Saacadda Hadda
Saacaddii Saddexaad - Terce
Waxaan xusuusannaa Masiixii hortiisa Bilaatoos, kacitaankiisa samada, iyo soo degitaankii Ruuxa Quduuska ah ee cusboonaysiiya qalbiyadeenna.
Hordhaca Saacaddii Kasta
Magaca Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuska ah
Ilaaha Keliya, Aamiin.
Sayidow naxariiso. Sayidow naxariiso. Sayidow barakee. Aamiin.
Ammaan Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuska ah, hadda iyo waqti kasta iyo ilaa weliga weligiis, Aamiin.
AABBAHAYAGA
¶ Haddaba sidatan u tukada, Aabbahayaga jannada ku jirow, magacaagu quduus ha ahaado.
Boqortooyadaadu ha timaado, doonistaada dhulka ha lagu yeelo sida jannada loogu yeelo.
Kibis maalin nagu filan, maanta na sii.
Oo naga cafi qaamahayaga sidaannu u cafinnay kuwa noo qaamaysan.
Oo jirrabaadda ha noo kaxayn, laakiin sharka naga du. Waayo, boqortooyada iyo xoogga iyo ammaanta adigaa leh weligaa. Aamiin.
Salaadda Shukriga
Aan ku mahadnaqno Ilaaha naxariista badan, Sameeyaha wanaagga, Aabbaha Rabbigeenna iyo Ilaaheenna iyo Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, waayo Isagu wuu nagu asturay oo wuu nagu kaalmeeyey, wuu na dhowray, wuuna ina aqbalay, wuuna na u naxariistay, wuu na xoojiyey, wuuna ina keenay saacaddan. Isagana waxaan ka baryeynaa in uu nagu hayo maalintan quduuska ah iyo dhammaan maalmaha nolosheena nabad buuxda. Sayidka Ilaaheenna Qaadirka wax walba.
Sayidow Ilaahow, Qaadirka wax walba, Aabbaha Rabbigeenna iyo Ilaaheenna iyo Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, annagu waxaan kugu mahadnaqaynaa xaalad kasta, iyo sabab kasta, iyo xilli kasta; waayo adigu waad nagu asturtay, waad nagu kaalmaysay, waad na haysay, waad na aqbashay, waad na u naxariistay, waad na xoojisay, waadna ina keentay saacaddan.
Sidaa darteed waxaan ka weydiisanaynaa, oo ka baryaynaa wanaaggaaga, Sayidow Jecel dadka, in aad nagu deeqdo in aan ku dhamayno maalintan quduuska ah iyo dhammaan maalmaha nolosheena nabad iyo cabsidaada la jirta. Xaasidnimo kasta, iyo jirrab kastaa, iyo fal kasta oo shaydaan, iyo khiyaamada dadka sharka leh, iyo kacdoonka cadowga qarsoon iyo kan muuqda, naga fogee annaga iyo dadkaaga oo dhan, iyo meeshan quduuska ah. Waxa wanaagga iyo waxyaalaha waxtarka lehna na siisii. Waayo adigu waxaad na siisay amar aan ku tumanno abeesooyinka iyo qoolleyda iyo xoog kasta oo cadowga ah. Oo ha noo gelin jirrab, laakiin naga badbaadi kan sharka leh.
Naxariista iyo raxmadda iyo jeclaanta dadka ee Wiilkaaga Keliya, Rabbigeenna iyo Ilaaheenna iyo Badbaadiyeheenna Ciise Masiix; isaga oo ay iyaga kugu habboon yihiin ammaanta iyo sharafta iyo weynaanta iyo sujuuddu, adiga iyo Ruuxa Quduuska ah ee wax-noolaynta, ee kugu sinnayn, hadda iyo weligeed iyo ilaa weliga weligiis, Aamiin.
SABUUR 50
Ilaah, oo ah Ilaaha Rabbiga ah ayaa hadlay, Oo qorrax-soo-baxa ilaa qorraxdhaca dhulkuu u yeedhay.
Siyoon oo ah meesha quruxda kaamilka ah Ayaa Ilaah ka soo iftiimay.
Ilaaheen wuu iman doonaa, iskamana aamusi doono, Hortiisa ayaa dab wax baabbi'in doonaa, Hareerihiisana waxaa jiri doona duufaan weyn.
Isagu wuxuu u yeedhi doonaa samooyinka sare, Iyo dhulkaba, inuu dadkiisa xukumo aawadeed.
Oo wuxuu odhan doonaa, Quduusiintayda ii soo wada ururiya, Kuwii axdi igula dhigtay allabari.
Oo samooyinka ayaa xaqnimadiisa sheegi doona, Waayo, Ilaah qudhiisu waa xaakin. (Selaah)
Dadkaygiiyow, i maqla, oo anna waan hadli doonaa, Israa'iilow, i maqal oo anna waan kuu markhaati furi doonaa, Anigu waxaan ahay Ilaah, oo ah Ilaahaaga.
Anigu kugu canaanan maayo allabaryadaada, Oo qurbaannadaada gubanu had iyo goorba hortayday yaalliin.
Reerkaaga dibi ka qaadan maayo, Xerooyinkaagana orgi kala bixi maayo.
Waayo, xayawaanka duudda jooga oo dhan anigaa iska leh, Iyo xataa xoolaha kunka buurood jooga oo dhan.
Waan wada aqaan haadda buuraha joogta oo dhan, Oo dugaagga duurka jooga oo dhanna anigaa iska leh.
Haddaan gaajaysnahay, kuuma aan sheegeen, Waayo, dunida iyo waxa ka buuxaba anigaa iska leh.
Miyaan cuni doonaa hilibka dibida, Miyaanse cabbi doonaa dhiigga riyaha?
Ilaah u bixi allabariga mahadnaqiddaa, Oo Ilaaha ugu sarreeyana nidarradaadii u oofi,
Oo i bari maalinta dhibi jirto, Oo anna waan ku samatabbixin doonaa, kolkaasaad i ammaani doontaa.
Laakiinse Ilaah wuxuu kan sharka leh ku yidhaahdaa, Maxaad qaynuunnadayda u sheegaysaa, Oo aad axdigayga afkaaga ugu soo qaadaysaa?
Adigoo tacliinta neceb, Oo weliba erayadaydana dabadaada ku tuura.
