Saacadda Hadda
Compline - Saacaddii Laba iyo Tobnaad
Ka hor hurdo waxaan xusuusannaa aasiddii Masiixa, sida adduunku u gudbayo, annagoo baryayna dembidhaaf iyo ilaalin habeenkii oo dhan.
Hordhaca Saacaddii Kasta
Magaca Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuska ah
Ilaaha Keliya, Aamiin.
Sayidow naxariiso. Sayidow naxariiso. Sayidow barakee. Aamiin.
Ammaan Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuska ah, hadda iyo waqti kasta iyo ilaa weliga weligiis, Aamiin.
AABBAHAYAGA
¶ Haddaba sidatan u tukada, Aabbahayaga jannada ku jirow, magacaagu quduus ha ahaado.
Boqortooyadaadu ha timaado, doonistaada dhulka ha lagu yeelo sida jannada loogu yeelo.
Kibis maalin nagu filan, maanta na sii.
Oo naga cafi qaamahayaga sidaannu u cafinnay kuwa noo qaamaysan.
Oo jirrabaadda ha noo kaxayn, laakiin sharka naga du. Waayo, boqortooyada iyo xoogga iyo ammaanta adigaa leh weligaa. Aamiin.
Salaadda Shukriga
Aan ku mahadnaqno Ilaaha naxariista badan, Sameeyaha wanaagga, Aabbaha Rabbigeenna iyo Ilaaheenna iyo Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, waayo Isagu wuu nagu asturay oo wuu nagu kaalmeeyey, wuu na dhowray, wuuna ina aqbalay, wuuna na u naxariistay, wuu na xoojiyey, wuuna ina keenay saacaddan. Isagana waxaan ka baryeynaa in uu nagu hayo maalintan quduuska ah iyo dhammaan maalmaha nolosheena nabad buuxda. Sayidka Ilaaheenna Qaadirka wax walba.
Sayidow Ilaahow, Qaadirka wax walba, Aabbaha Rabbigeenna iyo Ilaaheenna iyo Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, annagu waxaan kugu mahadnaqaynaa xaalad kasta, iyo sabab kasta, iyo xilli kasta; waayo adigu waad nagu asturtay, waad nagu kaalmaysay, waad na haysay, waad na aqbashay, waad na u naxariistay, waad na xoojisay, waadna ina keentay saacaddan.
Sidaa darteed waxaan ka weydiisanaynaa, oo ka baryaynaa wanaaggaaga, Sayidow Jecel dadka, in aad nagu deeqdo in aan ku dhamayno maalintan quduuska ah iyo dhammaan maalmaha nolosheena nabad iyo cabsidaada la jirta. Xaasidnimo kasta, iyo jirrab kastaa, iyo fal kasta oo shaydaan, iyo khiyaamada dadka sharka leh, iyo kacdoonka cadowga qarsoon iyo kan muuqda, naga fogee annaga iyo dadkaaga oo dhan, iyo meeshan quduuska ah. Waxa wanaagga iyo waxyaalaha waxtarka lehna na siisii. Waayo adigu waxaad na siisay amar aan ku tumanno abeesooyinka iyo qoolleyda iyo xoog kasta oo cadowga ah. Oo ha noo gelin jirrab, laakiin naga badbaadi kan sharka leh.
Naxariista iyo raxmadda iyo jeclaanta dadka ee Wiilkaaga Keliya, Rabbigeenna iyo Ilaaheenna iyo Badbaadiyeheenna Ciise Masiix; isaga oo ay iyaga kugu habboon yihiin ammaanta iyo sharafta iyo weynaanta iyo sujuuddu, adiga iyo Ruuxa Quduuska ah ee wax-noolaynta, ee kugu sinnayn, hadda iyo weligeed iyo ilaa weliga weligiis, Aamiin.
SABUUR 50
Ilaah, oo ah Ilaaha Rabbiga ah ayaa hadlay, Oo qorrax-soo-baxa ilaa qorraxdhaca dhulkuu u yeedhay.
Siyoon oo ah meesha quruxda kaamilka ah Ayaa Ilaah ka soo iftiimay.
Ilaaheen wuu iman doonaa, iskamana aamusi doono, Hortiisa ayaa dab wax baabbi'in doonaa, Hareerihiisana waxaa jiri doona duufaan weyn.
Isagu wuxuu u yeedhi doonaa samooyinka sare, Iyo dhulkaba, inuu dadkiisa xukumo aawadeed.
Oo wuxuu odhan doonaa, Quduusiintayda ii soo wada ururiya, Kuwii axdi igula dhigtay allabari.
Oo samooyinka ayaa xaqnimadiisa sheegi doona, Waayo, Ilaah qudhiisu waa xaakin. (Selaah)
Dadkaygiiyow, i maqla, oo anna waan hadli doonaa, Israa'iilow, i maqal oo anna waan kuu markhaati furi doonaa, Anigu waxaan ahay Ilaah, oo ah Ilaahaaga.
