Ducada Saacadeed

Saacadda Hadda

Saacaddii Lixaad - Sext

Waxaan xusuusannaa iskutallaabeynta, annagoo baryayna Masiix inuu maskaxdeenna ka xoreeyo dembiga oo naga dhigo iftiin dunida.

Hordhaca Saacaddii Kasta

Magaca Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuska ah

Ilaaha Keliya, Aamiin.

Sayidow naxariiso. Sayidow naxariiso. Sayidow barakee. Aamiin.

Ammaan Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuska ah, hadda iyo waqti kasta iyo ilaa weliga weligiis, Aamiin.

AABBAHAYAGA

¶ Haddaba sidatan u tukada, Aabbahayaga jannada ku jirow, magacaagu quduus ha ahaado.

Boqortooyadaadu ha timaado, doonistaada dhulka ha lagu yeelo sida jannada loogu yeelo.

Kibis maalin nagu filan, maanta na sii.

Oo naga cafi qaamahayaga sidaannu u cafinnay kuwa noo qaamaysan.

Oo jirrabaadda ha noo kaxayn, laakiin sharka naga du. Waayo, boqortooyada iyo xoogga iyo ammaanta adigaa leh weligaa. Aamiin.

Salaadda Shukriga

Aan ku mahadnaqno Ilaaha naxariista badan, Sameeyaha wanaagga, Aabbaha Rabbigeenna iyo Ilaaheenna iyo Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, waayo Isagu wuu nagu asturay oo wuu nagu kaalmeeyey, wuu na dhowray, wuuna ina aqbalay, wuuna na u naxariistay, wuu na xoojiyey, wuuna ina keenay saacaddan. Isagana waxaan ka baryeynaa in uu nagu hayo maalintan quduuska ah iyo dhammaan maalmaha nolosheena nabad buuxda. Sayidka Ilaaheenna Qaadirka wax walba.

Sayidow Ilaahow, Qaadirka wax walba, Aabbaha Rabbigeenna iyo Ilaaheenna iyo Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, annagu waxaan kugu mahadnaqaynaa xaalad kasta, iyo sabab kasta, iyo xilli kasta; waayo adigu waad nagu asturtay, waad nagu kaalmaysay, waad na haysay, waad na aqbashay, waad na u naxariistay, waad na xoojisay, waadna ina keentay saacaddan.

Sidaa darteed waxaan ka weydiisanaynaa, oo ka baryaynaa wanaaggaaga, Sayidow Jecel dadka, in aad nagu deeqdo in aan ku dhamayno maalintan quduuska ah iyo dhammaan maalmaha nolosheena nabad iyo cabsidaada la jirta. Xaasidnimo kasta, iyo jirrab kastaa, iyo fal kasta oo shaydaan, iyo khiyaamada dadka sharka leh, iyo kacdoonka cadowga qarsoon iyo kan muuqda, naga fogee annaga iyo dadkaaga oo dhan, iyo meeshan quduuska ah. Waxa wanaagga iyo waxyaalaha waxtarka lehna na siisii. Waayo adigu waxaad na siisay amar aan ku tumanno abeesooyinka iyo qoolleyda iyo xoog kasta oo cadowga ah. Oo ha noo gelin jirrab, laakiin naga badbaadi kan sharka leh.

Naxariista iyo raxmadda iyo jeclaanta dadka ee Wiilkaaga Keliya, Rabbigeenna iyo Ilaaheenna iyo Badbaadiyeheenna Ciise Masiix; isaga oo ay iyaga kugu habboon yihiin ammaanta iyo sharafta iyo weynaanta iyo sujuuddu, adiga iyo Ruuxa Quduuska ah ee wax-noolaynta, ee kugu sinnayn, hadda iyo weligeed iyo ilaa weliga weligiis, Aamiin.

SABUUR 50

Ilaah, oo ah Ilaaha Rabbiga ah ayaa hadlay, Oo qorrax-soo-baxa ilaa qorraxdhaca dhulkuu u yeedhay.

Siyoon oo ah meesha quruxda kaamilka ah Ayaa Ilaah ka soo iftiimay.

Ilaaheen wuu iman doonaa, iskamana aamusi doono, Hortiisa ayaa dab wax baabbi'in doonaa, Hareerihiisana waxaa jiri doona duufaan weyn.

Isagu wuxuu u yeedhi doonaa samooyinka sare, Iyo dhulkaba, inuu dadkiisa xukumo aawadeed.

Oo wuxuu odhan doonaa, Quduusiintayda ii soo wada ururiya, Kuwii axdi igula dhigtay allabari.

Oo samooyinka ayaa xaqnimadiisa sheegi doona, Waayo, Ilaah qudhiisu waa xaakin. (Selaah)

Dadkaygiiyow, i maqla, oo anna waan hadli doonaa, Israa'iilow, i maqal oo anna waan kuu markhaati furi doonaa, Anigu waxaan ahay Ilaah, oo ah Ilaahaaga.

Anigu kugu canaanan maayo allabaryadaada, Oo qurbaannadaada gubanu had iyo goorba hortayday yaalliin.

Reerkaaga dibi ka qaadan maayo, Xerooyinkaagana orgi kala bixi maayo.

Waayo, xayawaanka duudda jooga oo dhan anigaa iska leh, Iyo xataa xoolaha kunka buurood jooga oo dhan.

Waan wada aqaan haadda buuraha joogta oo dhan, Oo dugaagga duurka jooga oo dhanna anigaa iska leh.

Haddaan gaajaysnahay, kuuma aan sheegeen, Waayo, dunida iyo waxa ka buuxaba anigaa iska leh.

Miyaan cuni doonaa hilibka dibida, Miyaanse cabbi doonaa dhiigga riyaha?

Ilaah u bixi allabariga mahadnaqiddaa, Oo Ilaaha ugu sarreeyana nidarradaadii u oofi,

Oo i bari maalinta dhibi jirto, Oo anna waan ku samatabbixin doonaa, kolkaasaad i ammaani doontaa.

