Ducada Saacadeed

Saacadda Hadda

Salaadda Fiidkii - Saacaddii Kow iyo Tobnaad

Qorrax-dhac ayaan ku mahadinaynaa ilaalinta Ilaah, annagoo qirayna dembiyadeenna innagoo rajaynayna naxariistiisa.

Hordhaca Saacaddii Kasta

Magaca Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuska ah

Ilaaha Keliya, Aamiin.

Sayidow naxariiso. Sayidow naxariiso. Sayidow barakee. Aamiin.

Ammaan Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuska ah, hadda iyo waqti kasta iyo ilaa weliga weligiis, Aamiin.

AABBAHAYAGA

¶ Haddaba sidatan u tukada, Aabbahayaga jannada ku jirow, magacaagu quduus ha ahaado.

Boqortooyadaadu ha timaado, doonistaada dhulka ha lagu yeelo sida jannada loogu yeelo.

Kibis maalin nagu filan, maanta na sii.

Oo naga cafi qaamahayaga sidaannu u cafinnay kuwa noo qaamaysan.

Oo jirrabaadda ha noo kaxayn, laakiin sharka naga du. Waayo, boqortooyada iyo xoogga iyo ammaanta adigaa leh weligaa. Aamiin.

Salaadda Shukriga

Aan ku mahadnaqno Ilaaha naxariista badan, Sameeyaha wanaagga, Aabbaha Rabbigeenna iyo Ilaaheenna iyo Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, waayo Isagu wuu nagu asturay oo wuu nagu kaalmeeyey, wuu na dhowray, wuuna ina aqbalay, wuuna na u naxariistay, wuu na xoojiyey, wuuna ina keenay saacaddan. Isagana waxaan ka baryeynaa in uu nagu hayo maalintan quduuska ah iyo dhammaan maalmaha nolosheena nabad buuxda. Sayidka Ilaaheenna Qaadirka wax walba.

Sayidow Ilaahow, Qaadirka wax walba, Aabbaha Rabbigeenna iyo Ilaaheenna iyo Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, annagu waxaan kugu mahadnaqaynaa xaalad kasta, iyo sabab kasta, iyo xilli kasta; waayo adigu waad nagu asturtay, waad nagu kaalmaysay, waad na haysay, waad na aqbashay, waad na u naxariistay, waad na xoojisay, waadna ina keentay saacaddan.

Sidaa darteed waxaan ka weydiisanaynaa, oo ka baryaynaa wanaaggaaga, Sayidow Jecel dadka, in aad nagu deeqdo in aan ku dhamayno maalintan quduuska ah iyo dhammaan maalmaha nolosheena nabad iyo cabsidaada la jirta. Xaasidnimo kasta, iyo jirrab kastaa, iyo fal kasta oo shaydaan, iyo khiyaamada dadka sharka leh, iyo kacdoonka cadowga qarsoon iyo kan muuqda, naga fogee annaga iyo dadkaaga oo dhan, iyo meeshan quduuska ah. Waxa wanaagga iyo waxyaalaha waxtarka lehna na siisii. Waayo adigu waxaad na siisay amar aan ku tumanno abeesooyinka iyo qoolleyda iyo xoog kasta oo cadowga ah. Oo ha noo gelin jirrab, laakiin naga badbaadi kan sharka leh.

Naxariista iyo raxmadda iyo jeclaanta dadka ee Wiilkaaga Keliya, Rabbigeenna iyo Ilaaheenna iyo Badbaadiyeheenna Ciise Masiix; isaga oo ay iyaga kugu habboon yihiin ammaanta iyo sharafta iyo weynaanta iyo sujuuddu, adiga iyo Ruuxa Quduuska ah ee wax-noolaynta, ee kugu sinnayn, hadda iyo weligeed iyo ilaa weliga weligiis, Aamiin.

SABUUR 50

Ilaah, oo ah Ilaaha Rabbiga ah ayaa hadlay, Oo qorrax-soo-baxa ilaa qorraxdhaca dhulkuu u yeedhay.

Siyoon oo ah meesha quruxda kaamilka ah Ayaa Ilaah ka soo iftiimay.

Ilaaheen wuu iman doonaa, iskamana aamusi doono, Hortiisa ayaa dab wax baabbi'in doonaa, Hareerihiisana waxaa jiri doona duufaan weyn.

Isagu wuxuu u yeedhi doonaa samooyinka sare, Iyo dhulkaba, inuu dadkiisa xukumo aawadeed.

Oo wuxuu odhan doonaa, Quduusiintayda ii soo wada ururiya, Kuwii axdi igula dhigtay allabari.

Oo samooyinka ayaa xaqnimadiisa sheegi doona, Waayo, Ilaah qudhiisu waa xaakin. (Selaah)

Dadkaygiiyow, i maqla, oo anna waan hadli doonaa, Israa'iilow, i maqal oo anna waan kuu markhaati furi doonaa, Anigu waxaan ahay Ilaah, oo ah Ilaahaaga.

Anigu kugu canaanan maayo allabaryadaada, Oo qurbaannadaada gubanu had iyo goorba hortayday yaalliin.

Reerkaaga dibi ka qaadan maayo, Xerooyinkaagana orgi kala bixi maayo.

Waayo, xayawaanka duudda jooga oo dhan anigaa iska leh, Iyo xataa xoolaha kunka buurood jooga oo dhan.

Waan wada aqaan haadda buuraha joogta oo dhan, Oo dugaagga duurka jooga oo dhanna anigaa iska leh.

Haddaan gaajaysnahay, kuuma aan sheegeen, Waayo, dunida iyo waxa ka buuxaba anigaa iska leh.

Miyaan cuni doonaa hilibka dibida, Miyaanse cabbi doonaa dhiigga riyaha?

Ilaah u bixi allabariga mahadnaqiddaa, Oo Ilaaha ugu sarreeyana nidarradaadii u oofi,

Oo i bari maalinta dhibi jirto, Oo anna waan ku samatabbixin doonaa, kolkaasaad i ammaani doontaa.