Anigu kugu canaanan maayo allabaryadaada, Oo qurbaannadaada gubanu had iyo goorba hortayday yaalliin.
Reerkaaga dibi ka qaadan maayo, Xerooyinkaagana orgi kala bixi maayo.
Waayo, xayawaanka duudda jooga oo dhan anigaa iska leh, Iyo xataa xoolaha kunka buurood jooga oo dhan.
Waan wada aqaan haadda buuraha joogta oo dhan, Oo dugaagga duurka jooga oo dhanna anigaa iska leh.
Haddaan gaajaysnahay, kuuma aan sheegeen, Waayo, dunida iyo waxa ka buuxaba anigaa iska leh.
Miyaan cuni doonaa hilibka dibida, Miyaanse cabbi doonaa dhiigga riyaha?
Ilaah u bixi allabariga mahadnaqiddaa, Oo Ilaaha ugu sarreeyana nidarradaadii u oofi,
Oo i bari maalinta dhibi jirto, Oo anna waan ku samatabbixin doonaa, kolkaasaad i ammaani doontaa.
Laakiinse Ilaah wuxuu kan sharka leh ku yidhaahdaa, Maxaad qaynuunnadayda u sheegaysaa, Oo aad axdigayga afkaaga ugu soo qaadaysaa?
Adigoo tacliinta neceb, Oo weliba erayadaydana dabadaada ku tuura.
Markaad tuug aragtay waad oggolaatay, Oo waxaad la qayb qaadatay dhillayo.
Afkaaga waxaad u daysaa inuu shar ku hadlo, Oo carrabkaaguna wuxuu hindisaa khiyaano.
Waad fadhiisataa oo wax ka sheegtaa walaalkaa, Oo weliba waxaad xamataa inahooyadaa.
Waxyaalahaas baad samaysay, oo anna waan iska aamusay, Waxaad moodday inaan ahay mid kula mid ah, Laakiinse waan ku canaanan doonaa, oo iyaga ayaan indhahaaga hortooda ku hagaajin doonaa.
Kuwiinna Ilaah illoobayow, bal waxan ka fiirsada, Waaba intaasoo aan cadcad idiin jeexjeexaaye, oo aad wax idin samatabbixiya weydaane,
Ku alla kii allabariga mahadnaqidda bixiyaa waa i ammaanaa, Oo kii socodkiisa si qumman u hagaajiyana Waxaan tusi doonaa badbaadinta Ilaah.
Bilowga Salaadda
Tasabixadda Hurdada ee maalintan barakaysan waxaan u keenayaa Masiixa Boqorkaygii iyo Ilaahkaygii, waxaana ka baryayaa in uu ii cafiyo dembiyadayda.
SABUUR 129
Tan iyo yaraantaydii marar badan bay i dhibeen, Reer binu Israa'iil hadda ha yidhaahdeen,
Tan iyo yaraantaydii marar badan bay i dhibeen, Laakiinse igama ay adkaan.
Kuwa beerta jeexa ayaa dhabarkayga jeexay, Oo jeexjeexoodiina way dheereeyeen.
Rabbigu waa xaq, Oo isagu wuxuu kala gooyay xadhkihii kuwa sharka leh.
Inta Siyoon neceb oo dhammu, Ha ceeboobeen oo dib ha u noqdeen.
Ha noqdeen sida cawska guryaha korkooda ka baxa Oo engega intaanu korin,
Oo aan beergooyuhu gacantiisa ka buuxin, Kan xidhmooyinka xidhaana aanu laabtiisa ka buuxin.
Oo kuwa ag maraana ma yidhaahdaan, Barakadii Rabbigu korkiinna ha ahaato. Waxaan idiinku ducaynaynaa magaca Rabbiga.
SABUUR 130
Rabbiyow, waxaan kaaga qayshaday moolalka.
Sayidow, codkayga maqal, Oo dhegahaagu ha noqdeen kuwo u digtoon Codka baryootankayga.
Rabbiyow, haddaad dembiyada u fiirsatid, Bal yaa istaagi doona, Sayidow?
Laakiinse waxaa kula jirta dembidhaafid, In adiga lagaa cabsado daraaddeed.
Waxaan sugaa Rabbiga, Naftayduna way sugtaa, oo eraygiisa ayaan rajo ku qabaa.
Naftaydu waxay Sayidka u dhawrtaa In ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa, Haah, in ka sii badan sida waardiyuhu u dhawro waaga berigiisa.
Reer binu Israa'iilow, Rabbiga rajo ku qaba, Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay naxariis Iyo weliba furasho aad iyo aad u badan.
Oo wuxuu reer binu Israa'iil ka soo furan doonaa Dembiyadooda oo dhan.
SABUUR 131
Rabbiyow, qalbigaygu kor isuma qaado, indhahayguna ma kibirsana, Oo anna iskuma dhex tuuro axwaal waaweyn, Ama waxyaalihii igu yaab badan.