Laakiinse Ilaah wuxuu kan sharka leh ku yidhaahdaa, Maxaad qaynuunnadayda u sheegaysaa, Oo aad axdigayga afkaaga ugu soo qaadaysaa?

Adigoo tacliinta neceb, Oo weliba erayadaydana dabadaada ku tuura.

Markaad tuug aragtay waad oggolaatay, Oo waxaad la qayb qaadatay dhillayo.

Afkaaga waxaad u daysaa inuu shar ku hadlo, Oo carrabkaaguna wuxuu hindisaa khiyaano.

Waad fadhiisataa oo wax ka sheegtaa walaalkaa, Oo weliba waxaad xamataa inahooyadaa.

Waxyaalahaas baad samaysay, oo anna waan iska aamusay, Waxaad moodday inaan ahay mid kula mid ah, Laakiinse waan ku canaanan doonaa, oo iyaga ayaan indhahaaga hortooda ku hagaajin doonaa.

Kuwiinna Ilaah illoobayow, bal waxan ka fiirsada, Waaba intaasoo aan cadcad idiin jeexjeexaaye, oo aad wax idin samatabbixiya weydaane,

Ku alla kii allabariga mahadnaqidda bixiyaa waa i ammaanaa, Oo kii socodkiisa si qumman u hagaajiyana Waxaan tusi doonaa badbaadinta Ilaah.

Bilowga Salaadda

Tasabixadda Saacadda Lixaad ee maalintan barakaysan, waxaan u keenayaa Masiixa Boqorkaygii iyo Ilaahkaygii, waxaanan ka baryayaa in uu ii cafiyo dembiyadayda.

SABUUR 53

Nacaskaa qalbigiisa iska yidhi, Ilaah ma jiro. Iyagu waa qudhun, oo waxay faleen xumaan karaahiyo ah, Oo mid wanaag falaa ma jiro.

Ilaah wuxuu samada hoos uga soo fiiriyey binu-aadmiga, Bal inuu arko hadday kuwo wax garanaya oo Ilaah doondoonaa jiraan.

Midkood kastaaba dib buu u noqday, oo dhammaantood waxay wada noqdeen dad nijaas ah, Oo mid wanaag falaa ma jiro, midnaba.

Miyaanay aqoon lahayn xumaanfalayaasha dadkaygii u cuna siday kibista u cunaan, Oo aanay Ilaah baryin?

Iyagu halkaasay aad ugu cabsadeen meel aan cabsiyu jirin, Waayo, kii ku ag degay inuu kugu soo duulo Ilaah baa lafihiisii kala firdhiyey, Oo iyagaad ceebaysay, maxaa yeelay, Ilaah baa iyaga diiday.

Badbaadada reer binu Israa'iil bal may Siyoon ka timaado! Marka Ilaah dadkiisa maxaabiisnimada ka soo celiyo, Ayaa reer Yacquub rayrayn doonaa oo reer binu Israa'iilna farxi doonaa.

SABUUR 56

Ilaahow, ii naxariiso, waayo dad baa waxay doonayaan inay i liqaan; Maalinta oo dhan isagoo diriraya ayuu i dulmaa.

Cadaawayaashaydu maalinta oo dhan waxay doonayaan inay i liqaan, Waayo, kuwa kibirka igula diriraa waa tiro badan yihiin.

Markaan cabsado, Waan isku kaa hallaynayaa.

Ilaah caawimaaddiisa ayaan eraygiisa ku ammaani doonaa, Waayo, Ilaah baan isku halleeyey, oo innaba baqi maayo, Haddaba bal binu-aadmigu muxuu igu samayn karaa?

Maalinta oo dhan erayadayda way qalloociyaan, Fikirradooda oo dhammu waa igu col si ay shar iigu sameeyaan.

Way isa soo wada urursadaan, oo way dhuuntaan, Oo waxay fiirsadaan tallaabooyinkayga, Markay gaadayaan naftayda.

Iyagu ma xumaan bay ku baxsan doonaan? Ilaahow, dadyowga adoo cadhaysan hoos u tuur.

Waad og tahay warwareeggayga, Bal ilmadayda qaruuraddaada ku shub, Waayo, miyaanay buuggaaga ku qorrayn?

Markaasaa cadaawayaashaydu dib u noqon doonaan maalinta aan kuu yeedho, Waayo, waxaan ogahay in Ilaah ila jiro.

Ilaah caawimaaddiisa ayaan eraygiisa ku ammaani doonaa, Oo Rabbigana caawimaaddiisa ayaan eraygiisa ku ammaani doonaa.

Ilaah baan isku halleeyey, oo innaba baqi maayo, Haddaba bal dad muxuu igu samayn karaa?

Ilaahow, nidarradaada waan qabaa, Oo waxaan kuu bixinayaa qurbaanno mahadnaqid ah.

Waayo, naftaydaad ka samatabbixisay dhimasho, Sow cagahayga dhicitin kama aad samatabbixin? Inaan Ilaah hortiisa ku socdo Iftiinka kuwa nool.

SABUUR 60

Ilaahow, adigu waad na xoortay, oo waad na dudumisay, Oo waad nagu cadhootay, haddaba bal mar na soo celi.

Dhulkii waad gariirisay, oo waad kala dildillaacisay, Haddaba dildillaaciisa bogsii, waayo, wuu ruxmadaa.

Dadkaagii waxaad tustay waxyaalo adag, Oo waxaad na cabsiisay khamri lala dhacdhaco.

Calan baad siisay kuwa kaa cabsada, In runta loo soo bandhigo aawadeed. (Selaah)

Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan, Gacantaada midig ku badbaadi oo ii jawaab.

Ilaah wuxuu ku hadlay quduusnimadiisa oo yidhi, Anigu waan farxi doonaa, Shekem waan kala qaybin doonaa, oo waxaan qiyaasi doonaa dooxada Sukod.