Laakiinse Ilaah wuxuu kan sharka leh ku yidhaahdaa, Maxaad qaynuunnadayda u sheegaysaa, Oo aad axdigayga afkaaga ugu soo qaadaysaa?

Adigoo tacliinta neceb, Oo weliba erayadaydana dabadaada ku tuura.

Markaad tuug aragtay waad oggolaatay, Oo waxaad la qayb qaadatay dhillayo.

Afkaaga waxaad u daysaa inuu shar ku hadlo, Oo carrabkaaguna wuxuu hindisaa khiyaano.

Waad fadhiisataa oo wax ka sheegtaa walaalkaa, Oo weliba waxaad xamataa inahooyadaa.

Waxyaalahaas baad samaysay, oo anna waan iska aamusay, Waxaad moodday inaan ahay mid kula mid ah, Laakiinse waan ku canaanan doonaa, oo iyaga ayaan indhahaaga hortooda ku hagaajin doonaa.

Kuwiinna Ilaah illoobayow, bal waxan ka fiirsada, Waaba intaasoo aan cadcad idiin jeexjeexaaye, oo aad wax idin samatabbixiya weydaane,

Ku alla kii allabariga mahadnaqidda bixiyaa waa i ammaanaa, Oo kii socodkiisa si qumman u hagaajiyana Waxaan tusi doonaa badbaadinta Ilaah.

Bilowga Salaadda

Tasabixadda Galabnimo ee barakaysan waxaan u keenayaa Masiixa Boqorkaygii iyo Ilaahkaygii, waxaana ka baryayaa in uu ii cafiyo dembiyadayda

SABUUR 116

Rabbiga waan jeclahay, maxaa yeelay, wuxuu maqlay Codkaygii iyo baryootankaygii.

Dhegtuu ii dhigay, Sidaas daraaddeed isagaan baryi doonaa intaan noolahay oo dhan.

Xadhkihii dhimashada ayaa i hareereeyey, Xanuunkii She'oolna waa i qabsaday. Oo waxaan la kulmay dhib iyo murug.

Markaasaan ku baryootamay magaca Rabbiga, Anigoo leh, Rabbiyow, naftayda samatabbixi.

Rabbigu waa nimco miidhan, waana xaq, Haah, oo Ilaaheennu waa naxariis badan yahay.

Rabbigu kuwa garaadka daran wuu dhawraa, Hoos baa la ii soo dejiyey, kolkaasuu i badbaadshay.

Naftaydoy, nasashadaadii ku noqo, Waayo, Rabbigu wax badan oo wanaagsan buu kuu sameeyey.

Waayo, naftayda waxaad ka samatabbixisay dhimasho, Indhahaygana ilmo, Cagahaygana kufid.

Waxaan ku socon doonaa Rabbiga hortiisa Anigoo dhex jooga dalka kuwa nool.

Waan rumaysnaa, oo markaan hadlay Aad baa la ii dhibay,

Anigoo degdegsan baan waxaan idhi, Dadka oo dhammu waa beenaalayaal.

Bal maxaan Rabbiga uga celiyaa Waxyaalihii uu ii taray oo dhan?

Waxaan qaadan doonaa koobka badbaadada, Oo magaca Rabbiga ayaan ku baryootami doonaa.

Rabbiga ayaan u oofin doonaa nidarradaydii, Oo weliba waxaan ku bixin doonaa dadkiisa oo dhan hortooda.

Rabbiga hortiisa dhimashada quduusiintiisa Ayaa qiimo weyn ku leh.

Rabbiyow, sida runta ah waxaan ahay addoonkaaga, Waxaan ahay addoonkaaga, oo ah wiilka addoontaada, Silsiladahaygii waad iga furtay.

Waxaan kuu soo bixin doonaa allabarigii mahadnaqidda, Oo magaca Rabbiga ayaan ku baryootami doonaa.

Rabbiga ayaan u oofin doonaa nidarradaydii, Oo weliba waxaan ku bixin doonaa dadkiisa oo dhan hortooda,

Iyo guriga Rabbiga barxadihiisa, Iyo dhexdaada, Yeruusaalemay. Rabbiga ammaana.

SABUUR 117

Quruumaha oo dhammow, Rabbiga ammaana, Dadyowga oo dhammow, ammaana isaga.

Waayo, naxariistiisu xaggeenna waa ku weyn tahay, Rabbiga runtiisuna weligeedba way waartaa. Rabbiga ammaana.

SABUUR 119

Waxaa barakaysan kuwa jidka ku qumman, Oo sharciga Rabbiga ku socda.

Waxaa barakaysan kuwa dhawra markhaatifurkiisa, Oo Rabbiga ku doondoona qalbiga oo dhan.

Haah, oo xaqdarro ma sameeyaan, Jidadkiisase way ku socdaan.

Waxaad nagu amartay amarradaada, Inaan aad u dhawrno.

Aad baan u jeclaan lahaa in jidadkayga la hagaajiyo Inaan qaynuunnada dhawro!

Markaas anigu ceeboobi maayo, Markaan dhawro amarradaada oo dhan.

Markaan barto xukummadaada xaqa ah Ayaan qummanaanta qalbiga kuugu mahadnaqi doonaa.

Waxaan dhawri doonaa qaynuunnadaada, Rabbow, ha i dayrin weligay.

Bal nin dhallinyaro ahu muxuu jidkiisa ku nadiifiyaa? Waa inuu aad ugu fiirsado si eraygaaga waafaqsan.

Waxaan kugu doondoonay qalbigayga oo dhan, Yaanan amarradaada ka leexan.

Waxaan eraygaagii qalbigayga ugu kaydsaday Si aanan kuugu dembaabin.

Rabbiyow, adigaa mahad leh, Haddaba qaynuunnadaada i bar.

