha badbaadadiisana xaqnimo.
Kanu waxaa weeye qarnigii kuwa isaga doondoona, Oo waa kuwa wejigaaga doondoona, Ilaaha Yacquubow. (Selaah)
Irdahow, madaxiinna kor u qaada, Oo albaabbada daa'imiska ahow, kor ha laydiin qaado, Oo waxaa soo geli doona Boqorka ammaanta.
Bal waa ayo Boqorka ammaantu? Waa Rabbiga xoog iyo itaal badan, Waa Rabbiga dagaalka ku xoog badan.
Irdahow, madaxiinna kor u qaada, Oo albaabbada daa'imiska ahow, madaxiinna kor u qaada, Oo waxaa soo geli doona Boqorka ammaanta.
Bal waa ayo Boqorkan ammaantu? Waa Rabbiga ciidammada, Isaga weeye Boqorka ammaantu. (Selaah)
SABUUR 26
Rabbiyow, i xukun, waayo, waxaan ku socday daacadnimadayda, Oo weliba waxaan Rabbiga isugu halleeyey rogrogmashola'aan.
Rabbiyow, i imtixaan, oo i tijaabi, Oo uurkayga iyo qalbigaygana baadh.
Waayo, raxmaddaadu waxay taal indhahayga hortooda, Oo waxaan ku socday runtaada.
Lama aan fadhiisan waxmatarayaal, Oo kuwa isyeelyeelana gudaha la geli maayo.
Waan necbahay ururka xumaanfalayaasha, Oo kuwa sharka lehna la fadhiisan maayo.
Gacmahayga waxaan ku maydhan doonaa eedla'aanta, Markaasaan ku wareegi doonaa meeshaada allabariga, Rabbiyow,
Si aan codka mahadnaqidda dadka u maqashiiyo, Oo aan uga sheekeeyo shuqulladaada yaabka leh oo dhan.
Rabbiyow, rugta gurigaaga waan jeclahay, Iyo meesha ammaantaadu joogto.
Naftayda ha la ururin dembilayaal, Noloshaydana ha la ururin dhiigyocabyada,
Gacmahooda belaayadu ku jirto, Gacantooda midigna laaluush ka buuxo.
Laakiinse anigu waxaan ku socon doonaa daacadnimadayda, Haddaba i madaxfuro, oo ii naxariiso.
Cagtaydu waxay ku taagan tahay meel siman, Oo Rabbigaan ku ammaani doonaa shirarka dhexdooda.
SABUUR 62
Naftaydu waxay sugtaa Ilaah oo keliya, Oo badbaadadayduna waxay ka timaadaa xaggiisa.
Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah, Isagu waa munaaraddayda, oo aniga aad lay dhaqaajin maayo.
Balse idinku ilaa goormaad nin ku weeraraysaan, Inaad kulligiin isaga dumisaan, Sida derbi dhacaya, iyo deyr ligliganaya?
Iyagu waxay keliyahoo ku tashadaan si ay isaga sharaftiisa uga dejiyaan, Oo waxay ku farxaan beensheegidda, Afka way ka duceeyaan, laakiinse uurka way ka habaartamaan. (Selaah)
Naftaydoy, Ilaah oo qudha sug, Waayo, isagaan wax ka filanayaa.
Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah, Isagu waa munaaraddayda, oo aniga layma dhaqaajin doono.
Badbaadadayda iyo ammaantayduba waxay la jiraan Ilaah, Dhagaxii xooggayga iyo magangalkaygaba waa xagga Ilaah.
Dadkow, isaga isku halleeya wakhti kastaba, Oo qalbigiinna waxba ha kula hadhina Ilaah hortiisa, Waayo, Ilaah baa magangal inoo ah. (Selaah)
Hubaal dad gun ahu waa xumbo, Oo dad gob ahuna waa been, Markii la miisaamo way kor mari doonaan, Oo iyagu dhammaantood xumbo way ka fudud yihiin.
Dulmiga ha isku hallaynina, Waxdhiciddana ha ku kibrina. Maal hadduu idinku batona qalbigiinna ha raacinina.
Ilaah mar buu hadlay, Oo laba goor baan maqlay, In Ilaah xoogga iska leeyahay,
Oo weliba, Sayidow, adigu naxariis baad leedahay, Waayo, nin kasta waxaad ugu abaalguddaa sidii camalladiisu ahaayeen.