Gilecaad anigaa iska leh, Manasehna anigaa iska leh, Oo weliba Efrayimna waa daafacaaddii madaxayga, Yahuudahna waa ushayda boqornimo.

Moo'aab waa weelkaygii aan ku maydhan jiray, Edomna kabahaygaan ku dul tuuri doonaa, Falastiinay, qayli aawaday.

Bal yaa i geeyn doona magaalada xoogga leh? Yaase xagga Edom ii kaxayn doona?

Ilaahow, sow nama aadan xoorin? Ilaahow, lama soo baxdid ciidammadayada.

Cadowga naga caawi, Waayo, binu-aadmiga caawimaaddiisu waxtar ma leh.

Ilaah caawimaaddiisa ayaannu wax xoog leh ku samayn doonaa, Waayo, isagaa ah kan cadaawayaashayada ku tuman doona.

SABUUR 62

Naftaydu waxay sugtaa Ilaah oo keliya, Oo badbaadadayduna waxay ka timaadaa xaggiisa.

Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah, Isagu waa munaaraddayda, oo aniga aad lay dhaqaajin maayo.

Balse idinku ilaa goormaad nin ku weeraraysaan, Inaad kulligiin isaga dumisaan, Sida derbi dhacaya, iyo deyr ligliganaya?

Iyagu waxay keliyahoo ku tashadaan si ay isaga sharaftiisa uga dejiyaan, Oo waxay ku farxaan beensheegidda, Afka way ka duceeyaan, laakiinse uurka way ka habaartamaan. (Selaah)

Naftaydoy, Ilaah oo qudha sug, Waayo, isagaan wax ka filanayaa.

Isaga oo qudha ayaa dhagaxayga weyn iyo badbaadadaydaba ah, Isagu waa munaaraddayda, oo aniga layma dhaqaajin doono.

Badbaadadayda iyo ammaantayduba waxay la jiraan Ilaah, Dhagaxii xooggayga iyo magangalkaygaba waa xagga Ilaah.

Dadkow, isaga isku halleeya wakhti kastaba, Oo qalbigiinna waxba ha kula hadhina Ilaah hortiisa, Waayo, Ilaah baa magangal inoo ah. (Selaah)

Hubaal dad gun ahu waa xumbo, Oo dad gob ahuna waa been, Markii la miisaamo way kor mari doonaan, Oo iyagu dhammaantood xumbo way ka fudud yihiin.

Dulmiga ha isku hallaynina, Waxdhiciddana ha ku kibrina. Maal hadduu idinku batona qalbigiinna ha raacinina.

Ilaah mar buu hadlay, Oo laba goor baan maqlay, In Ilaah xoogga iska leeyahay,

Oo weliba, Sayidow, adigu naxariis baad leedahay, Waayo, nin kasta waxaad ugu abaalguddaa sidii camalladiisu ahaayeen.

SABUUR 66

Dadka dhulka oo dhammow, Ilaah farxad ugu qayliya,

Oo ammaanta magiciisa ku gabya, Ammaantiisana qurxiya.

Ilaah waxaad ku tidhaahdaan, Shuqulladaadu cabsi badanaa! Weynaanta xooggaaga aawadiis ayaa cadaawayaashaadu isugu kaa dhiibi doonaan.

Dadka dhulka oo dhammu adigay ku caabudi doonaan, Wayna kuu gabyi doonaan, Magacaagay u gabyi doonaan. (Selaah)

Bal kaalaya, oo arka shuqullada Ilaah, Xagga binu-aadmiga wuxuu ku sameeyey waa cabsi badan yihiin.

Wuxuu baddii ka dhigay dhul engegan, Oo iyagu webiga dhexdiisa waxay ku mareen lug, Oo halkaasaan isaga ku rayraynay.

Isagu weligiisba wuxuu ku taliyaa xooggiisa, Oo indhihiisuna waxay fiiriyaan quruumaha, Haddaba caasiyiintu yaanay kor isu qaadin. (Selaah)

Dadyahow, Ilaaheenna ammaana, Oo codka ammaantiisa ha la maqlo,

Kaasoo nafteenna nolol ku haya, Oo cagaheennana aan u oggolayn in la dhaqdhaqaajiyo.

Waayo, Ilaahow, adigu waad na imtixaantay, Oo waxaad noo tijaabisay sida lacagta loo tijaabiyo.

Waxaad na gelisay shabagga dabinka ah, Oo waxaad simaha naga saartay culaab weyn.

Dad baad madaxa naga saartay, Oo waxaannu dhex galnay dab iyo biyo, Laakiinse ugudambaysta waxaad na keentay meel barwaaqo ah.

Haddaba anigu gurigaaga waxaan la soo geli doonaa allabaryo la gubo, Oo waxaan kuu oofinayaa nidarradaydii

Bushimahaygu ay ku hadleen, Oo afkaygu sheegay markii aan dhibaataysnaa.

Oo waxaan allabaryo la gubo kuugu soo bixinayaa xoolo buurbuuran Iyo wanan iyo fooxood, Oo waxaan kuu soo bixin doonaa dibiyo iyo orgiyo. (Selaah)

Kulli intiinna Ilaah ka cabsataay, kaalaya oo maqla, Oo waxaan sheegayaa wuxuu naftayda u sameeyeye.

Isagaan afkayga ugu qayshaday, Oo waxaan ku ammaanay carrabkayga.

Haddaan dembi qalbigayga ku arkay, Sayidku ima uu maqleen,

Laakiinse sida runta ah Ilaah waa i maqlay, Oo codkii baryadaydana dhegtuu u dhigay.

Mahad waxaa leh Ilaaha Aan baryadayda diidin oo aan naxariistiisana gees iga marin.

SABUUR 69

Ilaahow, i badbaadi, Waayo, biyaa naftii ii keenay.

Waxaan ku dhex liimbadaa dhoobo mool dheer oo aan lahayn meel laysku taago, Waxaan ku dhacay biyo mool dheer, oo daad baa halkaas igu qarqinaya.