Markaad tuug aragtay waad oggolaatay, Oo waxaad la qayb qaadatay dhillayo.
Afkaaga waxaad u daysaa inuu shar ku hadlo, Oo carrabkaaguna wuxuu hindisaa khiyaano.
Waad fadhiisataa oo wax ka sheegtaa walaalkaa, Oo weliba waxaad xamataa inahooyadaa.
Waxyaalahaas baad samaysay, oo anna waan iska aamusay, Waxaad moodday inaan ahay mid kula mid ah, Laakiinse waan ku canaanan doonaa, oo iyaga ayaan indhahaaga hortooda ku hagaajin doonaa.
Kuwiinna Ilaah illoobayow, bal waxan ka fiirsada, Waaba intaasoo aan cadcad idiin jeexjeexaaye, oo aad wax idin samatabbixiya weydaane,
Ku alla kii allabariga mahadnaqidda bixiyaa waa i ammaanaa, Oo kii socodkiisa si qumman u hagaajiyana Waxaan tusi doonaa badbaadinta Ilaah.
Bilowga Salaadda
Tasabixadda Saacadda Saddexaad ee maalintan barakaysan, waxaan u keenayaa Masiixa Boqorkaygii iyo Ilaahkaygii, waxaanan ka baryayaa in uu ii cafiyo dembiyadayda.
SABUUR 19
Samooyinku waxay caddeeyaan ammaanta Ilaah, Cirkuna wuxuu muujiyaa sancadii gacantiisa.
Maalinba maalinta ka dambaysaa waxay ku hadashaa hadal, Oo habeenba habeenka ka dambeeyaa wuxuu caddeeyaa aqoon.
Ma jiro hadal ama af Aan codkooda laga maqlin.
Codkoodii wuxuu dhex maray dhulka oo dhan, Hadalkoodiina wuxuu gaadhay dunida meesha ugu dambaysa. Oo dhexdooda wuxuu taambuug u dhigay qorraxda,
Taasoo la mid ah aroos qolladdiisii ka soo baxaya, Oo waxay u faraxdaa sida nin xoog leh oo baratamaya.
Waxay ka soo baxdaa samada darafkeeda, Oo waxay ku soo wareegtaa hareeraheeda, Oo kulaylkeedana wax ka qarsoonu ma jiraan.
Sharciga Rabbigu waa kaamil, oo nafta wuu soo celiyaa, Maragfurka Rabbigu waa aamin, oo garaadlaawaha ayuu u caqliyeeyaa.
Qaynuunnada Rabbigu waa hagaagsan yihiin, oo qalbiga ayay ka farxiyaan, Amarka Rabbigu waa daahir oo indhaha ayuu nuuriyaa.
Cabsida Rabbigu waa nadiif, weligeedna way raagtaa, Xukummada Rabbigu waa run, waana wada xaq dhammaantood.
Iyagu waa wax xataa dahab laga sii jeclaado, haah, xataa dahab badan oo saafi ah, Oo weliba way ka sii macaan yihiin malab iyo awlallada malabka.
Oo weliba addoonkaagana iyagaa loogu digay, Oo xajintoodana waxaa ku jira abaalgud weyn.
Bal yaa qaladdadiisa garan kara? Rabbow, iga nadiifi dembiyo qarsoon.
Anoo addoonkaaga ah iga hay waxyaalo aan ku kibro, Oo yaanay ii talin, Oo markaas kaamil baan ahaan doonaa, Oo xadgudub weynna daahir baan ka ahaan doonaa.
Rabbiyow, xooggayga iyo bixiyahaygiiyow, Erayada afkayga iyo fikirka qalbigaygu ha ahaadeen kuwo hortaada lagu aqbalo.
SABUUR 22
Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay? Oo aad uga fogaatay caawimaaddayda iyo hadalka hinraaggayga?
Ilaahayow, maalintii waan kuu qayshadaa, adiguse iima jawaabtid, Oo habeennimadana waan qayliyaa oo ma nasto.
Laakiinse adigu quduus baad tahay, Oo kursigaaga waxaad ka dhigtaa ammaanta reer binu Israa'iil.
Awowayaashayo adigay isku kaa halleeyeen, Iyagu way isku kaa halleeyeen, oo adna waad samatabbixisay.
Adigay kuu qayshadeen, oo way samatabbexeen, Way isku kaa halleeyeen, oo mana ay ceeboobin.
Laakiinse anigu waxaan ahay dixiri, oo dad ma ahi, Waxaan ahay mid la caayo, oo dadku quudhsado.
Oo kuwa i arka oo dhammu way igu qoslaan, Bushimahay yuubaan, oo madaxay lulaan, iyagoo leh,
Rabbiguu isku halleeyey, ha samatabbixiyo, Bal isagu waa kan ku faraxsane hadda ha samatabbixiyo.
Laakiinse adigu waxaad tahay kii uurka iga soo bixiyey, Oo intaan naasaha hooyaday nuugayay, waxaad iga dhigtay mid ku aaminsan.
Aniga dushaadaa laygu soo tuuray markaan uurka ka soo baxay, Xataa tan iyo intaan uurkii hooyaday ku jiray, Ilaahaygaad ahayd.
Ha iga fogaan, waayo, dhib baa soo dhow, Qof i caawiyaana ma jiro.
Waxaa i hareereeyey dibiyo badan, Oo kuwii Baashaan oo xoogga badnaa ayaa hareerahayga isku wareejiyey.
Afkooday iigu fureen, Sidii libaax hamuunsan oo ciyaya.
Waxaan u shubmay sidii biyo oo kale, Oo lafahaygii oo dhammuna xubnihii way ka kala bexeen, Oo qalbigaygii wuxuu noqday sidii shamac oo kale, Oo wuxuu ku dhex dhalaalay xiidmahayga.
Xooggaygii wuxuu u engegay sidii dheri burburkiisa oo kale, Oo carrabkaygiina daamankayguu ku dhegay, Oo waxaad i gelisay ciiddii dhimashada.
Waayo, waxaa i hareereeyey eeyo, Oo waxaa hareerahayga isku wareejiyey shirkii xumaanfalayaasha, Oo waxay iga mudeen gacmaha iyo cagaha.
Lafahaygii oo dhan waan tirin karaa, Oo iyagu way i fiiriyaan oo igu dhaygagaan,
Dharkayga bay qaybsadaan, Oo maradaydana saami bay u ritaan.