Hubaal naftaydii waan dejiyey, oo waan xasilliyey, Sida ilmo naas laga gudhiyey oo hooyadiis la jooga, Naftaydu waxay iigu jirtaa sida ilmo naas laga gudhiyey.
Reer binu Israa'iilow, Rabbiga rajo ku qaba, Haddeer intii laga bilaabo iyo tan iyo weligiinba.
SABUUR 132
Rabbiyow, bal xusuuso Daa'uud Dhibaatooyinkiisii oo dhan,
Iyo siduu Rabbiga ugu dhaartay, Oo nidar ugu galay Ilaaha Xoogga leh oo Yacquub, isagoo leh,
Hubaal anigu geli maayo teendhada gurigayga, Sariirtaydana fuuli maayo,
Indhahayga seexasho isugu qaban maayo, Il iyo baalna isu keeni maayo,
Ilaa aan meel u helo Rabbiga, Oo aan taambuug u helo Kan Xoogga leh oo Yacquub.
Bal eeg, annagu waxaan ku maqalnay Efraataah, Oo waxaan ka helnay berrinkii duurka.
Waxaan geli doonnaa taambuugyadiisa, Oo waxaan ku sujuudi doonnaa meeshuu cagaha saarto.
Rabbiyow, sara joogso, oo meeshaada nasashada gal, Adiga iyo sanduuqa xooggaaguba.
Wadaaddadaadu xaqnimo ha huwadeen, Quduusiintaaduna farxad ha la qayliyeen.
Addoonkaagii Daa'uud daraaddiis Ha sii jeedin kaaga subkan wejigiisa.
Rabbigu run buu Daa'uud ugu dhaartay, Oo dhaartiisiina ka soo noqon maayo, Midhaha jidhkaaga midkood ayaan carshigaaga ku fadhiisin doonaa.
Carruurtaadu hadday xajiyaan axdigayga Iyo markhaatifurkayga aan iyaga bari doono, De markaas carruurtooduna weligood bay ku fadhiisan doonaan carshigaaga.
Waayo, Rabbigu wuu doortay Siyoon, Oo wuxuu u jeclaystay inuu rugtiisii ka dhigto.
Halkanu waa meeshaydii nasashada weligeedba, Halkanaan degganaan doonaa, waayo, waan jeclaystay.
Waxaan iyada aad iyo aad ugu barakayn doonaa quud, Oo masaakiinteeda waxaan ka dhergin doonaa cunto.
Wadaaddadeedana waxaan huwin doonaa badbaado, Quduusiinteeduna aad bay ula qaylin doonaan farxad.
Halkaas waxaan ka dhigi doonaa in gees Daa'uud u soo baxo, Waxaan laambad u diyaariyey kii aan subkaday.
Cadaawayaashiisa waxaan huwin doonaa ceeb, Laakiinse taajkiisu madaxiisuu ku waari doonaa.
SABUUR 133
Bal eeg, siday u wanaagsan tahay oo ay u wacan tahay Inay walaalo wadajir ku degganaadaan!
Waa sida saliidda qaaliga ah ee madaxa, Oo ku soo dareertay gadhka, Kaasoo ahaa gadhkii Haaruun, Oo waxay soo gaadhay daraftii dharkiisa,
Waana sida dharabka Buur Xermoon, Oo ku soo dega buuraha Siyoon, Waayo, Rabbigu wuxuu amray inay halkaas ku dhacdo barako, Taasoo ah nolosha tan iyo weligeedba.
SABUUR 136
Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Ku mahadnaqa Ilaaha ilaahyada, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Ku mahadnaqa Sayidka sayidyada, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Kan keligiis sameeya yaabab waaweyn, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Kan samada waxgarashada ku sameeyey, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Kan dhulka biyaha korkooda ku goglay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Kan sameeyey iftiimmo waaweyn, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Qorraxdu inay maalinta xukunto, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Dayaxa iyo xiddiguhuna inay habeenka xukumaan, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Kan Masar curadyadii ka laayay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Oo reer binu Israa'iilna ka soo dhex saaray, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Kan kaga soo bixiyey gacan xoog badan iyo cudud fidsan, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Kan Badda Cas kala qaybiyey, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Oo reer binu Israa'iilna dhex marshay iyada, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Laakiinse Fircoon iyo ciidankiisiiba wuu ku afgembiyey Badda Cas dhexdeeda, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Kan dadkiisa cidlada dhex hoggaamiyey, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Kan boqorro waaweyn wax ku dhuftay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Oo laayay boqorro caan ah, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Kuwaas oo ahaa Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Oo dalkoodiina u bixiyey dhaxal ahaan, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Kaasoo ahaa dhaxalkii uu siiyey addoonkiisii Israa'iil, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Kan ina soo xusuustay markaan gunta ahayn, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Oo inaga soo samatabbixiyey cadaawayaasheennii, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Kan cunto siiya wax kastoo jidh leh, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
Ku mahadnaqa Ilaaha samada, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
SABUUR 137
Waxaannu ag fadhiisannay webiyaashii Baabuloon, Oo waannu ooynay markii aannu Siyoon soo xusuusannay.