Waxaan ku daalay qayladaydii, oo hungurigaygu waa qallalay, Oo intii aan Ilaahay sugayo ayay indhahaygu dem yidhaahdaan.

Kuwa sababla'aanta ii nebcaadaa way ka sii badan yihiin timaha madaxayga, Kuwa doonaya inay i baabbi'iyaan iyagoo cadaawayaashayda gardarro igu ah waa xoog badan yihiin, Markaasaan magdhabay wax aanan qaadan.

Ilaahow, waad og tahay nacasnimadayda, Oo dembiyadayduna kaama qarsoona.

Sayidow, Ilaaha ciidammadow, kuwa ku sugaya yaanan ceeb u soo jiidin, Ilaaha reer binu Israa'iilow, kuwa ku doondoonaya yaanan sharafjab u soo jiidin.

Maxaa yeelay, adiga daraaddaa ayaan cay u qaaday, Oo waxaa wejigaygii ka muuqatay ceeb.

Waxaan walaalahay u noqday shisheeye, Oo ilma hooyadayna waxaan u noqday ajanabi.

Qiiradii aan gurigaaga u qabay ayaa i gubtay, Oo caydii kuwii ku caayay ayaa igu kor dhacday.

Markaan ooyay, oo aan naftayda soon ku edbiyey, Taasu waxay igu noqotay ceeb.

Markaan joonyado dhar ka dhigtayna, Waxaan iyagii u noqday masaal.

Kuwa iridda fadhfadhiyaa way igu sheekaystaan, Oo kuwa sakhraanka ahuna way igu gabyaan.

Laakiinse adigaan ku baryayaa wakhti la aqbali karo, Rabbiyow, Ilaahow, naxariistaada badan Iyo runta badbaadintaada iigu jawaab.

Dhoobada iga samatabbixi, oo yaanan ku liimban, Oo ha layga samatabbixiyo kuwa i neceb, iyo biyaha moolka dheer.

Biyaha daadka ahuna yaanay i qarqin, Oo yaan moolku i liqin, Oo yamayskuna yaanu afkiisa igu qabsan.

Rabbiyow, ii jawaab, waayo, raxmaddaadu waa wanaagsan tahay, Naxariistaada badnaanteeda aawadeed iigu soo jeeso.

Oo wejigaaga ha iga qarin anoo addoonkaaga ah, Waayo, waan dhibaataysnahay, ee haddiiba ii jawaab.

Naftayda u soo dhowow, oo furo, Oo cadaawayaashayda daraaddood ii samatabbixi.

Waad og tahay caydayda iyo ceebtayda iyo sharafdarradayda, Oo cadaawayaashayda oo dhammu hortaaday joogaan.

Cay baa i qalbi jebisay, waanan quusanayaa, Oo waxaan doondoonay mid ii jixinjixa, laakiinse waan waayay, Oo waxaan doondoonay kuwo i qalbi qaboojiya, laakiinse ma aanan helin.

Oo weliba waxay cunto ahaan ii siiyeen xammeeti, Oo markaan harraadsanaana waxay i cabsiiyeen khal.

Miiskoodu hortooda ha ku noqdo dabin, Oo markay nabdoon yihiinna shirqool ha ku noqdo.

Indhahoodu ha madoobaadeen si aanay waxba u arkin, Oo simahooduna had iyo goorba ha gariireen.

Xanaaqaaga iyaga ku deji, Oo cadhadaada kulaylkeeduna ha qabsado.

Gurigoodu cidla ha noqdo, Ninnana yaanu teendhooyinkooda degin,

Waayo, iyagu waxay silciyaan kii aad dishay, Oo waxay ka sheekeeyaan kuwaad dhaawacday murugtooda.

Xumaantooda xumaan ugu sii dar, Oo yaanay xaqnimadaada soo gelin.

Magacooda ha laga tirtiro kitaabka kuwa nool, Oo yaan iyaga lala qorin kuwa xaqa ah.

Laakiinse anigu miskiin baan ahay, waanan murug badnahay, Ilaahow, badbaadintaadu meel sare ha i saarto.

Rabbiga magiciisa ayaan gabay ku ammaani doonaa, Oo waxaan isaga ku weynayn doonaa mahadnaqid.

Oo taasuna Rabbiga way ka farxin doontaa in ka sii wanaagsan intii uu ku farxi lahaa dibi, Ama dibi sange ah oo geeso iyo qoobab leh.

Kuwa camal qabow way arkeen, waana faraxsan yihiin, Kuwiinna Ilaah doondoonow, qalbigiinnu ha noolaado.

Waayo, Rabbigu wuu maqlaa kuwa baahan, Oo maxaabiistiisana ma uu quudhsado.

Samada, iyo dhulka, iyo badaha, Iyo waxa ku dhex dhaqaaqa oo dhammuba isaga ha ammaaneen.

Waayo, Ilaah Siyoon wuu badbaadin doonaa, oo magaalooyinka reer Yahuudahna wuu dhisi doonaa, Oo iyana halkaasay degi doonaan, oo hanti ahaan bay u lahaan doonaan.

Oo weliba waxaa halkaas dhaxli doona farcanka addoommadiisa, Oo kuwa magiciisa jecelna way dhex degganaan doonaan.

SABUUR 83

Ilaahow, shib ha odhan, Oo ha aamusin, afkana ha haysan, Ilaahow.

Waayo, bal eeg, cadaawayaashaadu way buuqaan, Oo kuwii ku nebcaana madaxay kor u qaadeen.

Dadkaagay xeelad ugu tashadaan, Oo waxay dhammaantood u arrinsadaan kuwaad qarisay.

Waxay isku yidhaahdeen, Kaalaya, aan baabbi'innee, yaanay mar dambe quruun ahaanine. Si aan magaca Israa'iil dib loogu soo xusuusan.