Laakiinse, Rabbiyow, ha iga fogaan, Tageerehaygiiyow, dhaqso ii caawi.
Naftayda ka samatabbixi seefta, Noloshaydana ka samatabbixi xoogga eeyga.
Iga badbaadi libaaxa afkiisa, Haah, xataa geesihii gisiyada waad iiga jawaabtay.
Magacaaga waan u sheegi doonaa walaalahay, Oo ururka dhexdiisa ayaan kugu ammaani doonaa.
Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, ammaana isaga, Farcanka Yacquubow, sharfa isaga, Oo kuwiinna Israa'iil ka soo farcamayow, isaga ka wada cabsada.
Waayo, isagu ma quudhsan, mana karhin kan la dhibay dhibkiisa, Oo wejigiisiina kama uu qarin isagii, Laakiinse markuu u qayshaday ayuu maqlay.
Xaggaaga ayaa ammaantaydu kaga imanaysaa shirka weyn dhexdiisa, Oo nidarradayda waxaan ku bixinayaa kuwa isaga ka cabsada hortooda.
Oo waxaa wax cuni doona oo ka dhergi doona kuwa camalka qabow, Kuwa Rabbiga doondoonaa isagay ammaani doonaan, Qalbigiinnu weligiis ha noolaado.
Dunida darafyadeeda oo dhammu waxay soo xusuusan doonaan oo u soo jeesan doonaan Rabbiga. Oo qolooyinka quruumaha oo dhammu waxay ku sujuudi doonaan hortaada.
Waayo, boqortooyada waxaa leh Rabbiga, Oo isagu waa taliyihii quruumaha.
Dunida kuweeda buurbuuran oo dhammu wax bay cuni oo Ilaah bay caabudi doonaan, Oo inta ciidda gasha oo dhammuna hortiisay ku sujuudi doonaan, Xataa kii aan naftiisa sii noolayn karin.
Farcan baa isaga u adeegi doona, Oo Sayidka waxaa looga sheekayn doonaa qarniga iman doona.
Oo iyagu way iman doonaan oo waxay dadka dhalan doona u sheegi doonaan Xaqnimadiisa iyo inuu sameeyeyba.
SABUUR 23
Rabbigu waa adhijirka i jira; waxba u baahan maayo.
Wuxuu i fadhiisiyaa doog qoyan dhexdiis, Oo wuxuu ii hoggaamiyaa biyaha deggan dhinacooda.
Naftayda wuu soo celiyaa. Oo magiciisa aawadiis wuxuu igu hor kacaa waddooyinka xaqnimada.
In kastoo aan ku dhex socdo dooxada hooska dhimashada, Sharna ka baqi maayo, waayo, waad ila jirtaa, Ushaada iyo hangoolkaaga ayaa ii raaxeeya.
Cadaawayaashayda hortooda waxaad iigu diyaarisaa miis, Oo saliid baad madaxayga ku subagtaa, koobkayguna waa buuxdhaafaa.
Hubaal cimrigayga oo dhan waxaa i raaci doona wanaag iyo naxariis, Oo weligay guriga Rabbiga ayaan degganaan doonaa.
SABUUR 25
Rabbiyow, naftayda xaggaagaan kor ugu qaadaa.
Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyey, Haddaba yaanan ceeboobin, Oo yaan cadaawayaashaydu ii faanin.
Kuwa adiga ku suga midkoodna ceeboobi maayo, Laakiinse waxaa ceeboobi doona kuwa khiyaanada ku macaamilooda sababla'aan.
Rabbiyow, jidadkaaga i tus, Oo waddooyinkaagana i bar.
Runtaada igu hoggaami, oo i bar, Waayo, waxaad tahay Ilaaha badbaadadayda, Oo maalinta oo dhan adaan ku sugaa.
Rabbiyow, xusuuso naxariistaada iyo raxmaddaada, Waayo, weligoodba way jireen.
Ha xusuusan dembiyadii dhallinyaranimadayda iyo xadgudubyadaydii, Laakiinse ii xusuuso sida raxmaddaadu tahay, Iyo wanaaggaaga aawadiis, Rabbiyow.
Rabbigu waa wanaagsan yahay, waana qumman yahay, Sidaas daraaddeed wuxuu dembilayaasha ku hanuunin doonaa jidka.
Kuwa camalka qabow wuxuu ku hanuunin doonaa xaqa, Oo kuwa camalka qabow wuxuu bari doonaa jidkiisa.
Rabbiga waddooyinkiisa oo dhammu waxay raxmad iyo run u yihiin Kuwa axdigiisa iyo markhaatifurkiisa xajiya.
Rabbiyow, dembigayga iga cafi magacaaga daraaddiis, Waayo, aad buu u weyn yahay.
Bal waa ayo ninka Rabbiga ka cabsadaa? Kaas wuxuu ku hanuunin doonaa jidkii uu isagu doorto.
Naftiisu wanaag bay ku jiri doontaa, Oo farcankiisuna wuxuu dhaxli doonaa dalka.
Rabbiga taladiisa qarsoon waxay la jirtaa kuwa isaga ka cabsada, Oo wuxuu iyaga tusi doonaa axdigiisa.
Weligayba indhahaygu waxay u jeedaan xagga Rabbiga, Waayo, wuxuu cagahayga ka bixin doonaa dabinka.
Bal xaggayga u soo jeeso, oo ii naxariiso, Waayo, waan cidloobay, oo dhib baa i haysa.
Dhibaatooyinka qalbigaygu way sii ballaadheen, Cidhiidhigayga iga bixi.
Bal fiiri dhibkayga iyo qaxarkayga, Oo dembiyadayda oo dhan iga cafi.
Bal fiiri cadaawayaashayda, waayo, way badan yihiin, Oo waxay igu neceb yihiin nacayb dulmi miidhan ah.
Naftayda dhawr, oo i samatabbixi, Oo yaanan ceeboobin, waayo, waan isku kaa halleeyaa.
Daacadnimo iyo qummanaanu ha i dhawreen, Waayo, adaan ku sugaa.
Ilaahow, reer binu Israa'iil ka samatabbixi Dhibaatooyinkooda oo dhan.