Oo waxaannu kataaradahayagii sudhannay geedaha safsaafkaa.
Waayo, kuwii maxaabiis ahaanta noo watay ayaa halkaas gabayo nagu weyddiistay, Oo kuwii na silciyey ayaa farxad na weyddiistay, oo waxay nagu yidhaahdeen, Noogu gabya gabayadii Siyoon midkood.
Bal sidee baannu gabaygii Rabbiga ugu gabaynaa Dal qalaad dhexdiis?
Yeruusaalemay, haddaan ku illoobo, Gacantayda midig ha illowdo sancadeedii.
Carrabkayguna ha ku dhego dhanxanagga afkayga, Haddaanan ku xusuusan, Iyo haddaanan Yeruusaalem ka sii jeclaan Farxaddayda ugu weyn.
Rabbiyow, soo xusuuso reer Edom, Kuwaasoo maalintii Yeruusaalem yidhi, Dumiya, dumiya, tan iyo aasaaskeeda.
Gabadha Baabuloonay, waa lagu baabbi'in doonaa, Waxaa faraxsanaan doona kii kaa abaalmariya Sidii aad nagu samaysay.
Waxaa faraxsanaan doona kii dhallaankaaga qabsada Oo dhagaxa weyn ku dul tuura.
SABUUR 140
Rabbiyow, ninka sharka leh iga samatabbixi, Oo iga ilaali ninka dulmiga badan,
Kuwaasoo qalbigooda kaga fikira belaayooyin, Had iyo goorna dagaal bay isu soo urursadaan.
Waxay carrabkoodii u afaysteen sidii abeeso oo kale, Oo bushimahoodana waxaa ku hoos jirta waabaydii jilbiska. (Selaah)
Rabbiyow, gacmaha kuwa sharka leh iga dhawr, Oo iga ilaali ninka dulmiga badan, Kuwaasoo u qasdiyey inay tallaabooyinkayga dhinac u leexiyaan.
Kuwa kibirka badanu waxay ii qariyeen dabin iyo xadhko, Oo jidka dhinaciisana waxay ii gogleen shabag, oo siriq bay ii qooleen. (Selaah)
Waxaan Rabbiga ku idhi, Waxaad tahay Ilaahayga, Haddaba, Rabbiyow, bal dhegta u dhig codka baryootankayga.
Ilaahow Sayidow, xooggii badbaadadaydow, Maalintii dagaalka madaxaygaad dabooshay.
Rabbiyow, kuwa sharka leh ha siin waxay doonayaan, Oo horay ha u sii wadin xeeladdooda sharka ah, waaba intaasoo ay kor isu qaadaane. (Selaah)
Oo kuwa igu wareegsan madaxoodana Belaayada bushimahooda ka soo baxaysa ha daboosho.
Dhuxulo ololaya ha ku soo dul daateen, Oo iyaga ha lagu dhex tuuro dabka, Iyo godad aad u dhaadheer, si aanay mar dambe u soo sara kicin.
Ninka sharka ku hadlaa yaanu dhulka ku sii waarin, Sharku wuxuu u ugaadhsan doonaa ninka dulmiga badan inuu afgembiyo aawadeed.
Waan ogahay in Rabbigu kuwa dhibban dacwadooda u gar qaadi doono, Oo uu kuwa baahanna xaqooda siin doono.
Hubaal kuwa xaqa ahu waxay ku mahadnaqi doonaan magacaaga, Oo kuwa qummanuna waxay joogi doonaan hortaada.
SABUUR 141
Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, haddaba ii soo dhaqso, Oo markaan kuu qayshado, codkayga dhegta u dhig.
Baryootankaygu ha noqdo sida foox hortaada la dhigay, Oo gacma-koruqaadiddayduna ha noqoto sida allabariga fiidnimo.
Rabbiyow, afkayga waardiye hor jooji, Oo albaabka bushimahaygana dhawr.
Qalbigayga ha u duwin wax shar ah, Yaanu falimo xumaan ah la gelin Dadka xumaanta ka shaqeeya, Oo yaanan wax ka cunin waxyaalahooda macaan.
Kan xaqa ahu ha i dilo, raxmad bay ii ahaan doontaa, Oo ha i canaanto, waxay ii noqon doontaa sida saliid madaxa lagu shubto, Madaxayguna yaanu diidin, Waayo, xataa intay sharkooda ku sii jiraan ayaan tukashadayda ka geesta ah sii wadaa.
Xaakinnadoodii waxaa lagu tuuray dhagaxa dhinacyadiisa, Oo iyagu waxay maqli doonaan erayadayda, waayo, way macaan yihiin.