Waayo, iyagoo isku waafaqsan ayay ku arrinsadeen, Oo axdi kaa gees ah ayay isla dhigtaan,

Teendhooyinkii reer Edom iyo reer Ismaaciil, Iyo reer Moo'aab iyo reer Hagariim,

Reer Gebal iyo reer Cammoon iyo reer Camaaleq, Reer Falastiin iyo kuwii Turos degganaa,

Oo xataa reer Ashuurna way ku darsameen, Oo waxay kaalmeeyeen ilma Luud. (Selaah)

Iyaga ku samee wixii aad ku samaysay reer Midyaan, Iyo Siiseraa iyo Yaabiin markii ay ag joogeen Webi Qiishoon,

Waxay ku halligmeen Ceyn Door, Oo waxay dhulka u noqdeen digo.

Nimankooda gobta ah oo dhan waxaad ka dhigtaa sida Cooreeb iyo Se'eeb, Oo amiirradooda oo dhanna sida Sebah iyo Salmunnac,

Kuwaas oo isyidhi, War aan iska qaadanno oo hantinno Ilaah degmooyinkiisa.

Ilaahayow, iyaga ka dhig sida boodhka warwareega, Iyo sida xaab dabaysha ka horreeya,

Sida dabka duurka guba, Iyo sida ololka buuraha huriya,

Sidaasoo kale iyaga duufaankaaga ku eri, Hufadaadana ku cabsii.

Rabbiyow, wejigoodu wareer ha ka buuxsamo, Si ay magacaaga u doondoonaan.

Weligood ha ceeboobeen, hana baqeen, Ha wareereen, hana baabbe'een,

Si ay u ogaadaan in adigoo magacaagu Ilaah yahay Aad tahay Ilaaha ugu sarreeya dunida oo dhan.

SABUUR 84

Rabbiga ciidammadow, taambuugyadaadu sidee bay u yihiin wax la jeclaado!

Naftaydu waxay u xiisaysan tahay Rabbiga barxadihiisa, Qalbigayga iyo jiidhkayguba waxay u dhawaaqaan Ilaaha nool.

Haah, shimbirtu waxay nafsaddeeda u heshay guri, Dabafallaadhuna buul ay yaryarkeeda ku dhasho, Kaas oo ah meelaha allabarigaaga, Rabbiga ciidammadow, Boqorkaygiiyow, Ilaahaygiiyow.

Waxaa barakaysan kuwa gurigaaga deggan, Weligoodba way ku sii ammaani doonaan.

Waxaa barakaysan ninkii xooggiisu xaggaaga ka yimaado, Oo ay jidadka sare oo Siyoon qalbigiisa ku jiraan.

Markay dhex maraan Dooxadii Oohinta waxay ka dhigaan meel ilo badan leh, Haah, oo roobka hore ayaa barakooyin ka buuxiya.

Way xoogaystaan, oo weliba way sii xoogaystaan, Oo midkood kastaaba Ilaah buu ka hor muuqdaa Siyoon dhexdeeda.

Rabbiyow, Ilaaha ciidammadow, baryadayda maqal, Ilaaha Yacquubow, bal dhegta ii dhig, (Selaah)

Ilaahow, gaashaankayagiiyow, bal eeg, Oo bal kaaga la subkay wejigiisa fiiri.

Waayo, maalin barxadahaaga la joogo way ka sii wanaagsan tahay kun maalmood oo kale. Intaan teendhooyinka sharka joogi lahaa, Waxaan ka sii jeclaan lahaa inaan guriga Ilaah iridjooge u ahaado.

Waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waxa weeye qorrax iyo gaashaan, Rabbigu wax wanaagsan kalama hadhi doono kuwa si qumman u socda. Wuxuuna siin doonaa naxariis iyo sharaf.

Rabbiga ciidammadow, Waxaa barakaysan ninkii isku kaa halleeya.

SABUUR 85

Rabbiyow, dalkaagii waad u roonaatay, Oo waxaad soo celisay maxaabiistii reer Yacquub.

Xumaantii dadkaagana waad cafiday, Oo dembigoodii oo dhanna waad qarisay. (Selaah)

Cadhadaadii oo dhan waad fogaysay, Oo waad ka soo noqotay kulaylkii xanaaqaaga.

Ilaaha Badbaadadayadow, na soo celi, Oo dhirifkaaga naga jooji.

Miyaad weligaaba noo cadhaysnaanaysaa? Oo xanaaqaaga miyaad sii dheeraynaysaa tan iyo ka ab ka ab?

Miyaanad mar dambe na soo noolaynayn, Si ay dadkaagu kuugu reyreeyaan?

Rabbiyow, naxariistaada na tus, Oo badbaadadaada na sii.

Waan maqli doonaa waxa Ilaaha Rabbiga ahu ku hadlo, Waayo, nabad buu kula hadli doonaa dadkiisa iyo quduusiintiisa, Laakiin yaanay nacasnimo ku noqon.

Hubaal badbaadadiisu way u dhow dahay kuwa isaga ka cabsada, Si ay ammaanu dalkayaga u degganaato.

Naxariis iyo runu way isla kulmeen, Xaqnimo iyo nabaduna way isdhunkadeen.

Runtu waxay ka soo baxdaa dhulka, Xaqnimaduna waxay hoos ka soo fiirisaa samada.

Haah, Rabbigu wuxuu ina siin doonaa waxa wanaagsan, Oo dalkeennuna wuxuu soo bixin doonaa midhihiisa.

Hortiisa waxaa socon doonta xaqnimo, Oo waxay tallaabooyinkiisa ka dhigi doontaa jid la maro.

SABUUR 86

Rabbiyow, dhegtaada ii soo dhig, oo ii jawaab, Waayo, waxaan ahay miskiin iyo mid baahane.

Naftayda dhawr, waayo, waxaan ahay mid cibaado leh, Ilaahayow, i badbaadi anigoo ah addoonkaaga isku kaa halleeya.