SABUUR 28
Rabbiyow, adigaan kuu qayshan doonaa, Dhagaxayga weynow, ha iska kay dhega tirin, Waaba intaas oo haddaad iga aamusto, Aan noqdaa sida kuwa yamayska hoos ugu dhaadhaca.
Maqal codka baryootankayga markaan kuu qayshado, Oo aan gacmahayga u soo taago xagga meeshaada quduuska ah.
Ha ila jiidin kuwa sharka leh, Iyo xumaanfalayaasha Oo deriskooda nabadda kula hadla, Laakiinse belaayadu qalbigooda ku jirto.
Iyaga u abaalmari sida shuqulkoodu yahay, iyo sida ay xumaanta falimahoodu tahay, Iyaga u abaalmari sida shuqulka gacmahoodu yahay, Oo waxa ay galabsadaan sii.
Iyaga wuu dumin doonaa, mana uu dhisi doono mar dambe, Maxaa yeelay, kama ay fikirin Rabbiga shuqulladiisii Iyo hawshii gacmihiisa toona.
Mahad waxaa leh Rabbiga, Maxaa yeelay, codkii baryootankayguu maqlay.
Rabbigu waa xooggayga iyo gaashaankayga, Qalbigaygu isaguu isku halleeyey, oo waa lay caawiyey, Sidaas daraaddeed qalbigaygu aad iyo aad buu u reyreeyey, Oo gabaygaygaan isaga ku ammaani doonaa.
Rabbigu wuxuu dadkiisa u yahay xoog, Oo kiisa subkanna wuxuu u yahay qalcad lagu badbaado.
Dadkaaga badbaadi, oo dhaxalkaagana barakee, Oo weliba quudi, oo weligaaba kor u hay.
SABUUR 29
Kuwiinna carruurta Ilaah ahow, Rabbiga ammaana, Rabbiga ka sheega ammaan iyo xoog.
Rabbiga ku ammaana ammaanta magiciisu mudan yahay, Rabbiga ku caabuda quruxda quduuska ah.
Rabbiga codkiisu wuxuu dul joogaa biyaha, Ilaaha ammaantu wuu onkodaa, Oo xataa Rabbigu wuxuu ka kor onkodaa biyo badan.
Rabbiga codkiisu waa xoog badan yahay, Rabbiga codkiisu waa haybad badan yahay.
Rabbiga codkiisu wuxuu jebiyaa geedaha kedarka ah, Haah, oo Rabbigu wuxuu kala jebjebiyaa geedaha kedarka ah oo Lubnaan.
Oo weliba wuxuu iyaga ka dhigaa inay u boodboodaan sida weyl oo kale, Lubnaan iyo Siryonba wuxuu ka dhigaa sida gisi yar.
Rabbiga codkiisu wuxuu googooyaa ololka dabka.
Rabbiga codkiisu wuxuu ruxruxaa cidlada, Rabbigu wuxuu ruxruxaa cidlada Qaadeesh.
Rabbiga codkiisu wuxuu dhaliyaa deerooyinka, Oo kayntana caleemaha wuu ka daadiyaa, Oo wax kasta oo macbudkiisa ku jiraana waxay yidhaahdaan, Ammaan.
Rabbigu wuxuu dul fadhiyaa daadka, Haah, oo Rabbigu wuxuu weligiisba u fadhiyaa sida boqor oo kale.
Rabbigu dadkiisuu xoogayn doonaa, Oo Rabbigu nabad buu dadkiisa ku barakayn doonaa.
SABUUR 33
Kuwiinna xaqa ahow, Rabbiga ku reyreeya, Waayo, kuwa qumman ammaan baa u habboon.
Rabbiga ugu mahadnaqa kataarad, Oo isaga ammaan ugu heesa idinkoo ka dhawaajinaya shareerad toban xadhig leh.
Gabay cusub isaga ugu gabya, Oo si farsamo wanaagsan ugaga dhawaajiya cod weyn.
Waayo, Rabbiga eraygiisu waa toosan yahay, Oo shuqulkiisa oo dhanna waxaa lagu sameeyey aaminnimo.
Wuxuu jecel yahay xaqnimo iyo caddaalad, Dhulka waxaa ka buuxda Rabbiga raxmaddiisa.
Samooyinka waxaa lagu sameeyey Rabbiga eraygiisa, Oo guutooyinkooda oo dhanna waxaa lagu uumay neefta afkiisa.
Isagu biyaha badda intuu isku ururiyo ayuu wuxuu ka dhigaa sidii taallo oo kale, Oo moolalka dhaadheerna wuxuu dhex dhigaa maqsinno.
Inta dhulka joogta oo dhammu Rabbiga ha ka cabsadeen, Inta dunida deggan oo dhammu isaga ha ka baqeen.
Waayo, isagu wuu hadlay, wayna noqotay, Oo wuu amray, wayna adkaatay.
Rabbigu quruumaha taladooda wuu baabbi'iyaa, Oo dadyowga fikirradoodana wuu buriyaa.
Laakiinse Rabbiga taladiisu weligeedba way adkaataa, Oo fikirrada qalbigiisuna waxay adkaadaan tan iyo ka ab ka ab.
Waxaa barakaysan quruunta Ilaaheedu Rabbiga yahay, Taasoo ah dadka uu isagu u doortay dhaxalkiisa.
Rabbigu samaduu wax ka soo fiiriyaa, Oo wuxuu arkaa binu-aadmiga oo dhan,
Oo meesha isaga rugta u ah Ayuu wuxuu ka soo fiiriyaa kuwa dhulka deggan oo dhan,
Waa isaga kan qalbiyadooda oo dhan sameeya, Oo shuqulladooda oo dhan u wada fiirsada.
Ma jiro boqor ku badbaada ciidan weyn, Ninkii xoog badanuna iskuma samatabbixiyo xoog badan.
Faras waa waxmatare in badbaado laysugu halleeyo, Oo weliba ninnaba kuma samatabbixiyo xooggiisa badan.
Bal eega, Rabbiga ishiisu waxay la jirtaa kuwa isaga ka cabsada, Waana kuwa naxariistiisa rajeeya,
Inuu naftooda dhimashada ka samatabbixiyo, Iyo inuu wakhtiga abaartaa sii nooleeyo iyaga.
Nafteennu waxay sugtay Rabbiga, Waayo, isagu wuxuu inoo yahay caawimaad iyo gaashaan.
