Qirashada Iimaanka Ortodokska

The Orthodox Creed

Runtii waxaan rumaysan nahay Ilaah keliya, Ilaaha Aabbaha ah, Qaadirka, Abuuraha samada iyo dhulka iyo wax kasta oo la arko iyo waxa aan la arkin.

Waxaan rumaysan nahay Rabbi keliya, Ciise Masiix, Wiilka keliya ee Ilaah dhalay, kaas oo Aabbaha ka dhashay ka hor qarniyada oo dhan. Iftiin ka yimid Iftiin, Ilaah run ah oo ka yimid Ilaah run ah; la dhalay, aan la abuurin; Aabbaha la mid ah xagga nuxurka; wax walbana isaga ayaa lagu sameeyey.

Isagu innaga dadka ah iyo badbaadadeenna aawadeed ayuu samada uga soo degay; Ruuxa Quduuska ah iyo Maryan oo bikrad ah ayuu jidh ka qaatay, dadna noqday.

Waxaa iskutallaabta loogu qodbay innaga aawadeen xilligii Bontiyos Bilaatos, wuu xanuunsaday waana la aasay; maalintii saddexaadna kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay sida Qorniinku leeyahay.

Samada ayuu u baxay, wuxuuna fadhiyaa midigta Aabbihiis; mar kale ayuu ammaan ku iman doonaa si uu u xukumo kuwa nool iyo kuwa dhintay; boqortooyadiisuna dhammaad ma leh.

Haa, waxaan rumaysan nahay Ruuxa Quduuska ah, Rabbiga iyo Kan nolosha bixiya, kaas oo Aabbaha ka soo baxa; isaga iyo Aabbaha iyo Wiilka waa la wada caabudaa lana ammaanaa; nebiyadana wuu ka dhex hadlay.

Iyo Kaniisad keliya oo quduus ah, caalami ah oo rasuuli ah. Waxaan qirannaa hal baabtiis oo dembidhaaf ah.

Waxaan sugaynaa sarakicidda kuwii dhintay iyo nolosha qarniyada imanaya. Aamiin.