Sida markii beerta la qodo oo dhulka la jeexo Ayaa lafahayagii ugu firidhsan yihiin She'ool afkiisa.
Waayo, Ilaahow Sayidow, indhahaygu xaggaagay ku soo jeedaan, Oo adigaan isku kaa halleeyaa, haddaba naftayda ha dayrin.
Iga dhawr dabinka ay ii dhigeen, Iyo siriqda ay xumaanfalayaashu qooleen.
Kuwa sharka lahu ha ku dhex dheceen shabagyadooda Markaan anigu ka baxsado.
SABUUR 145
Ilaahayow, Boqorow, anigu waan ku sarraysiin doonaa, Oo magacaagana waan ammaani doonaa weligay iyo weligayba.
Maalin kasta mahad baan kuu naqi doonaa, Oo magacaagana waan ammaani doonaa weligay iyo weligayba.
Rabbigu waa weyn yahay, oo waa in aad loo ammaano, Weynaantiisuna waa mid aan la baadhi karin.
Farcanba farcan ayuu shuqulladaada u ammaani doonaa, Oo waxay ka warrami doonaan falimahaaga waaweyn.
Anigu waxaan ka fikiri doonaa haybadda ammaanta leh oo sharaftaada, Iyo shuqulladaada yaabka badan.
Dadku waxay ka hadli doonaan xooggii falimahaaga cabsida badan, Oo anna waxaan sheegi doonaa weynaantaada.
Waxay ku hadli doonaan wanaaggaaga badan xusuustiisa, Xaqnimadaadana way ka gabyi doonaan.
Rabbigu waa nimco miidhan, oo waxaa ka buuxda raxmad, Cadhona wuu u gaabiyaa, wuuna naxariis badan yahay.
Rabbigu wax kasta wuu u roon yahay, Naxariistiisuna waxay ka sarraysaa shuqulladiisa oo dhan.
Rabbiyow, shuqulladaada oo dhammu way kugu mahadnaqi doonaan, Oo quduusiintaaduna way ku ammaani doonaan.
Waxay ka hadli doonaan sharafta boqortooyadaada, Oo waxay ka sheekaysan doonaan xooggaaga,
Si ay binu-aadmiga u ogeysiiyaan Ilaah falimihiisa waaweyn, Iyo ammaanta haybadda boqortooyadiisa.
Boqortooyadaadu waa boqortooyo daa'imis ah, Oo dawladnimadaaduna way sii waartaa tan iyo ab ka ab.
Rabbigu wuu tiiriyaa kuwa kufa oo dhan, Oo wuxuu toosiyaa kuwa gota oo dhan.
Wax kasta indhahoodu adigay wax kaa sugayaan, Oo quudkoodana waad siisa xilligiisa.
Gacantaadaad furtaa, Oo waxaad dherjisaa wax kasta oo nool.
Rabbigu jidadkiisa oo dhan wuu ku qumman yahay, Oo shuqulladiisa oo dhanna wuu ku nimco badan yahay.
Rabbigu waa u dhow yahay inta isaga barida oo dhan, Kuwaas oo ah inta runta ku barida oo dhan.
Kuwa isaga ka cabsada waxay doonayaanba wuu siin doonaa, Oo weliba qayladoodana wuu maqli doonaa, wuuna badbaadin doonaa iyaga.
Rabbigu inta isaga jecel oo dhan wuu ilaaliyaa, Laakiinse kuwa sharka leh oo dhan wuu wada baabbi'in doonaa.
Afkaygu wuxuu ku hadli doonaa ammaanta Rabbiga, Oo inta jidh leh oo dhammuna magiciisa quduuska ah ha ammaaneen weligood iyo weligoodba.
SABUUR 146
Rabbiga ammaana. Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
Intaan noolahay oo dhan Rabbiga waan ammaani doonaa, Oo ammaan baan Ilaahay ugu gabyi doonaa intaan jiro oo dhan.
Ha isku hallaynina amiirrada Iyo binu-aadmiga aan waxba caawimi karin.
Naftiisu way ka baxdaa, oo wuxuu ku noqdaa dhulkiisii. Oo isla maalintaas ayaa fikirradiisu baabba'aan.
Waxaa faraxsan ninkii ay caawimaaddiisu tahay Ilaaha reer Yacquub, Oo rajadiisuna ay ku xidhan tahay Rabbiga Ilaahiisa ah,
Oo sameeyey cirka iyo dhulka, Iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan, Oo runtana dhawra weligiisba,
Oo kuwa la dulmay u garsoora, Oo kuwa gaajaysanna quud siiya. Rabbigu maxaabiistuu furaa.
Rabbigu indhahuu u bixiyaa indhoolayaasha, Oo kuwa gotana Rabbigaa toosiya, Oo kuwa xaqa ahna Rabbigu waa jecel yahay.