Haddaba qalbigeennu isaguu ku rayrayn doonaa, Maxaa yeelay, innagu waxaynu isku halleeynay magiciisa quduuska ah.
Rabbiyow, naxariistaadu ha noogu soo degto, Sidii aannu kaa rajaynay.
SABUUR 40
Anigu Rabbiga samir baan ku sugay, Oo isna wuu i soo jalleecay, qayladaydiina wuu maqlay,
Oo weliba wuxuu iga soo bixiyey yamays baabba' ah, iyo dhoobada dhiriqda ah, Oo wuxuu cagaha ii saaray dhagax weyn, oo socodkaygiina wuu xoogeeyey.
Oo afkaygiina wuxuu geliyey gabay cusub, kaas oo ah ammaanta Ilaaheenna. Kuwo badan baa arki doona, wayna cabsan doonaan, Rabbigayna isku hallayn doonaan.
Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga isku halleeya, Oo aan u jeedin kuwa kibirsan ama kuwa beenta ku leexda.
Rabbiyow, Ilaahayow, shuqullada yaabka badan oo aad samaysay way badan yihiin, Oo fikirradaada aad naga qabtidna way badan yihiin, Oo iyaga lama xisaabi karo, Haddii aan sheego oo ka hadlo, Iyagu way ka sii badan yihiin wax la tirin karo.
Allabari iyo qurbaan kuma aad faraxsanid, Oo anna dhegahaygii waad ii furtay, Qurbaan la gubo iyo qurbaanka dembiga midna ima aad weyddiisan.
Oo markaasaan idhi, Bal eeg, anigu waan imid, Oo kitaabka duudduuban wax igu saabsan baa ku qoran.
Ilaahayow, waxaan jeclahay inaan sameeyo doonistaada, Haah, oo sharcigaagu wuxuu ku dhex jiraa qalbigayga.
Xaqnimo baan shirka weyn ku dhex wacdiyey, Oo bal eeg, inaanan bushimahayga ka joojin, Waad og tahay, Rabbiyow.
Xaqnimadaada qalbigayga kuma aan qarin, Aaminnimadaada iyo badbaadintaadana waan sheegay, Oo raxmaddaada iyo runtaadana kama aan qarin shirka weyn.
Rabbiyow, naxariistaada ha iga ceshan, Raxmaddaada iyo runtaaduna had iyo goorba ha i dhawreen.
Waayo, xumaatooyin aan la tirin karin ayaa i hareereeyey, Oo dembiyadaydii ayaa i qabsaday, sidaas daraaddeed kor ma fiirin karo, Iyagu way ka badan yihiin timaha madaxayga, oo qalbigaygiina waa i gabay.
Rabbiyow, waan ku baryayaaye, i samatabbixi, Rabbiyow, u soo dhaqso inaad i caawiso.
Kuwa doonaya inay naftayda halligaan ha ceeboobeen, Oo dhammaantood ha wareereen, Oo kuwa waxyeelladayda ku farxana Dib ha loo celiyo, oo sharafdarro ha ku soo degto.
Kuwa aniga, Ahaa, Ahaa, igu yidhaahda, Ceebtooda daraaddeed ha la fajeceen.
Kuwa adiga ku doondoona oo dhammu ha reyreeyeen oo ha kugu farxeen, Oo kuwa badbaadintaada jecelu had iyo goorba ha yidhaahdeen, Rabbiga ha la weyneeyo!
Laakiinse anigu waxaan ahay miskiin iyo mid baahan, Sayidkuse waa i xusuustaa. Ilaahayow, waxaad tahay caawimaaddayda iyo samatabbixiyahayga, Haddaba ha iga raagin.
SABUUR 42
Sida deeradu biyaha durdurka ugu harraaddo, Ayay naftaydu kuugu harraaddaa, Ilaahayow.
Naftaydu waxay u oomman tahay Ilaah, kaasoo ah Ilaaha nool. Goormaan u tegi doonaa oo aan Ilaah hortiisa ka muuqan doonaa?
Habeen iyo maalinba waxaa cunto ii noqday ilmadaydii, Intay had iyo goorba i leeyihiin, Ilaahaagu meeh?
Haddaba waan qarracmaa markaan soo xusuusto waxyaalahan, Sidaan guutada u raaci jiray, oo aan iyaga ugu hor kici jiray guriga Ilaah, Annagoo ku heesayna cod farxad ah iyo ammaan, oo ah dad fara badan oo iidaya.
Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay? Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay? Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan isaga u ammaanayaa caawimaadda wejigiisa.
Ilaahayow, naftaydu waa igu murugaysan tahay, Oo sidaas daraaddeed waxaan ka xusuusnahay dalkii Urdun, Iyo fiiqfiiqyada Buur Xermoon iyo Buur Miscaar.
Moolba mool buu u yeedhaa markay biya dhacu qaylinayaan, Hirarkaagii iyo mawjadahaagii oo dhammu dushayday mareen.
Laakiinse Rabbigu maalinnimada wuxuu soo diri doonaa raxmaddiisa, Oo habeennimadana waxaa ila jiri doona gabaygiisa, Iyo baryootanka aan Ilaaha noloshayda baryo.
Waxaan Ilaaha dhagaxayga weyn ah ku odhan doonaa, Bal maxaad ii illowday? Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?
Sida iyadoo seefu lafahayga burburinayso, ayaa cadaawayaashaydu i caayaan, Intay had iyo goorba i leeyihiin, Ilaahaagu meeh?
Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay? Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay? Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan ammaanayaa Isagoo ah caawimaadda wejigayga iyo Ilaahay.
SABUUR 44
Ilaahow, dhegahayagaannu ku maqallay, oo waxaa noo sheegay awowayaashayo Shuqulkii aad samaysay wakhtigoodii oo ahaa waa hore.
Quruumihii gacantaadaad ku eriday, oo meeshoodii awowayaashayo baad ku beertay, Dadyowgii waad dhibtay, oo dibaddaad ku kala firdhisay.
Waayo, iyagu dalka kuma hantiyin seeftooda, Oo cududdooduna ma ay badbaadin, Laakiinse midigtaada iyo cududdaada iyo nuurka wejigaaga ayaa badbaadshay iyaga, Maxaa yeelay, raalli baad ka ahayd.