Waxaan bushimahayga ku sheegay Xukummadii afkaaga oo dhan.

Waxaan ku reyreeyey jidka markhaatifurkaaga, Sidaan ugu rayrayn lahaa taajirnimada oo dhan.

Waxaan aad ugu fiirsan doonaa amarradaada, Oo jidadkaagaan dhawri doonaa.

Qaynuunnadaada waan ku farxi doonaa, Eraygaagana ma illoobi doono.

Anoo addoonkaaga ah wax badan oo wanaagsan ii samee, si aan u noolaado, Oo sidaasaan eraygaaga u dhawri doonaa.

Indhahayga fur Si aan waxyaalo yaab badan sharcigaaga uga arko.

Socotaan dhulka ku ahay, Haddaba amarradaada ha iga qarin.

Naftaydu waxay u xiisootay Jacaylkay had iyo goorba u qabto xukummadaada.

Waxaad canaanatay kuwa kibirsan oo inkaaran, Oo amarrada ka leexda.

Cay iyo ceeb iga fogee, Waayo, markhaatifurkaaga waan xajiyey,

Oo weliba amiirraa fadhiistay oo wax iga gees ah ka wada hadlay, Laakiinse anoo addoonkaaga ah aad baan uga fiirsaday qaynuunnadaada.

Markhaatifurkaagu waa waxa iga farxiya, Waana lataliyayaashayda.

Naftaydu waxay ku dhegtaa ciidda, Haddaba ii noolee si eraygaaga waafaqsan.

Waxaan kuu sheegay jidadkaygii, oo adna waad ii jawaabtay, Bal qaynuunnadaada i bar.

Jidka amarradaada i garansii, Oo sidaasaan aad ugu fiirsan doonaa shuqulladaada yaabka badan.

Naftaydu waxay la dhacdaa murug, Haddaba ii xoogee si eraygaaga waafaqsan.

Jidka beenta iga fogee, Oo si raxmad leh sharcigaaga ii sii.

Waxaan doortay jidka aaminnimadaada, Oo waxaan hortayda dhigay xukummadaadii.

Markhaatifurkaaga waan xajiyaa, Rabbiyow, ha i ceebayn.

Waxaan ku ordi doonaa jidka amarradaada Markii aad qalbigayga ballaadhisid.

Rabbiyow, jidka qaynuunnadaada i bar, Waanan xajin doonaa tan iyo ugu dambaysta.

Waxgarasho i sii, oo anna sharcigaaga waan xajin doonaa, Haah, oo waxaan ku dhawri doonaa qalbigayga oo dhan.

Igu kexee waddada amarradaada, Waayo, kaasaan ku farxaa.

Qalbigayga u soo jeedi xagga markhaatifurkaaga, Oo ha u leexin xagga faa'iidada xaqdarrada ah.

Indhahayga inay fiiriyaan wax aan micne lahayn ka sii jeedi, Oo jidadkaaga igu noolee.

Eraygaaga ii xaqiiji anoo addoonkaaga ah Oo doonaya inaan kaa cabsado.

Caydayda aan ka cabsanayo iga leexi, Waayo, xukummadaadu waa wanaagsan yihiin.

Bal eeg, waxaan u xiisooday amarradaada, Haddaba xaqnimadaada igu soo noolee.

Rabbiyow, naxariistaada iyo weliba badbaadintaadu Ha iigu yimaadeen si eraygaaga waafaqsan.

Markaasaan jawaab u heli doonaa kan i caaya, Waayo, waxaan isku halleeyaa eraygaaga.

Oo erayga runta ahna dhammaantiis afkayga ha ka gooyn, Waayo, waxaan rajo ku qabay xukummadaada.

Markaasaan had iyo goorba dhawri doonaa sharcigaaga Weligay iyo weligayba.

Oo waxaan ku socon doonaa xorriyad, Waayo, waxaan doondoonay amarradaada.

Oo weliba waxaan markhaatifurkaaga ka sheegi doonaa boqorro hortooda, Mana ceeboobi doono.

Oo waxaan ku farxi doonaa amarradaada Aan jeclaaday.

Oo weliba waxaan gacmaha u hoorsan doonaa amarradaada aan jeclaaday, Oo aad baan ugu fiirsan doonaa qaynuunnadaada.

Xusuuso eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay, Oo aad igu rajo gelisay.

Oo taasu waa i qalbi qaboojisaa markii aan dhibaataysnahay, Waayo, eraygaagaa i soo nooleeyey.

Kuwa kibirsan aad bay iigu qosleen, Laakiinse sharcigaaga kama aan leexan.

Rabbiyow, tan iyo mar hore waxaan soo xusuusnaa xukummadaada, Waanan isqalbi qaboojiyey.

Aad baan u xanaaqay, Waana kuwa sharka leh oo sharcigaaga ka tegey aawadood.

Qaynuunnadaadu waxay ii ahaayeen heeso Markaan ku jiray gurigii aan socotada ku ahaa.

Rabbiyow, habeenkaan magacaaga soo xusuustay, Oo sharcigaagaan dhawray.

Taasu waa ii ahaatay, Maxaa yeelay, amarradaadii baan xajiyey.

Rabbigu waa qaybtayda, Oo anigu waxaan idhi, Waxaan dhawrayaa erayadaada.

Qalbigayga oo dhan ayaan kugu baryay inaad raalli iga ahaato, Si eraygaaga waafaqsan iigu naxariiso.

Waxaan ka fikiray jidadkayga, Kolkaasaan cagahayga u soo duway xagga markhaatifurkaaga.

Waan u degdegay, oo kama aan raagin Inaan amarradaada dhawro.

Waxaa isku kay duudduubay xadhkihii kuwa sharka leh, Laakiinse sharcigaaga ma aan illoobin.

Waxaan kici doonaa habeenbadhka inaan kugu mahadnaqo, Waana xukummadaada caddaaladda ah daraaddood.