SABUUR 66
Dadka dhulka oo dhammow, Ilaah farxad ugu qayliya,
Oo ammaanta magiciisa ku gabya, Ammaantiisana qurxiya.
Ilaah waxaad ku tidhaahdaan, Shuqulladaadu cabsi badanaa! Weynaanta xooggaaga aawadiis ayaa cadaawayaashaadu isugu kaa dhiibi doonaan.
Dadka dhulka oo dhammu adigay ku caabudi doonaan, Wayna kuu gabyi doonaan, Magacaagay u gabyi doonaan. (Selaah)
Bal kaalaya, oo arka shuqullada Ilaah, Xagga binu-aadmiga wuxuu ku sameeyey waa cabsi badan yihiin.
Wuxuu baddii ka dhigay dhul engegan, Oo iyagu webiga dhexdiisa waxay ku mareen lug, Oo halkaasaan isaga ku rayraynay.
Isagu weligiisba wuxuu ku taliyaa xooggiisa, Oo indhihiisuna waxay fiiriyaan quruumaha, Haddaba caasiyiintu yaanay kor isu qaadin. (Selaah)
Dadyahow, Ilaaheenna ammaana, Oo codka ammaantiisa ha la maqlo,
Kaasoo nafteenna nolol ku haya, Oo cagaheennana aan u oggolayn in la dhaqdhaqaajiyo.
Waayo, Ilaahow, adigu waad na imtixaantay, Oo waxaad noo tijaabisay sida lacagta loo tijaabiyo.
Waxaad na gelisay shabagga dabinka ah, Oo waxaad simaha naga saartay culaab weyn.
Dad baad madaxa naga saartay, Oo waxaannu dhex galnay dab iyo biyo, Laakiinse ugudambaysta waxaad na keentay meel barwaaqo ah.
Haddaba anigu gurigaaga waxaan la soo geli doonaa allabaryo la gubo, Oo waxaan kuu oofinayaa nidarradaydii
Bushimahaygu ay ku hadleen, Oo afkaygu sheegay markii aan dhibaataysnaa.
Oo waxaan allabaryo la gubo kuugu soo bixinayaa xoolo buurbuuran Iyo wanan iyo fooxood, Oo waxaan kuu soo bixin doonaa dibiyo iyo orgiyo. (Selaah)
Kulli intiinna Ilaah ka cabsataay, kaalaya oo maqla, Oo waxaan sheegayaa wuxuu naftayda u sameeyeye.
Isagaan afkayga ugu qayshaday, Oo waxaan ku ammaanay carrabkayga.
Haddaan dembi qalbigayga ku arkay, Sayidku ima uu maqleen,
Laakiinse sida runta ah Ilaah waa i maqlay, Oo codkii baryadaydana dhegtuu u dhigay.
Mahad waxaa leh Ilaaha Aan baryadayda diidin oo aan naxariistiisana gees iga marin.
SABUUR 69
Ilaahow, i badbaadi, Waayo, biyaa naftii ii keenay.
Waxaan ku dhex liimbadaa dhoobo mool dheer oo aan lahayn meel laysku taago, Waxaan ku dhacay biyo mool dheer, oo daad baa halkaas igu qarqinaya.
Waxaan ku daalay qayladaydii, oo hungurigaygu waa qallalay, Oo intii aan Ilaahay sugayo ayay indhahaygu dem yidhaahdaan.
Kuwa sababla'aanta ii nebcaadaa way ka sii badan yihiin timaha madaxayga, Kuwa doonaya inay i baabbi'iyaan iyagoo cadaawayaashayda gardarro igu ah waa xoog badan yihiin, Markaasaan magdhabay wax aanan qaadan.
Ilaahow, waad og tahay nacasnimadayda, Oo dembiyadayduna kaama qarsoona.
Sayidow, Ilaaha ciidammadow, kuwa ku sugaya yaanan ceeb u soo jiidin, Ilaaha reer binu Israa'iilow, kuwa ku doondoonaya yaanan sharafjab u soo jiidin.
Maxaa yeelay, adiga daraaddaa ayaan cay u qaaday, Oo waxaa wejigaygii ka muuqatay ceeb.