Sayidow, ii naxariiso, Waayo, maalinta oo dhan adaan kuu qayshadaa.

Sayidow, addoonkaaga naftiisa ka farxi, Waayo, naftayda adigaan kor kuugu soo qaadaa.

Waayo, Sayidow, waad wanaagsan tahay, oo waxaad diyaar u tahay inaad dembidhaafto, Waanad u naxariis badan tahay kuwa ku barya oo dhan.

Rabbiyow, baryadayda dhegta u dhig, Oo codka baryootankayga maqal.

Maalinta aan dhibaataysnahay adaan ku baryi doonaa, Waayo, waad ii jawaabi doontaa.

Sayidow, adigoo kale ilaahyada kuma jiro, Oo shuqulladaadana wax la mid ahu ma jiraan.

Sayidow, quruumihii aad samaysay oo dhammu way iman doonaan oo hortaaday ku sujuudi doonaan, Waxay ammaani doonaan magacaaga.

Waayo, adigu waad weyn tahay, oo waxyaalo yaab badanna waad samaysaa, Oo adiga keliya ayaa Ilaah ah.

Rabbiyow, jidkaaga i bar, oo anna runtaadaan ku socon doonaa, Qalbigayga mid ka dhig si aan magacaaga uga cabsado.

Sayidow Ilaahayow, qalbigayga oo dhan waan kugu ammaanayaa, Oo weligayba waxaan ammaani doonaa magacaaga.

Waayo, naxariistaadu xaggayga way ku weyn tahay, Naftaydana waxaad ka soo samatabbixisay She'oolka ugu hooseeya.

Ilaahow, kuwa kibirka lahu way igu keceen, Ururka dadka dulmiga badanna waxay doonayeen inay nafta iga qaadaan, Oo adigana kuuma ay soo jeesan.

Laakiinse adigu Sayidow, waxaad tahay Ilaah ay raxmad iyo nimco ka buuxaan, Oo cadhada u gaabiya, oo naxariis iyo runba badan.

Ii soo jeeso, oo ii naxariiso, Oo anoo addoonkaaga ah xoog i sii, Oo i badbaadi anoo wiilka addoontaada ah.

Calaamad wanaaggaaga lagu garto i tus, Si ay kuwa i necebu u arkaan, oo ay u ceeboobaan, Maxaa yeelay, Rabbiyow, waad i caawisay, oo waad i qalbi qaboojisay.

SABUUR 90

Rabbiyow, tan iyo ka ab ka ab Adigu waxaad noo ahayd meesha aannu degganaanno.

Intaan buuruhu dhalan ka hor, Iyo intaanad samayn dhulka iyo dunida, Iyo xataa weligeed iyo weligeedba adigu waxaad tahay Ilaah.

Dadka waxaad ku soo celisaa baabba', Oo waxaad ku tidhaahdaa, Noqda, binu-aadmigow.

Waayo, kun sannadood waxay hortaada ku yihiin Sida shalay oo kale markay dhammaadaan. Oo waxay la mid yihiin sida wakhti la soo jeedo oo habeennimo.

Waxaad iyaga u qaaddaa sida daadku wax u qaado, oo iyagu waxa weeye sida hurdo oo kale, Oo subaxdana waxay u baxaan sida doog oo kale.

Subaxda way cagaaraan, wayna soo baxaan, Oo fiidkana waa la jaraa, wayna engegaan.

Waayo, annagu cadhadaadii baannu ku baabba'nay, Oo waxaan ku dhibtoonnay xanaaqaagii.

Xumaatooyinkayagii waxaad dhigtay hortaada, Oo dembiyadayadii qarsoonaana waxaad dhigtay iftiinka wejigaaga.

Waayo, maalmahayagii oo dhammu waxay nagu dhaafeen cadhadaada, Oo cimrigayagiina wuxuu u dhammaaday sidii sheeko la sheegay.

Waayo, wakhtiga cimrigayagu waxa weeye toddobaatan sannadood, Oo xataa hadduu xoog aawadiis ku sii dheeraado waa siddeetan sannadood, Laakiinse faankiisu waa hawl iyo caloolxumo miidhan, Waayo, haddiiba wuu iska dhammaadaa, oo annana waannu duulnaa.

Bal yaa yaqaan cadhadaada xooggeeda, Iyo xanaaqaaga kaas oo waafaqsan cabsida kugu habboon in lagaa cabsado?

Haddaba na bar inaannu tirinno maalmaha cimrigayaga, Si aannu u helno qalbi xigmad leh.

Rabbiyow, soo noqo, ilaa goormaad soo noqonaysaa? Oo raalli ka ahow addoommadaada.

Aroorta naxariistaada naga dhergi, Si aannu u rayrayno oo aannu u faraxsanaano maalmaha cimrigayaga oo dhan.

Nooga farxi intii ay ahaayeen maalmihii aad na dhibtay, Iyo sannadihii aan sharka aragnay in le'eg.

Shuqulkaagu ha u muuqdo addoommadaada, Ammaantaaduna carruurtooda.

Oo Rabbiga Ilaahayaga ah nicmadiisu ha na dul joogto, Oo korkayaga ku adkee shuqulka gacmahayaga, Haah, shuqulka gacmahayaga adkee.

SABUUR 92

Waa wanaagsan tahay in Rabbiga lagu mahadnaqo, Iyo in magacaaga ammaan loogu gabyo, Ilaaha ugu sarreeyow,

Iyo in raxmaddaada aroorta la muujiyo, Habeen kastana aaminnimadaada,

Iyo in loogu heeso alaabta muusikada oo tobanka xadhig leh, iyo shareeradda, Iyo dhawaaqa kataaradda.

Waayo, Rabbiyow, waxaad igaga farxisay shuqulkaagii, Oo shuqullada gacmahaagana waan ku guulaysan doonaa.

Rabbiyow, shuqulladaadu waaweynaa! Oo fikirradaaduna aad bay u mool dheer yihiin.