Anigu waxaan wehel la ahay kuwa kaa cabsada oo dhan, Iyo kuwa amarradaada dhawraba.

Rabbiyow, dhulka waxaa ka buuxda naxariistaada, Haddaba qaynuunnadaada i bar.

Rabbiyow, anoo addoonkaaga ah waxaad iila macaamilootay Si wanaagsan oo eraygaaga waafaqsan.

Haddaba i bar kaladoorasho wanaagsan iyo aqoon, Waayo, waxaan rumaystay amarradaada.

Intaan lay dhibin ka hor ayaan ambaday, Laakiinse haatan eraygaaga waan dhawraa.

Waad wanaagsan tahay, oo wanaag baad samaysaa, Haddaba qaynuunnadaada i bar.

Kuwa kibirka lahu been bay iga sheegeen, Aniguse amarradaada ayaan ku xajin doonaa qalbigayga oo dhan.

Qalbigoodu wuu qallafsanaaday, Aniguse waxaan ku farxaa sharcigaaga.

Waa ii wanaagsanayd in lay dhibo, Si aan qaynuunnadaada u barto.

Sharciga afkaagu waa iiga sii fiican yahay Kumanyaal dahab iyo lacag ah.

Waxaa i sameeyey oo i qabanqaabiyey gacmahaaga, Haddaba i sii waxgarasho aan amarradaada ku barto.

Kuwa kaa cabsadaa way i arki doonaan, wayna farxi doonaan, Maxaa yeelay, waxaan rajo ku qabay eraygaaga.

Rabbiyow, waan ogahay in xukummadaadu ay xaq yihiin, Iyo inaad aaminnimo igu dhibtay.

Waan ku baryayaaye raxmaddaadu ha ii noqoto qalbiqaboojin Si waafaqsan eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay.

Naxariistaadu ha ii timaado si aan u noolaado, Waayo, waxaa iga farxiya sharcigaaga.

Kuwa kibirka lahu ha ceeboobeen, waayo, si gardarro ah ayay igu afgembiyeen, Aniguse waxaan aad uga fiirsan doonaa amarradaada.

Kuwa kaa cabsadaa ha ii soo noqdeen, Oo waxay ogaan doonaan markhaatifurkaaga.

Qalbigaygu qaynuunnadaada ha ku qummanaado, Si aanan u ceeboobin.

Naftaydu waa u taag darnaataa badbaadintaada aan u xiisoodo aawadeed, Laakiinse eraygaagaan rajo ku qabaa.

Sidii aan u lahaa, Goormaad i qalbi qaboojinaysaa? Ayaa indhahaygu u gudheen eraygaaga aawadiis.

Waayo, waxaan noqday sidii sibraar qiiq ku dhex jiro, Laakiinse innaba qaynuunnadaada ma aan illoobo.

Anoo addoonkaaga ah cimrigaygu waa intee? Oo goormaad xukun ku soo dejinaysaa kuwa i silciya?

Kuwa kibirka leh oo aan sharcigaaga waafaqsanayn Ayaa ii qoday godad.

Amarradaada oo dhammu waa wada daacad, Si gardarro ah ayay ii silciyaan, haddaba i caawi,

Dhulka ayay iga baabbi'in gaadheen, Aniguse kama aan tegin amarradaadii.

Raxmaddaada igu soo noolee, Oo anna waxaan dhawri doonaa markhaatifurka afkaaga.

Rabbiyow, eraygaagu weligiisba Wuxuu taagan yahay samada.

Aaminnimadaaduna waxay gaadhaa tan iyo ka ab ka ab; Dhulkaad dhistay, wuuna sii jirayaa.

Maantadan waxay u joogaan si qaynuunnadaada waafaqsan, Waayo, wax waluba waa addoommadaada.

Haddaanu sharcigaagu iga farxin, Waxaan kol hore ku halligmi lahaa dhibaatadii i haysatay.

Weligay amarradaada ma aan illoobi doono, Waayo, iyagaad igu soo noolaysay.

Anigu waxaan ahay kaaga, haddaba i badbaadi, Waayo, waxaan doondoonay amarradaada.

Kuwa sharka lahu way ii sugeen inay i baabbi'iyaan, Aniguse waxaan ka fiirsan doonaa markhaatifurkaaga.

Waxaan arkay in wax kasta oo kaamil ah ay dhammaad leeyihiin, Amarkaaguse aad buu u ballaadhan yahay.

Aad baan sharcigaaga u jeclahay! Maalinta oo dhan isagaan u fiirsadaa.

Amarradaadu waxay iga dhigaan ku ka sii caqli badan cadaawayaashayda. Waayo, weligayba way ila jiraan.

Waan ka sii waxgarasho badnahay macallimiintayda oo dhan, Waayo, waxaan u fiirsadaa markhaatifurkaaga.

Waan ka sii waxgarasho badnahay odayaasha, Waayo, waxaan xajiyey amarradaada.

Cagahayga waan ka joojiyey jid kasta oo shar leh, Si aan eraygaaga u dhawro.

Xukummadaada gees ugama aan leexan, Waayo, wax baad i bartay.

Erayadaadu dhanxanaggayga u macaan badanaa! Afkayga malab way uga sii macaan badan yihiin!

Amarradaada ayaan waxgarasho ku helaa, Oo sidaas daraaddeed ayaan jid kasta oo been ah u necbahay.

Eraygaagu wuxuu cagahayga u yahay laambad, Waddooyinkaygana iftiin.

Waxaan ku dhaartay oo aan weliba xaqiijiyey Inaan dhawrayo xukummadaada xaqa ah.

Aad iyo aad baan u dhibaataysnahay, Haddaba Rabbiyow, igu soo noolee si eraygaaga waafaqsan.

Rabbiyow, waan ku baryayaaye, aqbal qurbaannada ikhtiyaarka ah oo afkayga, Xukummadaadana i bar.