Waxaan walaalahay u noqday shisheeye, Oo ilma hooyadayna waxaan u noqday ajanabi.
Qiiradii aan gurigaaga u qabay ayaa i gubtay, Oo caydii kuwii ku caayay ayaa igu kor dhacday.
Markaan ooyay, oo aan naftayda soon ku edbiyey, Taasu waxay igu noqotay ceeb.
Markaan joonyado dhar ka dhigtayna, Waxaan iyagii u noqday masaal.
Kuwa iridda fadhfadhiyaa way igu sheekaystaan, Oo kuwa sakhraanka ahuna way igu gabyaan.
Laakiinse adigaan ku baryayaa wakhti la aqbali karo, Rabbiyow, Ilaahow, naxariistaada badan Iyo runta badbaadintaada iigu jawaab.
Dhoobada iga samatabbixi, oo yaanan ku liimban, Oo ha layga samatabbixiyo kuwa i neceb, iyo biyaha moolka dheer.
Biyaha daadka ahuna yaanay i qarqin, Oo yaan moolku i liqin, Oo yamayskuna yaanu afkiisa igu qabsan.
Rabbiyow, ii jawaab, waayo, raxmaddaadu waa wanaagsan tahay, Naxariistaada badnaanteeda aawadeed iigu soo jeeso.
Oo wejigaaga ha iga qarin anoo addoonkaaga ah, Waayo, waan dhibaataysnahay, ee haddiiba ii jawaab.
Naftayda u soo dhowow, oo furo, Oo cadaawayaashayda daraaddood ii samatabbixi.
Waad og tahay caydayda iyo ceebtayda iyo sharafdarradayda, Oo cadaawayaashayda oo dhammu hortaaday joogaan.
Cay baa i qalbi jebisay, waanan quusanayaa, Oo waxaan doondoonay mid ii jixinjixa, laakiinse waan waayay, Oo waxaan doondoonay kuwo i qalbi qaboojiya, laakiinse ma aanan helin.
Oo weliba waxay cunto ahaan ii siiyeen xammeeti, Oo markaan harraadsanaana waxay i cabsiiyeen khal.
Miiskoodu hortooda ha ku noqdo dabin, Oo markay nabdoon yihiinna shirqool ha ku noqdo.
Indhahoodu ha madoobaadeen si aanay waxba u arkin, Oo simahooduna had iyo goorba ha gariireen.
Xanaaqaaga iyaga ku deji, Oo cadhadaada kulaylkeeduna ha qabsado.
Gurigoodu cidla ha noqdo, Ninnana yaanu teendhooyinkooda degin,
Waayo, iyagu waxay silciyaan kii aad dishay, Oo waxay ka sheekeeyaan kuwaad dhaawacday murugtooda.
Xumaantooda xumaan ugu sii dar, Oo yaanay xaqnimadaada soo gelin.
Magacooda ha laga tirtiro kitaabka kuwa nool, Oo yaan iyaga lala qorin kuwa xaqa ah.
Laakiinse anigu miskiin baan ahay, waanan murug badnahay, Ilaahow, badbaadintaadu meel sare ha i saarto.
Rabbiga magiciisa ayaan gabay ku ammaani doonaa, Oo waxaan isaga ku weynayn doonaa mahadnaqid.
Oo taasuna Rabbiga way ka farxin doontaa in ka sii wanaagsan intii uu ku farxi lahaa dibi, Ama dibi sange ah oo geeso iyo qoobab leh.
Kuwa camal qabow way arkeen, waana faraxsan yihiin, Kuwiinna Ilaah doondoonow, qalbigiinnu ha noolaado.
Waayo, Rabbigu wuu maqlaa kuwa baahan, Oo maxaabiistiisana ma uu quudhsado.
Samada, iyo dhulka, iyo badaha, Iyo waxa ku dhex dhaqaaqa oo dhammuba isaga ha ammaaneen.
Waayo, Ilaah Siyoon wuu badbaadin doonaa, oo magaalooyinka reer Yahuudahna wuu dhisi doonaa, Oo iyana halkaasay degi doonaan, oo hanti ahaan bay u lahaan doonaan.
Oo weliba waxaa halkaas dhaxli doona farcanka addoommadiisa, Oo kuwa magiciisa jecelna way dhex degganaan doonaan.