Ilaahow, waxaad tahay boqorkayga, Haddaba reer Yacquub samatabbixin u amar.
Adiga daraaddaa ayaannu cadaawayaashayada hoos ugu riixaynaa, Oo magacaaga daraaddiis ayaan kula tumanaynaa kuwa nagu kaca.
Waayo, qaansadayda isku hallayn maayo, Oo seeftayduna i badbaadin mayso.
Laakiinse adigu cadaawayaashayadaad naga badbaadisay, Oo kuwa na necebna waad ceebaysay.
Maalinta oo dhan waxaannu ku faannaa Ilaah, Oo annana weligayo waxaannu ku mahadnaqaynaa magacaaga. (Selaah)
Laakiinse haatan waad na xoortay, oo sharafdarrona waad nagu soo dejisay, Oo weliba ciidammadayadana ma aad hor kacdid.
Waxaa dib nooga celisaa cadowgayaga hortiisa, Oo kuwa na necebuna way na dhacaan.
Waxaad naga dhigtay sidii ido la qalayo, Oo waxaad nagu kala firdhisay quruumaha dhexdooda.
Dadkaaga qiimola'aan baad ku iibisaa, Oo maalkaagana kuma aad kordhin qiimahoodii.
Deriskayaga waxaad nooga dhigtaa cay, Oo kuwa hareerahayaga ku wareegsanna waxaad nooga dhigtaa quudhsasho iyo qosol.
Quruumaha dhexdooda waxaad nooga dhigtaa halqabsi, Dadyowga dhexdoodana waxaad nooga dhigtaa kuwa madaxa laga lulo.
Maalinta oo dhan sharafdarradaydu way i hor taal, Oo waxaa iga muuqatay ceebtii wejigayga,
Waayo, sababtu waxaa weeye codka kan i caaya oo i af xumeeya, Iyo cadowga iyo kan iga aarguta daraaddood.
Waxyaalahaas oo dhammu way nagu dhaceen, laakiinse weli kuma aannu illoobin, Axdigaagana khiyaano kuma aannu samayn.
Qalbigayagu dib uma noqon, Oo tallaabooyinkayaguna jidkaaga kama baydhin,
Adiguse waxaad si xun noogu jebisay meeshii dawacooyinka, Oo waxaad nagu qarisay hooskii dhimashada.
Haddii aannu illownay magicii Ilaahayaga, Ama aannu gacmahayaga u kala bixinnay ilaah qalaad,
Ilaah miyaanu waxaas baadhayn? Waayo, isagu waa wada og yahay qalbiga waxyaalihiisa qarsoon.
Haah, oo adiga daraaddaa ayaa naloo laayaa maalinta oo dhan, Oo waxaannu noqonnaa sida ido la qalayo.
Toos, maxaad u huruddaa, Sayidow? Sara joogso, oo ha na xoorin weligaa.
Bal maxaad wejiga nooga qarsanaysaa, Oo aad u illoobaysaa dhibaatada iyo dulmiga aan ku dhex jirno?
Waayo, naftayadu ciidday ku foororsatay, Oo calooshayaduna dhulkay ku dhegtaa.
Caawimaaddayada daraaddeed u sara joogso, Oo raxmaddaada daraaddeed noo furo.
SABUUR 45
Qalbigaygu wuxuu la buuxdhaafaa hadal wanaagsan, Oo waxaan boqorka u sheegayaa waxyaalihii aan sameeyey, Carrabkaygu waa sida karraani dhaqsiyo badan qalinkiis.
Adigu waad ka sii quruxsan tahay binu-aadmiga, Oo bushimahaaga waxaa ka buuxda nimco, Sidaas daraaddeed ayaa Ilaah kuu barakeeyey weligaaba.
Seeftaadu bowdadaada ha saarnaato, kaaga xoogga badanow, Oo quruxda iyo haybadda lahow.
Runta iyo camalqabowga iyo xaqnimada daraaddood, Waxaad faraskaaga ku fuushaa haybad adigoo barwaaqaysan, Oo gacantaada midigna waxay ku bari doontaa waxyaalo cabsi badan.
Fallaadhahaagu waa af badan yihiin, Oo waxay wadnaha ka mudaan boqorka cadaawayaashiisa, Dadyowguna hoostaaday ku soo dhacaan.
Carshigaagu, Ilaahow, waa weligiis iyo weligiis, Oo ul caddaaladdeedna waa usha boqortooyadaada.
Adigu xaqnimada waad jeclayd, oo xumaantana waad necbayd, Sidaas daraaddeed Ilaaha Ilaahaaga ahi wuxuu kuugu subkay Saliidda farxadda, oo kuwa ku weheliyana wuu kaa sarraysiiyey.
Dharkaaga oo dhan waxaa ka soo carfa malmal, iyo cuud, iyo qasica. Oo qasriyo fool maroodi ah ayaa kaaga farxiyey alaab muusiko xadhko leh.
Dumarkaaga sharafta leh waxaa ku jira gabdhaha boqorrada, Midigtaadana waxaa taagan boqoradda oo isku sharraxday dahabkii Oofir.
Haddaba, gabadhoy, bal i maqal, oo fiirso, oo dhegta soo dhig, Oo weliba waxaad illowdaa dadkaagii iyo gurigii aabbahaa;
Markaasuu boqorku quruxdaada jeclaanayaa, Waayo, isagu waa sayidkaaga, oo adna isaga u sujuud.
Oo waxaa halkaas joogi doonta gabadha reer Turos, iyadoo hadiyad wadda, Xataa taajiriinta dadka ku jirtaa waxay kaa baryi doonaan raallinimo.
Gabadha boqorka oo hoyga boqorka joogtaa waa qurux miidhan, Dharkeeda dahab baa lagu dhex sameeyey.
Waxaa boqorka loo geeyn doonaa iyadoo sharraxan, Bikradaha saaxiibadaheeda ah oo iyada daba socdana waa laguu keeni doonaa.
Waxaa iyaga lagu hoggaamin doonaa farxad iyo rayrayn, Oo waxay soo geli doonaan hoyga boqorka.
Meeshii awowayaashaa waxaa joogi doona wiilashaada, Kuwaas oo aad dunida oo dhan amiirro uga dhigi doonto.