Naftaydu had iyo goorba waxay ku jirtaa khatar, Habase yeeshee sharcigaaga ma illoobo.

Kuwa sharka lahu waxay ii dhigeen dabin, Laakiinse amarradaada kama aan amban.

Markhaatifurkaaga waxaan u qaatay sida dhaxal weligiis waaraya, Waayo, kaasu waxa weeye waxa qalbigaygu ku reyreeya.

Qalbigayga waxaan u jeediyey inaan qaynuunnadaada oofiyo, Tan iyo weligay iyo ilaa ugu dambaysta.

Waan necbahay kuwa labada qalbi leh, Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.

Waxaad tahay gabbaadkayga iyo gaashaankayga, Oo waxaan rajo ku qabaa eraygaaga.

Kuwiinna xumaanta falow, iga taga, Si aan amarrada Ilaahayga u xajiyo.

Rabbiyow, ii tiiri si eraygaaga waafaqsan si aan u noolaado, Oo yaanan rajadayda ku ceeboobin.

Kor ii hay, oo waan badbaadi doonaa, Oo had iyo goorba waxaan u fiirsan doonaa qaynuunnadaada.

Kuwa qaynuunnadaada ka habaabay oo dhan waad fudaydsatay, Waayo, khiyaanadoodu waa wax been ah.

Kuwa sharka leh oo dhulka oo dhan waxaad u fogaysaa sida wasakh oo kale, Oo sidaas daraaddeed baan markhaatifurkaaga u jeclahay.

Jidhkaygu wuxuu la gariiraa cabsidaada, Oo waxaan ka baqaa xukummadaada.

Waxaan sameeyey xukun iyo caddaalad, Haddaba ha iiga tegin kuwa i dulma.

Anoo addoonkaaga ah wanaag daraaddiis ii dammiino, Oo kuwa kibirsanu yaanay i dulmin.

Indhahaygii waxay u gudheen jacaylkay badbaadintaada u qabaan, Iyo eraygaaga xaqa ah daraaddiis.

Anoo addoonkaaga ah iila macaamilow si naxariistaada waafaqsan, Oo qaynuunnadaada i bar.

Waxaan ahay addoonkaaga, haddaba waxgarasho i sii, Si aan markhaatifurkaaga u ogaado.

Waa wakhtiga aad shaqayn lahayd, Rabbiyow, Waayo, sharcigaaga way buriyeen.

Haddaba amarradaada waan ka sii jeclahay Dahab, haah, xataa dahab saafi ah.

Sidaas daraaddeed amarradaada oo dhammu waxay ila yihiin wax hagaagsan, Oo waan necbahay jid kasta oo been ah.

Markhaatifurkaagu waa yaab badan yahay, Oo sidaas daraaddeed ayay naftaydu u xajisaa.

Erayadaada furniinkoodu wax buu iftiimiyaa, Oo wuxuu waxgarasho siiyaa kuwa garaadka daran.

Afka aad baan u kala qaaday, oo waan harraaday, Waayo, waxaan u xiisooday amarradaada.

Ii soo jeeso, oo ii naxariiso, Sidaad kuwa magacaaga jecel u samaysid.

Tallaabooyinkayga ku toosi eraygaaga, Oo dembina yaanu ii talin.

Dadka dulmigiisa iga bixi, Oo anna waxaan dhawri doonaa amarradaada.

Anoo addoonkaaga ah wejigaaga iigu iftiimi, Oo qaynuunnadaada i bar.

Indhahayga waxaa ka shubma durdurro biyo ah, Maxaa yeelay, sharcigaaga lama dhawrin.

Rabbiyow, xaq baad tahay, Oo xukummadaaduna waa qumman yihiin.

Markhaatifurkaaga waxaad ku amartay xaqnimo Iyo daacadnimo oo dhan.

Waxaa i baabba'shay qiirada aan kuu qabo, Maxaa yeelay, cadaawayaashaydu waxay illoobeen erayadaada.

Eraygaagu aad buu u daahirsan yahay, Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah waan jeclahay.

Anigu waan yarahay, oo waa lay quudhsadaa, Laakiinse amarradaada ma illoobo.

Xaqnimadaadu waa xaqnimo weligeed sii waaraysa, Oo sharcigaaguna waa run.

Dhib iyo cidhiidhi baa i qabsaday. Laakiinse amarradaadu waa waxa iga farxiya.

Markhaatifurkaagu weligiisba waa xaq, Haddaba waxgarasho i sii, oo anna waan sii noolaan doonaa.

Waxaan ku qayshaday qalbigayga oo dhan, haddaba Rabbiyow, ii jawaab, Oo anna waxaan xajin doonaa qaynuunnadaada.

Waan kuu qayshaday ee i badbaadi, Oo markhaatifurkaaga waan dhawri doonaa.

Waan ka soo hor maray waaga berigiisii, oo waan qayliyey, Oo waxaan rajo ku qabay erayadaada.

Indhahaygu way ka hor mareen wakhtiga la soo jeedo oo habeennimo, Si aan eraygaaga uga fikiro.

Codkayga u maqal si raxmaddaada waafaqsan, Rabbiyow, igu soo noolee si xukummadaada waafaqsan.

Kuwii xumaatada raaci jiray way soo dhowaanayaan, Iyagu sharcigaaga way ka fog yihiin.

Rabbiyow, adigu waad dhow dahay, Oo amarradaada oo dhammuna waa wada run.

Waxaan markhaatifurkaaga waa hore ka iqiin Inaad u aasaastay si ay weligood u sii waaraan.

Dhibaatadayda ka fiirso oo i samatabbixi, Waayo, anigu sharcigaaga ma illoobo.

Dacwadayda ii muddac, oo i soo furo, Igu soo noolee si eraygaaga waafaqsan.

Kuwa sharka leh badbaadadu waa ka fog tahay, Waayo, qaynuunnadaada ma ay doondoonaan.

Rabbiyow, naxariistaadu waa badan tahay, Igu soo noolee si xukummadaada waafaqsan.