SABUUR 112
Rabbiga ammaana. Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga ka cabsada, Oo aad ugu farxa amarradiisa.
Farcankiisu wuxuu ku xoog badnaan doonaa dhulka, Kuwa qumman farcankooduna wuu barakoobi doonaa.
Gurigiisa waxaa ku jira maal iyo taajirnimo, Xaqnimadiisuna weligeedba way sii waartaa.
Kuwa qumman iftiin baa gudcurka uga soo baxa, Isagu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad, waana xaq.
Waxaa nimcaysan ninkii naxariis leh oo dadka wax amaahiya, Kaasu danihiisuu ku wadi doonaa caddaalad.
Waayo, isaga weligiis lama dhaqaajin doono, Oo kii xaq ah weligiisba waa la xusuusan doonaa.
Isagu innaba kama cabsan doono war xun, Qalbigaa u fadhiya, oo wuxuu isku halleeyaa Rabbiga.
Qalbigaa u fadhiya, oo ma uu cabsan doono, Ilaa uu wuxuu doonayay ku arko cadaawayaashiisa.
Wax buu kala qaybshay, oo wuxuu wax siiyey kuwii baahnaa, Xaqnimadiisuna way sii waartaa weligeedba, Geeskiisana waxaa lagu sarraysiin doonaa sharaf.
Kii shar lahu wuu arki doonaa, wuuna cadhoon doonaa, Wuu ilko jirriqsan doonaa, oo wuu dhalaali doonaa, Kuwa sharka leh doonistoodu way baabbi'i doontaa.
SABUUR 142
Anigu codkaygaan Rabbiga ugu qayshadaa, Oo codkaygaan Rabbiga ku baryaa.
Oo hortiisaan ku cawdaa, Oo dhibaatadaydana hortiisaan ku muujiyaa.
Markii naftaydu gudahayga ku itaal darnaatay, waddadayda waad tiqiin, Jidka aan ku socdona dabin bay iigu qariyeen.
Bal fiiri xaggayga midig, oo bal arag, Waayo, nin i yaqaan ma jiro, Meel aan magangalo ayaan waayay, ninna naftayda dan kama leh.
Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, Oo waxaan idhi, Waxaad tahay magangalkayga, Iyo qaybta aan dalka kuwa nool ku leeyahay.
Qayladayda dhegayso, waayo, aad baa hoos laygu dejiyey, Kuwa i silciya iga samatabbixi, waayo, iyagu way iga xoog badan yihiin.
Naftayda xabsiga ka soo bixi, si aan magacaaga ugu mahadnaqo, Kuwa xaqa ah ayaa igu hareeraysnaan doona, Waayo, wax badan oo wanaagsan baad ii samayn doontaa.
INJIILKA QUDUUSKA AH EE SIDA UU QORAY YOOXANAA (1:1-17)
¶ Bilowgii waxaa jiray Ereyga, Ereyguna wuxuu la jiray Ilaah, Ereyguna wuxuu ahaa Ilaah.
Isagu Ilaah buu la jiray bilowgii.
Wax walba waxaa laga sameeyey xaggiisa, oo wixii la sameeyey lama samayn isaga la'aantiis.
Isaga waxaa ku jirtay nolol, noloshuna waxay ahayd nuurka dadka.
Nuurkuna wuxuu ka ifayaa gudcurka, gudcurkuna kama badin.
¶ Waxaa jiray nin xagga Ilaah laga soo diray, magiciisuna wuxuu ahaa Yooxanaa.
Isagu wuxuu u yimid markhaati furid, inuu u marag furo nuurka, inay dhammaan xaggiisa ka wada rumaystaan.
Isagu nuurka ma uu ahayn, laakiin wuxuu u yimid inuu nuurka u marag furo.
Kaasu wuxuu ahaa nuurka runta ah oo iftiimiya nin walba oo dunida yimaada.
¶ Wuxuu ku jiray dunida, dunidana waxaa laga sameeyey xaggiisa, oo duniduna ma ay garanayn isaga.
Wuxuu u yimid kuwiisii, kuwiisiina ma ay aqbalin isaga.