Rabbigu waa ilaaliyaa kuwa qariibka ah, Oo isagaa taageera agoonta iyo carmallada, Laakiinse jidka kuwa sharka leh wuu qalloociyaa.
Rabbigu xukun buu haysan doonaa weligiis, Siyoonay, Ilaahaagaa boqor ah tan iyo ab ka ab. Rabbiga ammaana.
SABUUR 147
Rabbiga ammaana. Waayo, way wanaagsan tahay in Ilaaheenna ammaan loogu gabyo, Waayo, taasu way wacan tahay, oo ammaantuna way habboon tahay.
Rabbigu Yeruusaalem buu dhisaa, Oo wuxuu isu soo wada ururiyaa kuwa la naco oo reer binu Israa'iil ah.
Isagaa bogsiiya kuwa qalbi jabay, Oo nabrahoodana wuu duubaa.
Wuxuu sheegaa xiddigaha tiradooda, Oo kulligoodna magacyo buu u bixiyaa.
Sayidkeennu waa weyn yahay, wuuna xoog badan yahay, Waxgarashadiisuna waa mid aan la koobi karayn.
Rabbigu wuu tiiriyaa kuwa camalka qabow, Oo kuwa sharka lehna dhulkuu ku soo tuuraa.
Rabbiga mahadnaqid ugu gabya, Oo kataaradda ammaan ugu gabya Ilaaheenna,
Kaasoo samada daruuro ku qariya, Oo dhulka roob u diyaarsha, Buurahana doog ka soo bixiya.
Wuxuu quud siiyaa xayawaanka, Iyo tukayaasha yaryar markay qayliyaanba.
Isagu kuma farxo xoogga faraska, Oo kuma reyreeyo lugaha dadka.
Rabbigu wuxuu ku reyreeyaa kuwa isaga ka cabsada, Iyo kuwa naxariistiisa rajada ka qaba.
Yeruusaalemay, Rabbiga ammaan, Siyoonay, Ilaahaaga ammaan.
Waayo, wuxuu xoogeeyey qataarrada irdahaaga, Carruurtaadana wuu kugu dhex barakeeyey.
Soohdimahaaga nabad buu ka dhigaa, Oo wuxuu kaa dhergiyaa sarreenka ugu wanaagsan.
Amarkiisa wuxuu u soo diraa dhulka, Eraygiisuna aad buu u dheereeyaa.
Baraf cad wuxuu u soo daadshaa sida dhogor oo kale, Sayax barafoobayna wuxuu u kala firdhiyaa sida dambas oo kale.
Barafkiisa wuxuu u soo ridaa sida jajab oo kale, Bal yaa qabowgiisa hor istaagi kara?
Wuxuu soo diraa eraygiisa, oo wuu dhalaaliyaa iyaga, Dabayshiisana wuxuu ka dhigaa inay dhacdo, biyuhuna way qulqulaan.
Eraygiisa wuxuu tusaa reer Yacquub, Qaynuunnadiisa iyo xukummadiisana reer binu Israa'iil.
Quruunna sidaas oo kale uma uu samayn. Xukummadiisiina ma ay garanaynin, Rabbiga ammaana.
INJIILKA QUDUUSKA AH EE SIDA UU QORAY LUUKOS (2:25-32)
¶ Bal eeg, waxaa Yeruusaalem joogay nin magiciisii ahaa Simecoon. Ninkaasu wuxuu ahaa nin xaq ah oo cibaado leh; wuxuuna sugayay gargaaridda Israa'iil. Ruuxii Quduuska ahaana waa dul joogay.
Waxaana Ruuxii Quduuska ahaa u muujiyey inaanu dhimasho arag intaanu Rabbiga Masiixiisa arkin.
Oo wuxuu Ruuxii ku galay macbudka, oo goortii waalidkii keeneen wiilkii Ciise ahaa inay caadadii sharciga ku sameeyaan,
markaasuu gacmihiisa ku qaaday, oo Ilaah ammaanay, oo yidhi,
Rabbiyow, imminka addoonkaagu nabad ha ku tago, Sida hadalkaagu ahaa,
Waayo, indhahaygu waxay arkeen badbaadintaada,
Tan aad dadka oo dhan hortiis hagaajisay,
Oo ah iftiin quruumaha lagu muujiyo, Iyo ammaanta dadkaaga Israa'iil.
Saddexda Quduusiinta (Trisagion)
Quduusow Ilaahow, Quduusow Kan Adag, Quduusow Kan Aan Dhimanayn, kii laga dhashay Bikrida, naxariiso nagu yeel. Quduusow Ilaahow, Quduusow Kan Adag, Quduusow Kan Aan Dhimanayn, kii iskutallaabta loo qodbay aawadeen, naxariiso nagu yeel. Quduusow Ilaahow, Quduusow Kan Adag, Quduusow Kan Aan Dhimanayn, kii ka soo sara kacay kuwii dhintay oo u kacay samada, naxariiso nagu yeel. Ammaan Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuska ah, hadda iyo weligeed iyo ilaa weliga weligiis. Aamiin. Saddexmidnimada Quduuska ahow, naxariiso nagu yeel. Saddexmidnimada Quduuska ahow, naxariiso nagu yeel. Saddexmidnimada Quduuska ahow, naxariiso nagu yeel.