Doqonku taas ma yaqaan, Kii nacas ahuna ma garan karo.

Kuwa sharka lahu markii ay sida doog u soo baxaan, Iyo markii xumaanfalayaasha oo dhammu ay barwaaqoobaan, Waa in weligoodba la baabbi'iyo,

Laakiinse Rabbiyow, adigu waad sarraysaa weligaa iyo weligaaba.

Waayo, Rabbiyow, bal eeg cadaawayaashaada, Bal eeg, cadaawayaashaadu way wada baabbi'i doonaane, Oo xumaanfalayaasha oo dhammuna way kala firidhsanaan doonaan.

Laakiinse geeskayga waxaad u sarraysiisay sida geeska gisiga Oo waxaa laygu subkay saliid cusub.

Indhahayguna waxay arkeen wixii aan cadaawayaashayda la jeclaa, Oo dhegahayguna waxay maqleen wixii aan la jeclaa sharfalayaasha igu kaca.

Kii xaq ahu wuxuu u barwaaqoobi doonaa sida geed timireed, Oo wuxuu u bixi doonaa sida geed kedar la yidhaahdo oo Lubnaan.

Kuwa guriga Rabbiga lagu dhex beeray Waxay ku barwaaqoobi doonaan barxadaha Ilaahayaga.

Oo weliba midho bay dhali doonaan iyagoo gaboobay, Oo waxaa ka buuxi doona muud, wayna cagaari doonaan,

Si ay u muujiyaan in Rabbigu qumman yahay, Isagu waa dhagaxayga gabbaadka ah, oo xaqdarro kuma jirto.

INJIILKA QUDUUSKA AH EE SIDA UU QORAY MATAYOS (5:1-16)

¶ Markuu dadkii badnaa arkay ayuu buur fuulay, markaasuu fadhiistay oo xertiisa ayaa u timid.

Kolkaasuu afkiisa kala qaaday oo wax baray, isagoo leh.

¶ Waxaa barakaysan kuwa xagga ruuxa ka masaakiin ah, waayo, boqortooyada jannada iyagaa leh.

Waxaa barakaysan kuwa baroorta, waayo, waa la qalbiqabowjin doonaa.

Waxaa barakaysan kuwa camal qabow, waayo, dhulkay dhaxli doonaan.

Waxaa barakaysan kuwa xaqnimada u gaajaysan oo u harraadsan, waayo, way dhergi doonaan.

Waxaa barakaysan kuwa naxariista leh, waayo, waa loo naxariisan doonaa.

Waxaa barakaysan kuwa qalbiga ka daahirsan, waayo, Ilaah bay arki doonaan.

Waxaa barakaysan kuwa nabadda ka shaqeeyaa, waayo, waxaa loogu yeedhi doonaa wiilashii Ilaah.

Waxaa barakaysan kuwa xaqnimada aawadeed loo silciyo, waayo, boqortooyada jannada iyagaa leh.

Waad barakaysan tihiin goortii laydin caayo, oo laydin silciyo, oo wax walba oo xun oo been ah laydinka sheego aawaday.

Farxa oo reyreeya, waayo, jannada abaalgudkiinnu waa ku weyn yahay, waayo, sidaasay u silcin jireen nebiyadii idinka horreeyey.

¶ Idinku waxaad tihiin cusbadii dhulka, laakiin haddii cusbadu dhadhan beesho, maxaa lagu cusbaynayaa? Dabadeed waxba tari mayso in dibadda loo tuuro oo dadku ku tunto maahee.

Idinku waxaad tihiin iftiinkii dunida. Magaalo buur ku taallu ma qarsoomi karto.

Ilays looma shido in la hoos geliyo weel, laakiin waxaa la saaraa meeshii ilayska, oo wuu u iftiimaa kuwa guriga ku jira oo dhan.

Sidaas oo kale iftiinkiinnu dadka hortiisa ha iftiimo, si ay shuqulladiinna wanaagsan u arkaan, oo ay Aabbihiinna jannada ku jira u ammaanaan.

Tenoo oasht emmok o piekhristos nem pekyot en aghathos nem pi epnevma ethowab je akee ak soati emmon nai nan

Adiga baan caabudnaa, Masiixow, adiga iyo Aabbahaaga Wanaagsan iyo Ruuxa Quduuska ah; waayo, waad timid oo waad na badbaadisay.

1. Adigu, kan maalintii lixaad iyo saacaddii lixaad lagu qodbay iskutallaabta, dembigii aabbahay Aadan ku kuftay Jannada dartiis, tirtir qoraalkii daynta dembadayada, Masiixow Ilaaheenna, oo na badbaadi. Waxaan ugu qeyliyey Rabbiga, wuuna i maqlay. Ilaahow, tukashadayda maqal, hana diidin codsigeyga. I dhego-nugee oo i maqal galabtii, subaxii iyo duhurkii. Waxaan iraahdaa erayadayda, isaguna wuu maqlayaa codkayga oo naftayda ayuu ku xoreeyaa nabad.

Ammaan Aabbaha, iyo Wiilka, iyo Ruuxa Quduuska ah

Ammaan Aabbaha, iyo Wiilka, iyo Ruuxa Quduuska ah.

2. Ciise Masiixow, Ilaaheenna, adigoo lagu qodbay iskutallaabta saacaddii lixaad, oo geedka ku dilay dembiga, oo dhimashadaada ku noolay kii dhintay, ee gacmahaaga ku abuuray, dembigana ku dhintay; ku dili xanuunkeenna silicyaashaaga bogsiinta iyo nolosha-bixinta ah, iyo ciddiyihii lagu qoday. Ka fur maskaxdeenna gaabisnimada camalka dhulka iyo damacyada adduunyo, una jeedi xusuusta amarradaada samada, sida naxariistaada tahay.

Hadda iyo weligeed weligeed, Aamiin.