Magacaaga waxaan ka dhigi doonaa mid ka ab ka ab la xusuusto, Sidaas daraaddeed dadyowgu mahad bay kuu naqi doonaan weligood iyo weligood.
SABUUR 46
Ilaah waa magangalkeenna iyo xooggeenna, Oo waa caawimaad inoo diyaar ah wakhtiga dhibaatada.
Sidaas daraaddeed cabsan mayno in kastoo dhulku beddelmo, Iyo in kastoo buurahu badda uurkeeda ku dhex dhaqaaqaan,
Iyo in kastoo biyaheedu guuxaan oo qasmaan, Iyo in kastoo ay buurahu kibirkooda la ruxruxmaan. (Selaah)
Waxaa jira webi durdurradiisu ay ka farxiyaan magaalada Ilaah, Taasoo ah meesha quduuska ah ee Ilaaha ugu sarreeya taambuugyadiisa.
Ilaah baa iyada ku dhex jira, mana ay dhaqaaqi doonto, Oo Ilaah baa iyada ku caawin doona marka waagu beryo.
Quruumihii way cabaadeen, oo boqortooyooyinkiina way dhaqdhaqaaqeen, Codkiisii buu ku hadlay, oo dhulkii baa dhalaalay.
Rabbiga ciidammadu waa inala jiraa, Oo Ilaaha Yacquub baa magangalkeenna ah. (Selaah)
Bal kaalaya arka shuqullada Rabbiga, Iyo halaagga uu ku sameeyey dhulka.
Dagaallada wuu ku joojiyaa tan iyo dunida meesha ugu dambaysa, Qaansada wuu jebiyaa, oo warankana wuu jaraa, Oo gaadhifardoodkana dab buu ku gubaa.
Iska daaya oo ogaada inaan anigu Ilaah ahay, Waa laygu sarraysiin doonaa quruumaha dhexdooda, dhulkana waa laygu sarraysiin doonaa.
Rabbiga ciidammadu waa inala jiraa, Oo Ilaaha Yacquub baa magangalkeenna ah. (Selaah)
Qaybaha (Tropar)
Ruuxaaga Quduuska ah, Sayidow, kaas oo aad u dirtay xertiinna quduuska ah iyo rasuullada sharafta leh saacaddii saddexaad, Ruuxaas ha nagu qaadin, Kan Wanaagsanow, ee ku noolee gudahaheenna. “Qalbi daahir ah iigu abuuri, Ilaahow; Ruux qummanna igu cusboonaysii gudahaheenna. Ha iga tuurin hortaa; Ruuxaaga Quduuska ahna ha iga qaadin.” (ذوكصابتري كيه إيو كي آجيو ابنيفماتي Δόξα Πατρί καὶ Υἱῷ καὶ Ἁγίῳ Πνεύματι - Ammaan Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuska ah.)
Sayidow, adigii Ruuxaaga Quduuska ah u dirtay xertiinna quduuska ah iyo rasuullada sharafta leh saacaddii saddexaad, Ruuxaas ha nagu qaadin, Kan Wanaagsanow; laakiin waxaan kaa baryaynaa inaad noogu cusboonaysiiso gudahaheenna, Rabbigeenna Ciise Masiix, Wiilka Ilaah, Kalimadda, Ruux qumman oo wax-noolaynta, Ruuxa nebiyadda iyo cibaadada, Ruuxa quduusnimada iyo caddaaladda iyo awoodda, Kan wax walba kara; waayo adigu waa iftiinka nafafkeenna; adigoo iftiimiya qof kasta oo yimaada dunida, naxariiso nagu yeel. (كي نين، كي آ إي، كي ايستوس إي أوناس تون إي أونون آمين Καὶ νῦν καὶ ἀεὶ καὶ εἰς τοὺς αἰῶνας τῶν αἰώνων. Ἀμήν - Hadda iyo weligeed iyo ilaa weliga weligiis, Aamiin.)
Hooyada Ilaah, adigu waxaad tahay geedka canabka runta ah ee sida uu xanbaarsan yahay rucubta Nolosha; waxaan ku baryaynaa, ku barakaysan caafimaad, adiga iyo rasuulladu, badbaadada nafafkeenna aawadeed. Barakaysan yahay Rabbiga Ilaaheenna. Barakaysan yahay Rabbigu maalin walba; wuu u diyaariyaa jidkeenna, waayo waa Ilaaha badbaadadeenna (كي نين، كي آ إي، كي ايستوس إي أوناس تون إي أونون آمين Καὶ νῦν καὶ ἀεὶ καὶ εἰς τοὺς αἰῶνας τῶν αἰώνων. Ἀμήν - Hadda iyo weligeed iyo ilaa weliga weligiis, Aamiin).
Boqorka Samada, Muuiyiha, Ruuxa Runta, jooga meel kasta oo wax ka buuxiya, Khaznadda wanaagga, iyo Bixiyaha nolosha, kaalay oo naga yeel degitaan annaga dhexdeena, oo na daahiri wasakh kasta, Kan Wanaagsanow, oo nafafkeenna badbaadi. (ذوكصابتري كيه إيو كي آجيو ابنيفماتي Δόξα Πατρί καὶ Υἱῷ καὶ Ἁγίῳ Πνεύματι - Ammaan Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuska ah.)
Sidaad ula jirtay xertiinna, Kan Badbaadiyaha ahow, oo aad siisay nabad, kaalay oo nala joog oo na sii nabaddaada, oo na badbaadi oo nafafkeenna ka samatabbixi. (كي نين، كي آ إي، كي ايستوس إي أوناس تون إي أونون آمين Καὶ νῦν καὶ ἀεὶ καὶ εἰς τοὺς αἰῶνας τῶν αἰώνων. Ἀμήν - Hadda iyo weligeed iyo ilaa weliga weligiis, Aamiin.)
Markaan taagno macbudkaaga quduuska ah, waxa nalagu tirinayaa sidii in aan jannada taaganahay. Hooyada Ilaah, adigu waxaad tahay Albaabka Samada, noofur albaabka naxariista.
Tenoo oasht emmok o piekhristos nem pekyot en aghathos nem pi epnevma ethowab je akee ak soati emmon nai nan
Adiga baan caabudnaa, Masiixow, adiga iyo Aabbahaaga Wanaagsan iyo Ruuxa Quduuska ah; waayo, waad timid oo waad na badbaadisay.