Sayidow, noo cafi dembiyadeenna. Sayidow, noo cafi xadgudubyadeenna. Sayidow, noo cafi khaladaadkeenna. Sayidow, booqo bukaannada dadkaaga; iyaga u bogsi magacaa quduuska ah aawadiis. Aabbayaasheenna iyo walaalaheenna seexday, Sayidow, nafahooda nasii. Kan aan dembi lahaynow, Sayidow naxariiso nagu yeel. Kan aan dembi lahaynow, Sayidow na noo gargaar, oo aqbal codsiyadeenna xaggaaga; waayo adiga ayay kuu sugnaatay ammaanta iyo weynaanta iyo saddex-laamaha quduuska ah. Sayidow naxariiso. Sayidow naxariiso. Sayidow barakee. Aamiin.
Oo na yeel kuwa istaahila in aynu nidhaahno annagoo mahadnaqayna: Aabbahayow ee samada ku jira....
Nabad gelyo ha kugu ahaato
Nabad gelyo ha kugu ahaato. Waxaan ku baryaynaa, Quduusadda buuxda ammaanta, Bikrida weligeed, Hooyada Ilaah, Hooyadii Masiix, kor u qaaddo salaaddayada xagga Wiilkaaga jecel, in uu noo cafiyo dembiyadeenna.
Nabad gelyo ha ahaato midda na u dhashay Iftiinka runta ah, Masiixa Ilaaheenna, Bikrida Quduusadda ah. Rabbiga noo warshee, si uu naxariis u sameeyo nafafkeenna, oo uu noo cafiyo dembiyadeenna.
Bikrida Maryan, Hooyada Ilaah, Quduusadda, u-dhextallisada aaminka u ah nooca aadanaha, noo shafaac hortiisa Masiixa aad dhashay, in uu nagu gallado cafiska dembiyadeenna.
Nabad gelyo ha kugu ahaato, Bikrida Boqoradda runta ah, nabad gelyo ha ahaato sharafka jinsigeenna; waxaad noo dhashay Cimmaanu’eel. Waxaan ku baryaynaa: na xusuuso, kuweenna lagu aaminay shafaaca, hortiisa Rabbigeenna Ciise Masiix, in uu noo cafiyo dembiyadeenna.
Bilowga Qawlka Iimaanka
Waan ku weyneynnaa, Ummadda Iftiinka runta ah, waan ku ammaannaynaa, Bikrida Quduusadda ah, Hooyada Ilaah, waayo waxaad noo dhashay Badbaadiyaha dunida; wuu yimi oo wuu badbaadiyey nafafkeenna.
Ammaan ha kuu ahaato, Sayidkeenna iyo Boqorkeenna Masiix, Farxadda Rasuullada, Taajka Shuhadada, Reynreynta kuwa xaqa ah, Adkaynta kaniisadaha, Cafiska dembiyada.
Waxaan ku bishaaraynnaa Saddexmidnimada Quduuska ah, Ilaahnimo keliya; waxaan u sujuudnaa oo ammaannaa. Sayidow naxariiso. Sayidow naxariiso. Sayidow barakee. Aamiin.
Qawlka Iimaanka Quduuska ah ee Ortodokska
Runtu waxaannu rumaysanahay Ilaah keliya, Aabbaha, Qaadirka wax walba, Abuuraha samada iyo dhulka, waxyaalaha la arko iyo kuwa aan la arag.
Waxaanu rumaysanahay Rabbiga keliya Ciise Masiix, Wiilka Ilaah ee keliya, ka Dhashay Aabbaha ka hor dhammaan weliyada, Nuur ka Nuur, Ilaah Run ah oo ka Ilaah Run ah, dhalasho leh oo aan la abuurin, isku-jawhar ah Aabbaha, kaas oo wax walba iyada oo isaga la sameeyey. Kaas oo aawadeen annaga dadka, iyo aawadeen badbaadadeenna, ka soo degay samada, oo jidh noqday Ruuxa Quduuska ah iyo Maryan Bikro ka, oo bini-aadam noqday. Oo iskutallaabta loo qodbay aawadeen xilligii Bilaatos Baantiyuus; wuu silicmay, oo la aasay; wuxuuna ka soo sara kacay kuwii dhintay maalintii saddexaad sida Qorniinku sheegay; wuxuuna u kacay samada; wuxuuna fadhiyaa midigta Aabbihiis; wuxuuna mar kale iman doonaa ammaantiisa si uu u xukumo kuwa nool iyo kuwa dhintay; oo boqortooyadiisa dhammaad ma leh.