3. Ma lihin xasaanad, ama cudurdaar, ama caddaalad, dembiyo badan dartiis; hase yeeshee, adiga ayaan ku baryaynaa Kaaga kugu dhashay, Hooyada Ilaahow, Bikradda, waayo shafeecadaadu waa badan tahay oo la aqbalo hortiisa Badbaadiyaha. Hooyo daahir ahow, ha ka saarin dembiilayaasha shafeecadaada Kaaga aad sidday, waayo isagu waa naxariisle oo wuu badbaadin karaa, waayo wuu u xanuunsaday in uu ina sii daayo. Naxariistaadu ha nagu degdegto, waayo aad baan u liidannaa. Noo gargaarow, Ilaahow badbaadiyeheenna, ammaan magacaaga dartiis. Sayidow, na sii daaya oo na cafi dembadayada magacaaga quduuska ah dartiis.

Hadda iyo weligeed weligeed, Aamiin.

4. Badbaado ayaad ka samaysay dhexda dhulka oo dhan, Masiixow Ilaaheenna, markaad ku fidisay gacmahaaga quduuska ah iskutallaabta. Sidaa darteed quruumaha oo dhammu waxay ku qeylinayaan, “Ammaan adiga, Sayidow.”

Ammaan Aabbaha, iyo Wiilka, iyo Ruuxa Quduuska ah

Ammaan Aabbaha, iyo Wiilka, iyo Ruuxa Quduuska ah.

5. Waxaan caabudnaa Jirtaada aan fasaadka lahayn, Kan Wanaagsanow, annagoo weydiisanayna dembidhaafkeenna, Masiixow Ilaaheenna. Waayo adiga oo doonistaa ah ayaad ku faraxday in lagugu koryeelo iskutallaabta, si aad uga sii daysid addoommada kaa abuurmay gacmahaaga addoonsigii cadowga. Adigaa aan ku qeylinno oo aan ku mahadino, waayo adigaa farxad ku buuxiyey wax walba, Badbaadiyow, markii aad u timid inaad caawiso dunida. Sayidow, ammaantaadu ha sugnaato.

Hadda iyo weligeed weligeed, Aamiin.

6. Adigaa buuxda nimcada. Hooyada Ilaahow, Bikradda, waan kuu heesnaa, waayo iskutallaabta Wiilkaaga, Shee’ol wuu dhacay, dhimashaduna waa baaba'day. Annagu dhiman baanu ahayn, laakiin waa nala soo sara kiciyey oo waxaannu noqonnay kuwo u qalma nolosha weligeed ah, oo waanu helnay raaxadii jannadii hore. Sidaa darteed si mahadnaq leh ayaannu u ammaannaa Masiixa aan dhimanayn, Ilaaheenna.

Markaas caabuduhu wuu tukadaa:

Sayidow, na maqal oo naxariiso, oo na cafi dembadayada. Aamiin.

(Sayidow, naxariiso) 41 jeer

Absolushanka

Waxaan kugu mahadnaqaynaa, Boqorkayaga, Qaadirka wax walba, Aabbaha Rabbigeenna iyo Ilaaheenna Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, oo annagu ku ammaanno, waayo waxaad ka dhigtay waqtiyadii silicii Wiilkaaga Keliya waqtiyo qalbi-qaboojin iyo salaad. U aqbal xaggaaga baryadayada, oo ka tirtir naga qoraalka dembiyadeenna ee nagu qoran, sidaad u jeexday saacaddan quduuska ah iskutallaabta Wiilkaaga Keliya, Ciise Masiix Rabbigeenna iyo Badbaadiyaha nafafkeenna; kaas oo aad ku dumisay xoog kasta oo cadowga.

Ilaahow, noogu deeq waqti qurux badan, iyo nolol aan ceeb lahayn, iyo nolol deggan; in magacaaga quduuska ah ee lagu sujuudo aan ku qancinno, oo aan hortiisa istaagno kursiga cabsida leh ee caddaaladda ah ee Wiilkaaga Keliya Ciise Masiix Rabbigeenna annagoo aan ku dhicin xukun, oo aan adiga kula ammaano dhammaan quduusiintaada. Adiga Aabbaha aan bilowga lahayn, iyo Wiilkaada kugu sinnayn, iyo Ruuxa Quduuska ah ee wax-noolaynta, hadda iyo weligeed iyo dhammaan weliyada weligood. Aamiin.

Baryada la akhriyo dhammaadka saacaddii kasta

Naxariiso nagu yeel, Ilaahow, dabadeed naxariiso. Kaas oo wakhti kasta iyo saacad kasta, samada iyo dhulka, lagu sujuudo oo lagu ammaanay. Masiixa Ilaaheenna wanaagsan, kan dulqaadka dheer, kan naxariista badan, kan raxmadda badan, kan jecel kuwa xaqa ah, kana naxariista dembiilayaasha, anigu anigaaba ka horreeya. Kaas oo aanu doonaynin dhimashada dembiilaha, laakiin inuu noqdo mid toobad keena oo noolaada. Kaas oo ku yeedha dhammaan badbaadada, ballanta khayraadka la sugayo aawadeed.

Sayidow, aqbal saacaddan iyo saacad kasta codsiyadeenna. Nolosheena sahal, na hanuuni in aynu ku camal faleen amarradaada. Na quduus; jirkayagana daahiri. Fikradahayagana toosi. Niyadoodana nadiifi. Cudurradeennana bogsi, oo dembiyadeennana cafi. Oo naga badbaadi murugo kasta oo xun iyo xanuun qalbi. Noo wareeji malaa’igtaada quduuska ah, si aynu ku sugnaanno xeryahooda annagoo la ilaalinayo oo la hanuuninayo, oo aynu gaarno midnimada iimaanka iyo aqoonta ammaantaada aan la dareemi karin oo aan la xadidi karin; waayo adigu waad barakaysan tahay ilaa weligeed. Aamiin.

Ilaahow, na yeel kuwa istaahila in aynu nidhaahno annagoo mahadnaqayna: Aabbahayow ee samada ku jira...