1. Ruuxaaga Quduuska ah, Rabbiyow, aad ku soo dirtay xertiina quduuska ah iyo rasuulladiinna sharaf leh saacaddii saddexaad, ha naga qaadin, Kan Wanaagsanow, ee naga dhex cusboonaysii. Abuur qaalbi nadiif ah iigu, Ilaahow, oo igu cusboonaysii ruux ad-adag. Ha iga tuurin hortayda, hana iga qaadin Ruuxaaga Quduuska ah.
Ammaan Aabbaha, iyo Wiilka, iyo Ruuxa Quduuska ah
Ammaan Aabbaha, iyo Wiilka, iyo Ruuxa Quduuska ah.
2. Rabbiyow, Ruuxaaga Quduuska ah aad ugu soo dejisay xertiina quduuska ah iyo rasuulladiinna sharaf leh saacaddii saddexaad, ha naga qaadin, Kan Wanaagsanow, ee waxaan kaa baryaynaa inaad nagu dhex cusboonaysiiso, Rabbigeenna Ciise Masiixow, Wiilka Ilaah, Erayga; ruux ad-adag oo nolosha-bixiya, ruux saadaal iyo xishood, ruux quduusnimo, caddaalad iyo amar leh, Xoogweynow, waayo adigaa iftiinka nafaasheena. Kan ku ifiya qof kasta oo dunida imanaya, ii naxariiso.
Hadda iyo weligeed weligeed, Aamiin.
3. Hooyada Ilaahow, adigaa canabka runta ah ee sidday Rucubka Nolosha; adiga oo nimco buuxda, rasuullada la jirta, waxaan kaa baryaynaa badbaadada nafaasheena. Barakaysan yahay Rabbiga Ilaaheenna. Barakaysan yahay Rabbiga maalin kasta. Isagu wuu u diyaariyaa jidkeenna, waayo waa Ilaaha badbaadadeenna.
Hadda iyo weligeed weligeed, Aamiin.
4. Boqor Samada, Naxariistiye, Ruuxa runta, kan meel kasta jooga oo wax walba buuxiya, khasnadka wanaagga iyo Nolosha-bixiye, na u soo deeq si naxariis leh, noo dhex deggow, oo naga daahiri wasakh kasta, Kan Wanaagsanow, oo na badbaadi nafaasheena.
Ammaan Aabbaha, iyo Wiilka, iyo Ruuxa Quduuska ah
Ammaan Aabbaha, iyo Wiilka, iyo Ruuxa Quduuska ah.
5. Sidaad ula jirtay xertiinna, Badbaadiyow, oo aad siisay nabad, si naxariis leh noola joog oo noo sii nabaddaada, oo na badbaadi, oo nafteenna ka fur.
Hadda iyo weligeed weligeed, Aamiin.
6. Mar kasta oo aan istaagno macbudkaaga quduuska ah, waxaa naloo tixgeliyaa in jannada taagan nahay. Hooyada Ilaahow, adigaa iridda jannada; noo fur iridda naxariista.
Markaas caabuduhu wuu tukadaa:
Sayidow, na maqal oo naxariiso, oo na cafi dembadayada. Aamiin.
(Sayidow, naxariiso) 41 jeer
Absolushanka
Ilaaha raxmadda oo dhan iyo Rabbiga xambaarsan dhammaan gargaar, kaas oo mar walba nagu qalbi-qaboojiya qalbi-qabowga Ruuxaaga Quduuska ah, waxaan kugu mahadnaqaynaa maxaa yeelay waad nagu kicisay in aan tukanno saacaddan quduuska ah, taas oo aad ku shubtay nimcada Ruuxaaga Quduuska ah si hodan ah xertiinna quduuska ah iyo rasuullada sharafta leh ee barakaysan sida carrabyo dab ah. Waxaan kaa codsanaynaa oo kaa baryaynaa, Sayidow Jecel dadka, aqbal salaadahayaga xaggaaga, oo noo cafi dembiyadeenna, oo nagu shub nimcada Ruuxaaga Quduuska ah, oo naga daahiri wasakh kasta oo jidh iyo ruux ah, oo noo beddel nolol ruuxi ah, si aynu u soconno Ruuxa, oo aanan u dhamaystirin damaca jidhka. Oo na yeel kuwa istaahila in ay kuu adeegaan daahirnimo iyo xaqnimo dhammaan maalmaha nolosheena. Waayo adiga ayaan kugu habboon tahay ammaanta iyo sharafta iyo weynaanta, adiga iyo Aabbahaaga Wanaagsan iyo Ruuxa Quduuska ah, hadda iyo weligeed iyo weliga weligiis, Aamiin.
Baryada la akhriyo dhammaadka saacaddii kasta
Naxariiso nagu yeel, Ilaahow, dabadeed naxariiso. Kaas oo wakhti kasta iyo saacad kasta, samada iyo dhulka, lagu sujuudo oo lagu ammaanay. Masiixa Ilaaheenna wanaagsan, kan dulqaadka dheer, kan naxariista badan, kan raxmadda badan, kan jecel kuwa xaqa ah, kana naxariista dembiilayaasha, anigu anigaaba ka horreeya. Kaas oo aanu doonaynin dhimashada dembiilaha, laakiin inuu noqdo mid toobad keena oo noolaada. Kaas oo ku yeedha dhammaan badbaadada, ballanta khayraadka la sugayo aawadeed.
Sayidow, aqbal saacaddan iyo saacad kasta codsiyadeenna. Nolosheena sahal, na hanuuni in aynu ku camal faleen amarradaada. Na quduus; jirkayagana daahiri. Fikradahayagana toosi. Niyadoodana nadiifi. Cudurradeennana bogsi, oo dembiyadeennana cafi. Oo naga badbaadi murugo kasta oo xun iyo xanuun qalbi. Noo wareeji malaa’igtaada quduuska ah, si aynu ku sugnaanno xeryahooda annagoo la ilaalinayo oo la hanuuninayo, oo aynu gaarno midnimada iimaanka iyo aqoonta ammaantaada aan la dareemi karin oo aan la xadidi karin; waayo adigu waad barakaysan tahay ilaa weligeed. Aamiin.
Ilaahow, na yeel kuwa istaahila in aynu nidhaahno annagoo mahadnaqayna: Aabbahayow ee samada ku jira...