Kuwa i silciya iyo cadaawayaashayduba way badan yihiin, Laakiinse anigu kama aan leexan markhaatifurkaaga.

Waxaan arkay khaa'innada, kolkaasaan murugooday, Maxaa yeelay, iyagu eraygaaga ma ay dhawraan.

Bal ka fiirso sida aan amarradaada u jeclahay, Rabbiyow, igu soo noolee si raxmaddaada waafaqsan.

Eraygaaga dhammaantiisu waa run, Mid kasta oo xukummadaada xaqa ah ka mid ahu wuu sii waaraa weligiisba.

Amiirraa sababla'aan ii silciyey, Laakiinse qalbigaygu wuxuu ka baqaa erayadaada.

Waxaan eraygaaga ugu reyreeyaa Sidii mid booli badan helay.

Beenta waan necbahay oo waan karahsaday, Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.

Maalintiiba toddoba jeer baan ku ammaanaa, Waana xukummadaada xaqa ah daraaddood.

Kuwa sharcigaaga jecelu waxay haystaan nabad weyn, Oo wax iyaga turuntureeyaa ma jiraan.

Rabbiyow, badbaadintaada waan u xiisooday, Oo amarradaadiina waan oofiyey.

Naftaydu waxay dhawrtay markhaatifurkaaga, Oo anna aad iyo aad baan u jeclahay.

Waxaan dhawray amarradaada iyo markhaatifurkaaga, Waayo, jidadkayga oo dhammu hortaaday wada yaalliin.

Rabbiyow, qayladaydu ha ku soo dhowaato hortaada, Oo waxgarasho ii sii si eraygaaga waafaqsan.

Baryootankaygu hortaada ha yimaado, Oo ii samatabbixi si eraygaaga waafaqsan.

Bushimahaygu ammaan ha ku hadleen, Waayo, waxaad i bartaa qaynuunnadaada.

Carrabkaygu ha ku gabyo eraygaaga, Waayo, amarradaada oo dhammu waa wada xaqnimo.

Gacantaadu diyaar ha u ahaato inay i caawiso, Waayo, amarradaadaan doortay.

Rabbiyow, badbaadintaada, waan u xiisooday, Oo sharcigaaguna waa waxa iga farxiya.

Naftaydu ha iska noolaato, wayna ku ammaani doontaa, Oo xukummadaaduna ha i caawiyaan.

Waxaan u hallaabay sidii lax luntay, haddaba anigoo addoonkaaga ah i doondoon, Waayo, amarradaada ma aan illoobo.

SABUUR 120

Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga u qayshaday, Oo isna wuu ii jawaabay.

Rabbiyow, naftayda ka samatabbixi bushimo been sheega, Iyo carrab khiyaano badan.

Carrabka khiyaanada badanow, bal maxaa lagu siin doonaa? Oo maxaa kaloo laguu samayn doonaa?

Adoo ah sida ku xoog badan oo fallaadhihiisa afaysan, Kuwaas oo wata dhuxulo geed rotem la yidhaahdo.

Anaa hoogay, waayo, Mesheg baan qariib ku noqday, Oo waxaan dhex degay teendhooyinkii Qedaar!

Naftaydu waxay wakhti dheer la degganayd Mid nabadda neceb.

Waxaan ahay mid nabad jecel, Laakiinse kolkii aan hadlo, iyagu waa kuwa dagaal jecel.

SABUUR 121

Buurahaan indhahayga ku taagi doonaa, Caawimaaddaydu xaggee bay ka iman doontaa?

Caawimaaddaydu waxay ka timaadaa Rabbiga sameeyey samada iyo dhulka.

Isagu uma oggolaan doono in cagtaada la dhaqaajiyo, Kan ku dhawraa ma gam'i doono.

Bal eeg, kan reer binu Israa'iil dhawraa Ma gam'i doono, mana seexan doono.

Kan ku dhawraa waa Rabbiga, Rabbigu waa hooskaaga midigtaada taagan.

Qorraxdu maalinta waxba kuma yeeli doonto. Habeenkana dayaxu waxba kuma yeeli doono.

Rabbiga ayaa kaa dhawri doona shar kasta, Isagu wuxuu dhawri doonaa naftaada.

Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba Rabbigu wuxuu dhawri doonaa bixiddaada iyo soo geliddaadaba.

SABUUR 122

Waan farxay markay igu yidhaahdeen, Ina keena, aan guriga Rabbiga tagnee.

Yeruusaalemay, cagahayagu Waxay taagan yihiin irdahaaga gudahooda,

Yeruusaalem waxaa loo dhisay Sida magaalo isku wada dheggan,

Halkaasay qabiilooyinka, oo ah qabiilooyinka Rabbigu kor ugu baxaan Inay Israa'iil u marag furaan, Iyo inay magaca Rabbiga ku mahadnaqaan.

Waayo, waxaa yaalla carshiyo garsoorid loo dhigay, Waana carshiyadii reerka Daa'uud.

Yeruusaalem nabad ugu duceeya. Kuwa ku jecelu way barwaaqoobi doonaan.

Nabadu ha ku jirto derbiyadaada gudahooda, Barwaaqona ha ku jirto daarahaaga dhaadheer.

Walaalahay iyo rafiiqyadayda daraaddood Ayaan hadda waxaan odhanayaa, Nabadu gudahaaga ha ku jirto.

Rabbiga Ilaahayaga gurigiisa daraaddiis Ayaan wanaaggaaga u doondooni doonaa.

SABUUR 123

Kaaga samooyinka dhex fadhiyow, Adigaan indhahayga kor kuugu taagaa.

Bal eeg, sida ay indhaha addoommadu u fiiriyaan gacanta sayidkooda, Iyo sida ay gabadh indhaheedu u fiiriyaan gacanta sayidaddeeda Ayay indhahayagu u fiiriyaan Rabbiga Ilaahayaga ah, Ilaa uu noo naxariisto.