Haa, waxaanu rumaysanahay Ruuxa Quduuska ah, Rabbiga wax-noolaynta, ka ka soo baxa Aabbaha; kaas oo aan ku sujuudno oo aan ku ammaanno la Jirka Aabbaha iyo Wiilka; kaas oo ku hadlay nebiyada dhexdiisa.
Iyo Kaniisad keliya, Quduus ah, Caalami (Jaamac) ah, Rasuuli ah.
Waxaanu qirannaa Baabtiis keliya dembidhaaf u ah.
Waxaanu sugaynaa Sarakicidda kuwii dhintay iyo nolosha weliga iman doona. Aamiin.
Κύριε ἐλέησون Kyrie eleison (Sayidow, naxariiso) 41 jeer
Quduus Quduus Quduus
Quduus, Quduus, Quduus, Sayidka Saba’ooth. Samadu iyo dhulkuba way ka buuxaan ammaantaada iyo karaamadaada. Naxariiso nagu yeel, Ilaahow Aabbe Qaadirka wax walba. Saddexmidnimada Quduuska ahow, naxariiso nagu yeel. Sayidka Ilaah ee ciidamadaow, noo jir, waayo lama haysanno gargaar kale oo aan adiga ahayn ee dhibaatooyinkeenna iyo dhibkeenna dhexdiisa.
Furo, cafi, oo ka dhaaf dembiyadeenna, Ilaahow, kuwaan ku samaynay doonisteenna iyo kuwaan ku samaynay doonisteenna la’aanteed, kuwaan ku samaynay innagoo og iyo kuwaan ku samaynay annagoo aan ogayn, kuwa qarsoon iyo kuwa muuqda. Sayidow, noo cafi iyaga, magacaa quduuska ah aawadiis oo nagu magacaaban. Sida naxariistaada, Sayidow, ee ha ahaannin sida dembiyadeenna.
Oo na yeel kuwa istaahila in aynu nidhaahno annagoo mahadnaqayna: Aabbahayow ee samada ku jira..
Absolushanka
Sayidow, wixii dhan ee aan kaa dembanaynay maalintan — ha ahaato fal, ama hadal, ama fikir, ama dhammaan dareennada — noo dhaaf oo noo cafi magacaa quduuska ah aawadiis, adiga oo Wanaagsan oo Jecel dadka. Oo na siiso, Ilaahow, habeen deggan; hurdadanina ha noqoto mid daahir ah oo aan walaac lahayn. Oo noo soo dir Malaa’ig nabad ah si ay u na ilaaliyaan sharka kasta, iyo garaac kastaa, iyo jirrabaadda cadowga. Naxariista iyo raxmadda iyo jeclaanta dadka ee Wiilkaaga Keliya, Rabbigeenna iyo Ilaaheenna iyo Badbaadiyeheenna Ciise Masiix; isaga oo ay iyaga kugu habboon tahay, adiga oo la jooga isaga, ammaanta iyo sharafta iyo weynaanta, iyo Ruuxa Quduuska ah ee wax-noolaynta ee kugu sinnayn, hadda iyo weligeed iyo ilaa weliga weligiis. Aamiin.
Baryada la akhriyo dhammaadka saacaddii kasta
Naxariiso nagu yeel, Ilaahow, dabadeed naxariiso. Kaas oo wakhti kasta iyo saacad kasta, samada iyo dhulka, lagu sujuudo oo lagu ammaanay. Masiixa Ilaaheenna wanaagsan, kan dulqaadka dheer, kan naxariista badan, kan raxmadda badan, kan jecel kuwa xaqa ah, kana naxariista dembiilayaasha, anigu anigaaba ka horreeya. Kaas oo aanu doonaynin dhimashada dembiilaha, laakiin inuu noqdo mid toobad keena oo noolaada. Kaas oo ku yeedha dhammaan badbaadada, ballanta khayraadka la sugayo aawadeed.
Sayidow, aqbal saacaddan iyo saacad kasta codsiyadeenna. Nolosheena sahal, na hanuuni in aynu ku camal faleen amarradaada. Na quduus; jirkayagana daahiri. Fikradahayagana toosi. Niyadoodana nadiifi. Cudurradeennana bogsi, oo dembiyadeennana cafi. Oo naga badbaadi murugo kasta oo xun iyo xanuun qalbi. Noo wareeji malaa’igtaada quduuska ah, si aynu ku sugnaanno xeryahooda annagoo la ilaalinayo oo la hanuuninayo, oo aynu gaarno midnimada iimaanka iyo aqoonta ammaantaada aan la dareemi karin oo aan la xadidi karin; waayo adigu waad barakaysan tahay ilaa weligeed. Aamiin.
Ilaahow, na yeel kuwa istaahila in aynu nidhaahno annagoo mahadnaqayna: Aabbahayow ee samada ku jira...