Laakiin in alla intii aqbashay, wuxuu siiyey amar ay carruurtii Ilaah ku noqdaan, kuwaasu waa kuwii magiciisa rumaystay,
oo aan ka dhalan dhiigga, ama doonistii jidhka, ama dad doonistiis, laakiin waxay ka dhasheen Ilaah.
Ereyguna jidh buu noqday, oo waa ina dhex joogay, oo waxaannu aragnay ammaantiisii, taas oo ahayd ammaantii u ekayd tan Wiilka keliya ee Aabbaha, ee nimco iyo run ka buuxa.
Yooxanaa waa u marag furay isaga, wuxuuna ku qayliyey oo yidhi, Kanu waa kii aan idhi, Kan iga daba imanayaa waa iga horreeyey, waayo, hortay buu jiray.
Dhammaanteen waxaynu buuxnaantiisa ka helnay nimco ka nimco.
Waayo, sharciga waxaa loo soo dhiibay Muuse, laakiinse nimcada iyo runtu waxay ku yimaadeen Ciise Masiix.
Nabad gelyo ha kugu ahaato
Nabad gelyo ha kugu ahaato. Waxaan ku baryaynaa, Quduusadda buuxda ammaanta, Bikrida weligeed, Hooyada Ilaah, Hooyadii Masiix, kor u qaaddo salaaddayada xagga Wiilkaaga jecel, in uu noo cafiyo dembiyadeenna.
Nabad gelyo ha ahaato midda na u dhashay Iftiinka runta ah, Masiixa Ilaaheenna, Bikrida Quduusadda ah. Rabbiga noo warshee, si uu naxariis u sameeyo nafafkeenna, oo uu noo cafiyo dembiyadeenna.
Bikrida Maryan, Hooyada Ilaah, Quduusadda, u-dhextallisada aaminka u ah nooca aadanaha, noo shafaac hortiisa Masiixa aad dhashay, in uu nagu gallado cafiska dembiyadeenna.
Nabad gelyo ha kugu ahaato, Bikrida Boqoradda runta ah, nabad gelyo ha ahaato sharafka jinsigeenna; waxaad noo dhashay Cimmaanu’eel. Waxaan ku baryaynaa: na xusuuso, kuweenna lagu aaminay shafaaca, hortiisa Rabbigeenna Ciise Masiix, in uu noo cafiyo dembiyadeenna.
Bilowga Qawlka Iimaanka
Waan ku weyneynnaa, Ummadda Iftiinka runta ah, waan ku ammaannaynaa, Bikrida Quduusadda ah, Hooyada Ilaah, waayo waxaad noo dhashay Badbaadiyaha dunida; wuu yimi oo wuu badbaadiyey nafafkeenna.
Ammaan ha kuu ahaato, Sayidkeenna iyo Boqorkeenna Masiix, Farxadda Rasuullada, Taajka Shuhadada, Reynreynta kuwa xaqa ah, Adkaynta kaniisadaha, Cafiska dembiyada.
Waxaan ku bishaaraynnaa Saddexmidnimada Quduuska ah, Ilaahnimo keliya; waxaan u sujuudnaa oo ammaannaa. Sayidow naxariiso. Sayidow naxariiso. Sayidow barakee. Aamiin.
Markaas caabuduhu wuu tukadaa:
Sayidow, na maqal oo naxariiso, oo na cafi dembadayada. Aamiin.
(Sayidow, naxariiso) 41 jeer
Κύριε ἐλέησον Kyrie eleison (Sayidow, naxariiso) 41 jeer
Quduus, Quduus, Quduus
Quduus, Quduus, Quduus, Sayidka Saba’ooth. Samadu iyo dhulkuba way ka buuxaan ammaantaada iyo karaamadaada. Naxariiso nagu yeel, Ilaahow Aabbe Qaadirka wax walba. Saddexmidnimada Quduuska ahow, naxariiso nagu yeel. Sayidka Ilaah ee ciidamadaow, noo jir, waayo lama haysanno gargaar kale oo aan adiga ahayn ee dhibaatooyinkeenna iyo dhibkeenna dhexdiisa.