Rabbiyow, noo naxariiso, annaga noo naxariiso, Waayo, waxaa aad nooga buuxda quudhsasho.

Naftayadii waxaa aad uga batay Qosolka kuwa istareexsan Iyo quudhsashadii kuwa kibirsan.

SABUUR 124

Haddaan Rabbigu inala jirin Hadda reer binu Israa'iil ha yidhaahdeen,

Haddaan Rabbigu inala jirin, Markii dadku inagu kacay,

Kolkaasay innagoo noolnool ina wada liqliqi lahaayeen, Markay aad inoogu cadhoodeen,

Kolkaasay biyuhu ina qarqin lahaayeen, Durdurna nafteennuu dul mari lahaa,

Oo kolkaasay biyaha kibirsanu nafteenna dul mari lahaayeen.

Waxaa mahad leh Rabbiga Aan inaga dhigin ugaadh ilkahoodu ay qabsadaan.

Nafteennu waxay u baxsatay sida shimbir uga baxsato dabinka shimbirrodabtaha, Dabinkii wuu go'ay, innaguna waynu baxsannay.

Caawimaaddeennu waxay ku jirtaa magaca Rabbiga Sameeyey samada iyo dhulkaba.

SABUUR 125

Kuwa Rabbiga isku halleeyaa Waa sida Buur Siyoon oo aan la dhaqaajin karin, laakiinse weligeedba sii jirta.

Sida buuruhu Yeruusaalem ugu wareegsan yihiin Ayuu Rabbigu dadkiisa ugu wareegsan yahay, Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba.

Waayo, usha xumaantu ku dhici mayso qaybta kuwa xaqa ah, Si aan kuwa xaqa ahu gacmahooda xumaan ugu soo fidin.

Rabbiyow, kuwa wanaagsan wanaag u samee, Iyo weliba kuwa qalbigoodu qumman yahay.

Laakiinse kuwa geesta ugu leexda jidadkooda qalloocan Rabbigu wuxuu iyaga la kaxayn doonaa xumaanfalayaasha. Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.

SABUUR 126

Markii Rabbigu soo celiyey maxaabiistii Siyoon, Waxaynu noqonnay sida kuwa riyooda.

Markaasaa afkeenna waxaa ka buuxsamay qosol, Carrabkeennana gabay, Kolkaasaa quruumaha waxaa laga dhex yidhi, Rabbigu waxyaalo waaweyn ayuu iyaga u sameeyey.

Rabbigu wuxuu inoo sameeyey waxyaalo waaweyn, Oo aynu ku faraxsan nahay.

Rabbiyow, maxaabiisnimada mar kale nooga soo celi Sida durdurrada koonfureed.

Kuwa ilmada wax ku abuurtaa, farxad bay ku goosan doonaan.

Kii iska taga isagoo ooyaya oo abuurkiisa sita, Wuxuu soo noqon doonaa isagoo faraxsan oo xidhmooyinkiisa sita.

SABUUR 127

Haddaan Rabbigu guriga dhisin, Kuwa dhisaya, waxtarla'aan bay u hawshoodaan, Haddaan Rabbigu magaalada dhawrin, Waardiyuhu micnela'aan buu u soo jeedaa.

Faa'iido idiinma leh inaad aroor hore kacdaan oo aad goor dambe seexataan, Oo aad kibista dhibka cuntaan, Waayo, wuxuu kuwuu jecel yahay siiyaa hurdo.

Bal eeg, carruurtu waa dhaxal xagga Rabbiga laga helo. Oo midhaha maxalku waa abaalgudkiisa.

Sida fallaadho ku jira nin xoog badan gacantiis, Sidaasoo kale weeye carruurta dhallinyaranimadu.

Waxaa barakaysan ninkii gabooyihiisa ka buuxsada iyaga, Iyagu ma ay ceeboobi doonaan Markay cadaawayaashooda kula hadlaan xagga iridda.

SABUUR 128

Waxaa barakaysan mid kasta oo Rabbiga ka cabsada, Oo jidadkiisa ku socda.

Waayo, waad cuni doontaa waxa gacmahaagu ku hawshoodeen, Waadna farxi doontaa, oo waad barwaaqoobi doontaa.

Naagtaadu waxay gurigaaga ku dhex ahaan doontaa sida geed canab ah oo midho badan dhala. Carruurtaaduna waxay noqon doonaan sida geedo saytuun ah oo miiskaaga ku wareegsan.

Bal eeg, sidaasuu u barakoobi doonaa Ninka Rabbiga ka cabsadaa.

Rabbigu Siyoon buu kaa barakayn doonaa, Oo cimrigaaga oo dhan waxaad arki doontaa wanaagga Yeruusaalem.

Haah, oo waxaad arki doontaa carruurtaada carruurtooda. Reer binu Israa'iil korkooda nabadu ha ahaato.

INJIILKA QUDUUSKA AH EE SIDA UU QORAY LUUKOS (4:38-41)

¶ Markaasuu sunagoggi ka soo kacay, oo wuxuu galay gurigii Simoon. Simoon soddohdiisna qandho weyn ayay qabtay, markaasay isaga u baryeen aawadeed,

oo intuu isa soo dul taagay ayuu qandhadii canaantay, wayna daysay. Kolkiiba way kacday oo u adeegtay iyagii.

¶ Markii qorraxdu sii dhacaysay, dadkii oo dhan oo lahaa dad cudurro kala cayncayn ah qabay ayay isaga u keeneen; mid kastaba gacmihiisuu saaray oo bogsiiyey.

Jinniyona dad badan ayay ka soo baxeen, iyagoo qaylinaya oo leh, Adigu waxaad tahay Wiilka Ilaah. Isaguse waa canaantay oo uma oggolaanin inay hadlaan, waayo, waxay garanayeen inuu Masiixa yahay.

Tenoo oasht emmok o piekhristos nem pekyot en aghathos nem pi epnevma ethowab je akee ak soati emmon nai nan

Adiga baan caabudnaa, Masiixow, adiga iyo Aabbahaaga Wanaagsan iyo Ruuxa Quduuska ah; waayo, waad timid oo waad na badbaadisay.

1. Haddaba haddii kan xaqa ahi si dirqi ah u badbaado, anigu xaggee ayaan, dembiiluhu, ka muuqan doonaa? Culayska iyo kulaylka maalinta ma aan dulqaadan tabardarrida aadananimaday awgeed. Laakiin, Ilaahow naxariis badan, iigu tirso kuwa saacaddii kow iyo tobnaad. Waayo, bal eeg, xumaanno ayaan ku uuraysnaa, dembina hooyaday ayaa igu dhashay. Sidaa darteed, ma karaahiyo inaan kor u eego samada; ee waxaan ku tiirsanahay badnaanta naxariistaada iyo jacaylkaaga banii-aadmiga, anigoo ku qeylinaya oo leh, “Ilaahow, i cafi, aniga oo dembiile ah, oo ii naxariiso.”

Ammaan Aabbaha, iyo Wiilka, iyo Ruuxa Quduuska ah

Ammaan Aabbaha, iyo Wiilka, iyo Ruuxa Quduuska ah.

2. Deg-deg, Badbaadiyow, inaad ii furto laabta aabbannimo, waayo noloshayda waxaan ku dayacay raaxo iyo damac, maalintiina way iga dhaaftay oo way ba'day. Sidaa darteed, imminka waxaan ku tiirsanahay hodannimada naxariistaada aan dhammaanayn. Haddaba ha dayacin qalbi jabban oo u baahan naxariistaada. Waayo, adiga ayaan kuu qeylinayaa, Sayidow, anigoo is-hoosaysiinaya, “Aabboow, waxaan dembaabay samada hortooda iyo hortaa, oo mar dambe uma qalmo in la i yiraahdo wiilkaaga; ee iga yeel mid ka mid ah addoomahaaga la kireysto.”

Hadda iyo weligeed weligeed, Aamiin.

3. Dhammaan xumaantii waan ku sameeyey xeel iyo firfircooni; dembi kasta waan sameeyey si hammi iyo dadaal leh; ciqaab iyo xukun walbana waan u qalmaa. Sidaa darteed, ii diyaari waddooyinka toobadda, Marwo Bikrad ah; adigaan kuu soo jeestaa, adiga ayaan ku baryayaa shafeeco ahaan, adiga ayaan ku baaqayaa gargaar ahaan, si aanan ceeb u galin. Marka naftaydu ka baxdo jidhkayga, ii joog; burburi dhagarta cadowga, oo xidh iridda Shee’ol, si aanay naftayda u liqin, adigoo ah aroosad aan eed lahayn ee Aroosgii runta ahaa.

Markaas caabuduhu wuu tukadaa:

Sayidow, na maqal oo naxariiso, oo na cafi dembadayada. Aamiin.

(Sayidow, naxariiso) 41 jeer

Absolushanka

Waxaan kugu mahadnaqaynaa, Boqorkeenna naxariista badan, waayo waxaad nagu siisay in aan maalintan nabad ku dhaafno, waxaadna noo keentay fiid cimri ku mahadnaqaya; waxaadna nagu siisay istaahil in aan aragno iftiinka fiidkii. Ilaahow, aqbal ammaantayadan hadda dhacay. Oo naga badbaadi dhagarta ka soo horjeedda; oo baabi’i dabinnadiisa kale ee dhan ee noo qotoman. Noo hibee habeenkan soo socda nabad aan xanuun lahayn, aan walaac lahayn, aan daal lahayn, aan dhalanteed lahayn; si aan sidoo kale ugu gudubno nabad iyo cibaado, oo aan u toosno wada-tumaanno iyo salaado mar kasta iyo meel kasta, oo aan ku ammaanno magacaaga quduuska ah wax kasta, adiga oo lala joogo Aabbaha aan la fahmi karin oo aan bilowga lahayn, iyo Ruuxa Quduuska ah ee wax-noolaynta, ee kugu sinnayn hadda iyo weligeed iyo ilaa weliga weligiis. Aamiin.

Baryada la akhriyo dhammaadka saacaddii kasta

Naxariiso nagu yeel, Ilaahow, dabadeed naxariiso. Kaas oo wakhti kasta iyo saacad kasta, samada iyo dhulka, lagu sujuudo oo lagu ammaanay. Masiixa Ilaaheenna wanaagsan, kan dulqaadka dheer, kan naxariista badan, kan raxmadda badan, kan jecel kuwa xaqa ah, kana naxariista dembiilayaasha, anigu anigaaba ka horreeya. Kaas oo aanu doonaynin dhimashada dembiilaha, laakiin inuu noqdo mid toobad keena oo noolaada. Kaas oo ku yeedha dhammaan badbaadada, ballanta khayraadka la sugayo aawadeed.

Sayidow, aqbal saacaddan iyo saacad kasta codsiyadeenna. Nolosheena sahal, na hanuuni in aynu ku camal faleen amarradaada. Na quduus; jirkayagana daahiri. Fikradahayagana toosi. Niyadoodana nadiifi. Cudurradeennana bogsi, oo dembiyadeennana cafi. Oo naga badbaadi murugo kasta oo xun iyo xanuun qalbi. Noo wareeji malaa’igtaada quduuska ah, si aynu ku sugnaanno xeryahooda annagoo la ilaalinayo oo la hanuuninayo, oo aynu gaarno midnimada iimaanka iyo aqoonta ammaantaada aan la dareemi karin oo aan la xadidi karin; waayo adigu waad barakaysan tahay ilaa weligeed. Aamiin.

Ilaahow, na yeel kuwa istaahila in aynu nidhaahno annagoo mahadnaqayna: Aabbahayow ee samada ku jira...