Furo, cafi, oo ka dhaaf dembiyadeenna, Ilaahow, kuwaan ku samaynay doonisteenna iyo kuwaan ku samaynay doonisteenna la’aanteed, kuwaan ku samaynay innagoo og iyo kuwaan ku samaynay annagoo aan ogayn, kuwa qarsoon iyo kuwa muuqda. Sayidow, noo cafi iyaga, magacaa quduuska ah aawadiis oo nagu magacaaban. Sida naxariistaada, Sayidow, ee ha ahaannin sida dembiyadeenna.
Oo na yeel kuwa istaahila in aynu nidhaahno annagoo mahadnaqayna: Aabbahayow ee samada ku jira...
Absolushanka
Sayidka Ilaah ee ciidamadaow, Ka jira ka hor weliyada, oo sii waaraya weligiis, kan qorraxda u abuuray iftiin maalinta, habeenkana u ah nasasho aadanaha oo dhan, waxaan kugu mahadinaynaa, Boqorka weliyada, waayo habeenkan si nabad ah baad noo marsiisey, waxaadna noo keentay bilowga maalinta.
Sidaa darteed, waxaan ku baryaynaa, Boqorkeenna, Boqorka weliyada, in Nuurka wejigaagu noogu soo bixiyo, oo nuurka aqoontaada Rabbaaniga ah noogu iftiimiyo. Noo yeel, Sayidkeenna, in aynu noqono carruurta iftiinka iyo carruurta maalinta, si aynu maalintan ugu marno xaqnimo, daahirnimo, iyo maamul wanaagsan, oo aynu ku dhamayno inta ka hadhay maalmaha nolosheena annagoo aan ku dhacayn sujuud-la’aan. Naxariista iyo raxmadda iyo jeclaanta dadka ee Wiilkaaga Keliya Ciise Masiix, iyo Hadiyadda Ruuxaaga Quduuska ah. Hadda iyo weligeed iyo weliga weligiis. Aamiin.
Absolushan kale
Kan iftiinka kicisa oo baxa, oo qorraxdiisa u soo bixiya kuwa xaqa ah iyo kuwa sharka ahba, kan sameeyey iftiinka iftiimiya dunida oo dhan, na iftiimi maskaxdeenna, qalbiyadeenna iyo fahamkeenna, Sayidka oo wax walba leh. Noo hibeey maalintan joogta ah in aan kaa raalli ahaanno; oo naga ilaali shay kasta oo xun iyo dembi kasta, iyo xoog kasta oo lid ah, Masiix Ciise Rabbigeenna; kaas oo adiga laguu barakeeyey isaga iyo Ruuxa Quduuska ah ee wax-noolaynta, ee kugu sinnayn; hadda iyo weligeed iyo ilaa weliga weligiis. Aamiin.
Baryada la akhriyo dhammaadka saacaddii kasta
Naxariiso nagu yeel, Ilaahow, dabadeed naxariiso. Kaas oo wakhti kasta iyo saacad kasta, samada iyo dhulka, lagu sujuudo oo lagu ammaanay. Masiixa Ilaaheenna wanaagsan, kan dulqaadka dheer, kan naxariista badan, kan raxmadda badan, kan jecel kuwa xaqa ah, kana naxariista dembiilayaasha, anigu anigaaba ka horreeya. Kaas oo aanu doonaynin dhimashada dembiilaha, laakiin inuu noqdo mid toobad keena oo noolaada. Kaas oo ku yeedha dhammaan badbaadada, ballanta khayraadka la sugayo aawadeed.
Sayidow, aqbal saacaddan iyo saacad kasta codsiyadeenna. Nolosheena sahal, na hanuuni in aynu ku camal faleen amarradaada. Na quduus; jirkayagana daahiri. Fikradahayagana toosi. Niyadoodana nadiifi. Cudurradeennana bogsi, oo dembiyadeennana cafi. Oo naga badbaadi murugo kasta oo xun iyo xanuun qalbi. Noo wareeji malaa’igtaada quduuska ah, si aynu ku sugnaanno xeryahooda annagoo la ilaalinayo oo la hanuuninayo, oo aynu gaarno midnimada iimaanka iyo aqoonta ammaantaada aan la dareemi karin oo aan la xadidi karin; waayo adigu waad barakaysan tahay ilaa weligeed. Aamiin.
Ilaahow, na yeel kuwa istaahila in aynu nidhaahno annagoo mahadnaqayna: Aabbahayow ee samada ku jira...